Faah faahin Dheeraad ah oo ku saabsan Shirkadda African Oil oo Qodista Ceel Shidaal ka Bilowdey Deegaanka Dharoor

Cabdiraxmaan Faroole “Sagaashan Cisho ayaa Shidaalka lagu soo saarayaa” .

Dr Cumar Kaahiye “Haddii Shirkaddu African Oil Sharciyeysan tahay Waxaa Xafladeeda ka qaybgeli lahaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka”.

“SHirkadda African Oil Shidaalka ay ka Baareyso Dharoor waa Mi Qamaar ah haddii ay hesho waxay ka iibsaneysaa Shirkado kale haddii ay Weyso”.

“Waxaa Bilowdey Dagaalkii Shidaalka ee Soomaaliya bal fiiri Dagaalka Kenya ee labada Jiho mid ay ku difaacayo Ceelka Badda iyo midka Faaxfaax Dhuun ee Gedo oo hadda lagu sii socdo” .

Faah faahin Dheeraad ah oo ku saabsan Shirkadda African Oil oo Qodista Ceel Shidaal ka Bilowdey Deegaanka Dharoor.

Waxaa dhawaan Halka lagu magacaabo Dooxada Dharoor oo ka tirsan Gobolka Bari ka dhacdey Xaflad Xariga looga jarayey Ceel shidaal oo Qodostiisa qaadatey Shirkad lagu magacaabo African Oil waxaana Xariga ka jarey Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Cabdiraxmaan Faroole oo Goobta ka Hadley ayaa yiri “Muddo Konton Sanno ayaa Soomaaliya Shidaal laga baarayey marka ay wax soo dhawaadaan baa lagu kala tagi jirey waxa kaloo la oron jirey Qarniga 21 aad ayaa Soomaaliya laga soo saarayaa Shidaalka maanta ayaa la joogaa Qarngii 21 aad marka Puntland baa nasiib u yeelatey in shidaal ay ka soo saarto deegaanka Puntland”.

 
Cadde Muuse iyo Dr Faroole oo uu dhex fadhiyo peter

Cabdiraxamaan Faroole wuxuu kaloo uu sheegey in Ceelka maanta laga qadayo Dharoor uu sheegey in loogu Magacdarey Ceellka Shabeel 1 isagoo sheegey in deegaano ka tirsan Gobolkka Nugaal iyana waqti dhow laga soo saari doono Shidaal waxaana Ceelka maanta Xarigiisa la jarey uu shidaal ku soo saari doonaa Muddo 90 Cisho ah..

Xafaladii lagu furayey Ceelka Dharoor waxaana ka maqnaa Dowladda Federaalka lamana garanayo sababta ay Dowladda Federaalka uga maqaneyd Xafladaas inkastoo Masuuliyiinta Pundland ay sheegeen in Dowladda Federaalka ay ogolaatey in Shidaal laga soo saaro deegaanada Pundland hase yeeshee Shacabka soomaaliyeed ayaa is weydiinaya Sababta Raiisul Wasaaraha DFKMG uga qaybgeli waayey Xafladii Xariga looga jarayey Ceelkaas iyadoo maalmo uu Raiisul Wasaaraha Moog yahay Magaaladda Boosaaso.

Warar ayaa sheegeya in Raiisul Wasaaraha DFKMG uusan Ogolaansho ka haysan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ku aadan Xafladii Xariga looga jarayey Ceelkaas iyadoo lagu waramey in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka biya diidsan yahay in shidaalka laga baaro Deegaano ka tirsan Soomaaliya oo aan ogolaansho looga haysan Dowladda Federaalka waxaana weli taagan Khilaafkii Dowladda Federaalka ee in shidaal laga baaro Deegaanada Pundland oo soo bilowdey Waagii uu Madaxweyne KMG dalka uu ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf oo isaga iyo Raiisul Wasaarihii Xiligaas Cali Maxamed Geedi isku qabteen , waxaa kaloo xigey is qabsigii dhex maray Madaxweynaha haatan Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raisul Wasaarihii Hore Cumar Cabdirashiid .

 
Dr Cumar Kaahiye Jabriil oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ka hadlayey Ceelka la sheegey in Qodostisa laga bilaabey Deegaanka Dharoor ayaa sheegey in Shirkadda Shidaalka halkaa ka bilowdey ay tahay Shirkad Calool u shaqeyste ah oo laga yaqaan Qaarada Afrika kuwaas oo hore uga fashilmey Wadamo badan oo Afrikaan qaar kale oo wadamadaas ay dhibaatooyin ku soo siyaadiyeen.

Dr Cumar isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Sababta Xiligaan ku soo beegey in Shidaal laga baaro Deegaanada Pundland waa iyadoo maamulka Puntland uu doonayo in iska jeedyo shacabka Soomaaliyeed ee maalin weliba la dhacayo Xoolahooda iyo weliba Khayraadkoda ee dhab kama ah in Shidaal la soo saaro waayo hore ayaa loogu fashilmey gaar ahaa Deegaanada Galgala iyo Majiyahan waxaana kuu cadeynaya in Shirkadda ay tahay mid Calool u shaqeytayaal ah iyadoo Ciidamo u yihiin Calool u shaqeystayaal kale ka dib markii laga maarmey dadkii xaqa u lahaa in ay shaqaale ka noqdaan Shidaal Qodista wuxuu sii raaciyey.

“Shirkadu in ay Maafiyo tahay waxaa kuu caddeynaya ma sameysan Goobihii lagu xafidi lahaa waxa ka soo hara sifeynta Shidaalka waxayan dooneysaa in Deegaanka ku aasto ama ay ku daadiso Badda waxaana Haraagaas hore dhibaatooyin uga soo gaareen Wadamo fara badan oo Afrikaan ah shirkadda ay Shidaal ka qodey”ayuu yir Dr Cumar oo ugu baaqey shacabka Pundland in ay ka digtoonaadaan Shirkadaha Maafiyada ah” wuxuu iintaa ku darey .

 
Haddi Shirkadu tahay shirkad la yaqaan waxaa Xafladda Furitaanka Goob joog ka noqon lahaa Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka,Soomaalida waxay Tiraah “Xalaal Barqaa la Qashaa” haddi aysan wax ku jirin Dowladda Federaalka ayaa ka soo qaygeli lahayd weliba Raiisul Wasaaraha oo Todobaadkii hore ugu dambeysey Magaaladda Boosaaso haddii shirkadu tahay Shirkad Sharciyeysan waxay mari lahayd habka Dowliga ee Dunida ka dhisan ee lagu soo saaro Shidaalka marka waa Shirkad si qarsoodi ah Shidaal u soo sareysa

 
“Waxaa la doonayaa in Khayraadkii dadka soomaaliyeed la iska gurto waayo waxa lagu dhawaaqi lahaa habka loo qaybsanayo Saamiga ka soo baxa shidaalkaa taasina lama sheegin waxaa jira in Shirkadaha noocaan oo kale ah waxay sameeyaan haddii ay ogaadaan in Ceelka uu shidaal ku jro waxay yiraahdaan halkaan waan ka weyney sidaana ceelka lagu joojiyo iyagoo doonaya in waqti fog ay la baxaan waa sida Deegaano soomaaliyeed uga dhaceen Xiliyo hore,Shirkadda African Oil waxaa Xaqiiqo ah in ay tahay mid dooneysa in ay Xoolaheeda ku Qamaarto waana Shirkad Biimo ah waayo haddii ay shidaal hesho waxay rabtaa in ay Shirkado kale ay hadhow ka iibsato marka ay Shidaal hesho marka waa Shul ama Shal ama waa faaiideysa ama waa Khasaareysaa marka waxaa Bilowdey Dagaalkii Shidaalka ee Soomaaliya bal fiiri Dagaalka Kenya waa labo jiho mid lagu difaacayo midka hadda Badda laga Qodayo iyo midka hada lagu sii socdo ee Faax-Fax Dhuun ee Gedo ee Gaas-ka Dabiiciga ee Soomaaliyey fadhiga ka kaca ”ayuu yiri Dr Cumar oo u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hadasho boobka lagu hayo Khayraadkii shacabka Soomaaliyed . .

Posted on January 21, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: