FAALO: Others (NUS 0.5) mar waliba “xaq ma ahan ee waa xal” maku imaan karaa xalka Soomaaliya.

ZURICH: – Anigoo ah guddoomiyaha Ururka qoowmiyadda Banaadiri ee dalka Iswiiska Abuukar Muxammad Sadiiq waxaan madaxda beesha Qoowmiyadda Banaadiri iyo beelaha kale nala mid ah ee aan hubeysneeyn ugu baaqayaa in lagu dadaalo sidii loo joojin/hor’tagi lahaa nidaamka xaq darrada ah ee wax wada qeeybsiga 4.5ka. 

Madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan weli ay maskaxdoodi ka bixin habkaasi, waxaan u sheegayaa marka hore in DHUL DADKIISA ISKA LEH, waxaana leeyahay ka fiirsada waxaad damceeysaan iyo dhulalka sheeganaysaanba, sababtoo ah, Soomaaliya manta dhibaatada ugu weyn ee haysata waa dhul kala haysasho, dowlad Soomaali ahne u dhismi la’dahay in ka badan 20 (labaatan) sano, sidaas darteed beel kastaba haku ekaadaan dhulkoodi ee yeeysaan damcin dhul aan isir iyo assalba u lahayn.
Badbaadinta dhismaha dowladda Soomaaliya waa in loo maraa waddo ku dhisan caddaalad ” SINNAAN IYO CADDAALAD WAA AASAAKA DOWLADNIMADA ” ee yaan lala aadin dulmi ama dano qabiil. 

Awood qaybsiga habka 4.5ka ma aha mid ku qotoma caddaaladda iyo sinnaanta, wuxuuna ka soo hor’jeedaa: dhaqanka hiddaha Soomaaliyeed, maxaa yeelay beelaha Soomaaliyeed tiro ahaan aysan isla ekeyn, deegaan ahaanne ay ku kala weynyihiin ; beelaha xaqoodi nus laga dhigay laga yaabo in ay ka tiro badan yihiin beelahaas qaarkoodi ay isku tiriyaan beelaha waaweyn.

Waxaa yaabka yaabkiisa ah in madaxdii hore ee maxaakiimta oo maantane qaarkoodi madax kayihiin dowladda KMG ee Soomaaliya in ay ku doodi jireen habka 4.5ka inay tahay xaaraan, caddaalad darro marka loo fiiriyo dhankastaba, xagga diinta Islaamkuna iyo dhanka bulshada soomaaliyeedna ay dulmi tahay in beelaha hubeeysan laga sareeysiiyo beelaha aan hubaysneeyn ee aan dhibka geeysan, maantane nidaamkaasi ay wataan madaxdaasi.

Madaxdaasi oo hor’muud u yahay Sh. Shariif Sheekh Axmed madaxweeynaha dowladda KMG Soomaaliya markii la weeydiiyey sababta ay u hir’galinayaan nidaamkaasi? waxay ku jawaabeen: xaq looma baahnee xal baa loo baahanyahay iyagoo qarinaya xaqa, baadilkana lagu dhaqmo, taasoo ka soo wada hor’jeeda beelaha aan hubeesneeyn.

Ilaa iyo maanta mala yaqaan habka xaqdarrada ah ee nidaamka 4.5ka meesha laga keenay, mana qabo dhaqanka Soomaalida, sidoo kale xittaa Sharciga Caalamka iyo Shareecada Islaamkaba.

Haddii aan laga hor’tagin nidaamkaasi lagu qeeybin doono: xildhibaanada iyo wasiirada wuxuu u sii gudbidoonaa: agaasimayaasha guud ee wasaaradaha, taliyeyaasha militariga iyo boliiska, safiirada iyo qunsuliyiinta wakiil inooga noqon doona dowladaha caalamka iyo wixii la mid ahba iyadoo loo eegeeynin aqoonta iyo xirfadda aay leeyihiin ee lagu magacaabidoono kaliya nidaamka xaaraanta ee 4.5ka oo ah sunta ku dhex saaqan madaxda beelaha hubeeysan oo loo baahan yahay in loo helo daawo aay ku caafimaadaan.

Haddaba, waxaa ii caddaatay in madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan ee wata habka 4.5ka in aay waxba ka aqoonin taariikhda Soomaaliya khaasatan kan Qoowmiyadda Banaadiri, sababtoo ah marne maku dhawaaqi laheeyn nidaamkaasi xaqdarrada ah hadii aqoon taariiqeed aay u lahaan lahaayeen ee aqoon darro ayaa u geeysatay.

Sidaas darteed, madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan waxaan la socodsiinaa in xisbigii gobanimadoonka ee SYL oo la aasaasay taariikhda markii ahayd 15.05.1943kii oo ka koobnaa 13 dhallinyaro ah jn tiro ahaan u badnaayeen dhallinyarada Qoowmiyadda Banaadiri guddoomiyane u ahaa Xaaji Muxammad Xusseeyn; dhallinyaradaas waxaay diidanaayeen siyaasadda gumeeysiga oo aheeyd qeybi oo xukun.

Xisbigaasi baaqiisu wuxuu ahaa: ” AXYAA WADDANI, SOOMALIYEEY TOOSOOY IYO QABIIL QARAN MA DHISO ”. 

Dastuurka xisbigaasi waxaa ugu waaweeynaa kana mid ahaa: in dalka lagu hoggaamiyo diinta iyo shareecadda islaamka, in la cirib tiro dhaqamada xun-xun

oo aay ka mid yihiin: qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga, in la hor’mariyo aqoonta, hiddaha iyo dhaqanka fiican.

Haddaba, madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan waxaan la talinayaa inta aay fal ku kicin ama suubin sida nidaamka 4.5ka in ugu horreeyntii iney xog’ogaal u noqdaan taariikhda beelaha Soomaalida khaas ahaan taariikhda dhabta ah ee qoreyaasha caalamka ay ka qoreen Qoowmiyadda Banaadiri, qoraaladaas aad ka heli kartaan bibliyooteegyada waaweyn ee caalamka, ” AQOON LA’AAN WAA IFTIIN LA’AAN”, ” GADAAL KA GAAR WAA GOOB DUMIS ”, sababtoo ah muwaadhiniin ay u soo halgameeyn xor’nimada Soomaaliya maantane awood qeeybsiga lagu sheegaayo OTHERS ama NUS AH waa yaabee!!!.

Sidaas daraadeed, dhammaan guddiyada ururada qoowmiyadda Banaadiri ka dhisan dowladaha caalamka iyo siyaasiyiinta, diblomaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, indheer garadka,caalimiinta, dhallinyarada iyo hooyooyinka waxaan u soo jeedinayaa in si deg deg ah aan u wada bilaawno 3da qodob inoogu muhiimsan oo ah kuwa soo socda:

B) In la abuuro guddi xalaal ah oo lagu magacaabaayoo: GUDDIGA DIFAACA XUQUUQDA SHACBIGA QOOWMIYADDA BANAADIRI, taasoo lagu gaari karo in aannu isku mowqif ahaano, codkeenuna uu ahaado hal kaliya, inaan ka qeeybgalno fadhi kasto la qabanaayo ee kusaabsan dib u dhiska dowladda Soomaaliya iyo dib u heshiisinta khilaafaadka ka taagan dowladda ku meel gaar ah iyo beelaha ka soo hor’jeeda oo annaga ka mid nahay ;

T) si loo dhiso guddigaasi waxaan soo jeedinayaa in guddiyaasha ururadeena inooga dhisan dowladaha caalamka in ay soo magacaawdaan 2/3 qof si aan go’aan uga gaarno meeshii isku imaan laheeyn anigoo talo ahaan u soo jeedinaayo magaalada Genève ee waddanka Iswiiska.

J) ka qeybgalkeeynu shirarka la qabanaayo ee arrimaha dowladda Soomaaliya in doodeenu uu ahaado sidii aan ku soo cesha laheeyn xuquuqdeena iyo dhulkeenaba ” XUQUUQ IYO DHUL DHIMANAAYO WAA LOO DHINTAA ”

Waxaan ku rajaweeynahay in arrimaheena oo idin soo jeediyey in si dhaqso ah u wada hir’galino, wada shaqeeyn joogto ahne aan wada yeelano, wa billaahi attoowfiiq.
ABUUKAR MOHAMED SADIK

Guddoomiyaha Ururka qoowmiyadda Banaadiri ee dalka Iswiiska (Switzerland)

Written by Abdiqadar Ahmed   
Saturday, 21 January 2012 14:22

Posted on January 21, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: