Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada Somaliland oo Isku Maandhaafay arrinta Awdal State

Hargeysa :- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay si weyn isugu maan-dhaafeen arrimo la xidhiidha khatarta Somaliland kaga iman karta dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo dhawaanahanba laga dareemayey gobollada Bariga iyo Galbeedka dalka, gaar ahaan deegaannada Awdal, Sool iyo Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Maxamed Cabdillaahi Cumr iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa la sheegay inay khamiistii inna dhaaftay isku khilaafeen shirkii golaha Wasiirrada oo maalin kasta oo khamiis ah ay Wasiirradu isugu yimaaddaan, kaas oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Khilaafka labada Masuul ma jiro wax war ah oo si rasmiya uga soo baxay, hase-yeeshee, sida ay ila-wareedyo xog-ogaal ah oo ka ag-dhawaa Shirkii golaha Wasiirrada ee Khamiistii oo ku beegnayd 19-kii bishan, ayaa RBC Radio u sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi oo 17-kii bishan safar shaqo kaga soo laabtay magaalada Nairobi uu warbixintiisa ku soo diray in arrinta laga cabsi qabo ee shir Taleex uga socday Beesha gobolka Sool uu ka halis badan yahay dhaqdhaqaaq nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland ka dhan ah oo ka iman kara gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Wasiir ku-xigeenka Waxbarashadu.

“Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdillaahi, ayaa warbixintiisa ku soo daray qodobbo uu ku sheegay inay Somaliland wakhtigan u muuqato mid indheheeda iyo awooddeedaba u jeedisay Bariga dalka, balse waxa uu sheegay in dhinaca loo jeestay ay ka khatar badan tahay dhinaca Gobolka Awdal oo Galbeedka dalka oo uu sheegay inay Kooxda Awdal State ee dalka dibeddiisa lagaga dhawaaqay kaga jirto abaabul xooggan oo ay dadweynaha ku kicinayaan inay Somaliland ka horjeestaan.” Sidaa waxa yidhi oo RBC Radio u sheegay mid ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo oo ka cudur-daartay in magiciisa la shaaciyo

Masuulkani waxa uu intaa ku daray in hadalkaas uu aad uga xumaaday Wasiir ku-xigeenka Waxbarashadu, isla markaana uu la wareegay hadalka. “Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil oo wejigiisa cadho badani ka muuqatay, ayaa hadalkaa Wasiirka arrimaha dibedda ka jawaabay, waxaanu sheegay inaanu Wasiir Maxamed Cabdillaahi weligii arag magaalada Boorama ee xarunta Awdal, sidaa daraaddeedna wax war ah oo uu ka hayo ama ka sheegi karaa jirin. Warbixinta uu jeediyeyna inta uu Awdal kaga daray tahay mid aan waxba ka jirin ee wax dad reer Awdal necebi u sheegeen uun uu golah ala yimi. Wasiir ku-xigeenka waxbarashadu waxa uu shirka ka sheegay inaanay arrinta Awdal laga dareemo aanay masuuliyadi ka saarnayn Wasiirka arrimaha dibeddda, sidaa daraaddeedna ay Masuuliyinta Reer Awdal ee Xukuumadda ka tirsani ka hawlgalayaan wax kasta oo looga baahan yahay reer Awdal.” ayuu hadalkiisa raaciyey masuulka in magiciisa la shaaciyo ka cudur-daartay.

Wararku waxay tibaaxeen, in Madaxweynuhu hadalka la wareegay markaa ka dib, isla markaana shirkaa golaha Wasiirrada lagu go’aamiyey in Wasiir ku-xigeenka waxbarashada loo diro magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal si uu dadweynaha halkaa ku dhaqan ugala soo qaybgalo bannaan-bax gooni-isu-taagga Somaliland lagu taageerayo oo Berri Axadda ka dhici doona gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaanahan soo xoogaysanayey iyada oo ay hore isu qabteen Wasiirrada Maaliyadda, Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland, immikana waan-waan laga dhex wado Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici oo khilaaf soo kala dhexgalay, kuwaasoo dhawr masuul oo horena ka sii horreeyeen.

Posted on January 21, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: