Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Sheikh Shariif oo doonayo in uu xilka ka qaado laba wasiir oo ka tirsan dowlada Cabdi wali Gaas iyo Gudoomiyahii hore ee Barlamaanka oo xil wasiir ku badalanayo

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Sheikh Shariif ayaa doonayo in dhawaan xilka ka xayuubiyo laba wasiir uu arko kuwa uu ka fulan waayey danahiisa qaaska iyadoona labadaasi wasaaradood ay yihiin wasiirka Arimha dibadda iyo Wasiirka Maaliyada .

Wasiiradaan la casilaayo ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay shaqadooda u gudan waayey sidii loogu tala galay taana uu madaxweynah ku sheegay in xilka laga qaado waloow madaxweynaha sida la sheegay uu danahiisa qaaska ah markoow ka waayey darteed xilka in laga qaado uu soo jeediyey.

Labada wasiir ee xilka laga xayubinayo ayaa kala ah Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ah Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.

  

Madaxweynaha ayaa labadaan wasiir la sheegayaa in ay ka diideen wax yaalo uu soo jeediyey madaxweynaha waxaana ka mid ah safiira uu magacaabi lahaa madaxweynaha uu wasiirkaasi arimaha dibada ka caga jiiday halka wasiirka Malaiyada uu diiday un uu qasanada dowlada ka soo saaro lacag aan munaasib u aheen in la bixiyo xiligaas isagoona wasiirka sheegay in qarashkaan xiligaan kaasada ku jira loogu tala galay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed madaama colaad ay kala dhaxeyso.

Si kastaba ah ahatee hadii ay dhab noqota in xilka laga qaado labadaas wasaaradood waxay jaanis siineysa xildhibaanda xilka ka xayuubiyey madaxweyne shariif saxiibkiis
Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in gudoomiyaha xilkiisa lagu murusanyahay Shariif Xasan Sheikh Adan uu ergayaga qaramada miidoobay ee arimaha siyaasad ee Soomalaiya iyo beesha caalamka ku qanciyeen in uu xilka isaga dago maadaama lagu jiro xili adaga oo u baahan foojignaan said ah.

Gudoomiyaha xilkiisa lagu murusanyahay Shariif Xasan Sheikh Adan ayaa ka codsaday hadii uu xilka ka dagayo in loo magacaabo wasiirka Maaliyada ahana Raiisal waasare ku xigeen iyadoona sida hada muuqata uu socdo qorshahaasi xilkaas lagu magacaabayo Shariif Sakiin.

Posted on January 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: