Maamulka Puntlanad oo hanjabaad culus u jeediyay Somaliland, kana hadlay dadkii lagu dilay Laascaanood

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo shalay la hadlay warbaahinta Puntland ayaa sheegay inay ka difaaci doonaan sida uu yiri deegaanadooda, cid alaale cid kasta oo dulaan ku soo qaada, iyadoo ugu baaqday maamulka Somaliland in damaca iyo dhul balaarsiga ay joojiso. 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo shalay  ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey maalinta saxaafadda Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin sida uu yiri dhul Puntland leedahay, dadka deganna ay u dhasheen Puntland, isagoona raaciyey inaysan marnaba ka joogsaneyn ka difaaca dhulkeeda cidda weerarka ku ah.

“Dadyowga degan Hargeysa, Burca iyo Berbera waxaan filayey inay waayo aragnimo u leeyihiin caburinta iyo tacadigu dhibataada uu leeyahay, wixii ay sheegayeen inay shalay ka dhiidhiyeen inay maanta kula kacan dad kale waxaad moodaa mid nasiib daro ay tahay, waxayna muujineysaa inay si fudud u iloobeen dhibaatadii ku dhacday sanadkii 1980-maadkii” ayuu yiri Gen. C/samad Cali Shire oo Somaliland xasuusinayey maquuniskii dowladdii Kacaanku ku haysey degaanadeeda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu sidoo kale yiri “Waxaan u sheegaynaa Somaliland in markii ay dowladii dhexe ee Soomaaliya sidii ay u burburtay Ummadda Soomaaliyeed deegaano ayey kala yeelatay, beelo bey kala noqotey, haku ekaadeen dalka inta ay ku leeyihiin baan ugu baaqeynaa”.

Dhinaca kale Gen. C/samad mar uu ka hadlayey shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxa uu yiri  “Waxaa nasiib daro noqotay niman siyaasiyiin ah oo iyagu is-magacaabay cidna aysan magacaban ayaa ku soo duulay shirkaasi, waxaana soo baxay inay majara habaabiyeen ujeedadii shirka laga lahaa, waxaanan afka ka dhawreynin qeyb ka mid raggaas iyaga ah inay ahaayeneen kuwo ku caanbaxay inay si qaloocan ugu garab rartaan fulinta siyaasadahooda gaarka ah, lagumana qanci karo wixii ka soo baxay shirkaasi waxaana leeyahay bulshada halkaasi ku dhaqan nimaan idiin furi doonid yaanu idiin rarin”. 

“Khatumo Satate waxay la mid tahay waxyaalaha la sheegayay beryahan ee iska hadalka ah sida Casayrlan iyo Galbeedland, waa waxaas la mid ah, mana ah maamul jira, dadka halkaasi degana waxay ka mid yihiin dadka reer Puntland” ayuu yiri markale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Gen. C/samad. 

Dhaka kale Madaxwqeyne ku xigeenka Puntland waxa u uka hadlay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool banaabax ka dhacay iyo dad lagu laayey, wuxuuna sheegay in  Somaliland haddii ay falka noocaasi ah ka waantoobi weydo ay ciqaab adah kala kulmi doonto sida uu yiri.

Posted on January 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: