Jaaliyadda Soomaalida Beljamka oo ka codsatay wasaarada arrimaha dibedda Soomaaliya in ay wax ka qabato musuq-maasuqa ragaadiyey safaaradda Beljamka (Magacyada dadka qoraalkan soo saaray)

11.03.2012 (Moment Media Group) – Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyin ka tirsan wadanka Beljamka ayaa cabasho u jeediyey wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Soomaaliya, cabashadaasoo la xiriirta musuqmaasuq ay sheegeen inuu si xowli ah uga soconayo xarunta safaaradda Soomaalidu ku leedahay magaalada Brussel ee wadanka Beljamka, waxaana lagu sheegay qoraal xubno ka tirsan Jaaliyadaha ka dhisan magaalooyinka Beljamka ay kaga codsanayaan wasiirka arrimaha dibedda inuu wax ka qabto maamul xumidda & musuq-maasuqa ka jira xarunta safaaradda, taasoo weji gabax ku noqoneysa guud ahaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda.

Qoraalkan oo dadkii soo qoray ay magacyadooda ku saxiixeen waxaa qodobada lagu eedeeyey Nuur Cadde ka mid ah isagoo lacago xad dhaaf ah ka qaata dadka safaaradda u yimaada in loo sameeyo baasaboorka Soomaaliga ah & warqadaha dhalashadda & kuwa minishiibiyada, lacagahaasoo ay sheegeen dadka qoraalka soo qoray inuu jeebka ku shubto Nuur Cadde oo xitta kari waayey inuu ku qalabeeyo xafiiska uu ku shaqeeyo.

“Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) wuxuu safaaradda isugu daray 2 arrimood oo sumcad xumo ku ah hanaanka dowliga ah, labadaasoo kala ah; wuxuu qarashaadka laga qaado dadka shaqooyinka loogu qabto safaaradda uu ku shubtaa jeebka, & isagoo howshii safaaradda ku wareejiyey shaqsi aan wax khibrad ah u laheyn shaqo safaaradeed oo darawal u ah, wuxuuna shaqadii ka wareejiyey Prof. Cali Wolf oo ahaa shaqsi shaqada maamulka taqasus u leh” ayaa lagu yiri qoraalka ay Jaaliyadda Soomaalida soo saareen, waxaana sidoo kale ay Jaaliyadu sheegtay in howshii safaarada uu iminka ku takri falo darawalka Nuur Cadde oo gabar xogheyn ah xafiiska keensaday, siduu doonana u isticmaala dhaqaalaha soo gala safaaradda.
 
“Nuur Cadde wuxuu yimaadaa safaaradda isagoo boorso faaruq ah wata, wuxuu ka buuxsadaa lacag, kadibna dayuuraduu ku laabtaa, shaqada uu Nuur Cadde safaaradda ka qabto waa intaas, wuxuuna soo rogay sharci jeebkiisa ah oo uu leeyahay waa in laga qaadaa qofkii Soomaaliga ah ee dalbada baasaboor lacag ka badan 160 Euro oo u dhiganta 200 dollar, halka Kenya, Muqdisho & Dubai dadka baasaboorka dalbada laga qaado 80 ilaa 100 dollar, markii lagu yiri lacagtaan tirada badan halkeey u socotaa wuxuu ku jawaabaa waxaad weydiisaan Gaafoow, warqadda dhalashadda keliya waxaa lagu sameeyaa 50 Euro, wadamada aan ku dhaqanahay waa xaaraan lacag intaas la’eg in lagu qaado warqad E4 (EE FOOR) ah haddana qofkii lacagtaas bixiya lama siiyo wax rasiid ah, waxaa isweydiin leh halka ay lacagtaas ku baxdo, markii la weydiiyey sababta aanu dadka rasiid u siineyn wuxuu yiri waan inkiri karaa beri in lacagta intaas ah aan qaadno” ayaa lagu yiri qoraalkaas, waxaana laga codsaday R/wasaaraha & wasaarada arrimaha dibedda in ay arrimahaasi wax ka qabtaan, dadka lacagahaas laga qaatayna dib loogu soo celiyo lacagahooda.

“Howsha safaaradda waxaa markii ugu horreysay billaabay Nuur Cadde & Prof. Cali Wolf oo ahaa qunsulka safaaradda, wuxuuna Cali ahaa shaqsigii dhidibadda u taagay markii ugu horreysay shaqadda safaaradda, wuxuuna gaarsiiyey safaaradda in uu ka dhigo meel aan laga tebin Nuur Cadde hadduu maqan yahay & hadduu joogo, howshuna si wanaagsan u socoto, nasiib darro Nuur Cadde markii uu dhibsaday nidaamka & Protokolka uu shaqadda u wado Cali Wolf oo macalin ka ahaa Jaamacad Paris-Fransa ku taal wuxuu gacanta soo qabsaday wiil yar oo Soomaali fara badan oo degan Brussel lacago ka dardaray” ayuu lagu yiri qoraalkan, waxaana laga codsaday dowladda Soomaaliya in ay fadeexadda ka jirta safaaradda Soomaaliya ay soo farageliso.

Shaqsiyaadka qoraalka ku saxiixan waxaa ka mid ah:

  •  1) C/rashiid Cali Cumar
  • 2) Max’ed deeq Siciid Cali
  • 3) Yaasiin Afrax Macalin
  • 4) Dirir Cali Ciid
  • 5) Kamaal Shire Xassan
  • 6) Suufi Max’ed Haashim
  • 7) Cali Cabdiraxmaan
  • 8) Garaad Baashi
  • 9) Luul Xassan Ciid
  • 10) Siciido Max’ed Kulmiye

& xubno kale oo fara badan.

Posted on March 13, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment