Barnaamijka Heesaha Hirgalay “Somali Idol” oo bilaabanaya 25-April

25ka april ee sanadkan 2012ka, waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ka bilaaban doona tartanka hormada koowaad ee barnaamijka la magac baxay hirgelinta heesaha ” Somali Idol ” kaasi oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu kobciyo fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed iyo dib u soo nooleynta afka hooyo oo sii nuxur beelaya gebigana ka sii lulanaya.

Barnaamijkani wuxuu u furan yahay yar iyo weyn rag iyo dumarba, qof kasta oo qori kara, akhrin kara, ku hadli kara kuna heesi kara afka soomaaliyeed, kaasi oo ay qaban qaabiyayaasha barnaamijkani, si kal iyo laab furnaan ah ugu soo dhoweynayaan, waxaana tartamaha looga baahan yahay inuu soo buuxiyo shuruudaha soo socda:-

1. Magaciisa oo seddexan, da’diisa iyo meesha uu ku dhashay.

2. Dalka iyo magaalada uu hadda ku nool yahay.

3. Heestiisa oo qoran iyo magaca heesta uu wato.

4. Heestu waa iney ahaataa mid cusub oo aan horay loo qaadin. 
Marka uu tartamuhu intaa soo buuxiyo, waxaa loogu yeeri doonaa tijaabo hordhac ah oo lagu ogaanayo in bulshada la hor geyn karo iyo in kale, waxaana laga eegi doonaa tayada ereyada uu wato iyo laxanka heesta, sidoo kale, waxaa laga eegi doonaa gole joogsigiisa iyo tayada codkiisa gaarka ah ee uu ilaahey hibada u siiyay.

Durbaanka ma la socon karaa mise waa ka baxsan yahay, xargaha muusigga ma ku dhex jiraa mise waa ka dhacsan yahay, su’aalahaasi jawaabahooda iyo wixii talo iyo tusaale faneed ahba in lagu dhiirri geliyo oo caawinaad laga geysto diyaar baa loo la yahay.

Barnaamijkan Somali Idol oo guud ahaan Scandanavia ka wada billaaban doona geba gebadiisa, waxey noqon doontaa magaalada london, waxaase afarta ugu danbeysa tartan kooda lagu soo gunaanadi doonaa dalka Jabuuti oo abaal marinno lagu gudoon siin doono, waxeyna dad weynaha si toos ah uga daawan doonaan TV-ga Universal.

Ugu danbeystii araajidiinna ku soo hagaajiya:-

omar.ali.omar@live.com 
Somali-idol@hotmail.com

Posted on January 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: