Puntland oo si kulul u cambaareysey falkii ciidamada Somaliland ku laayeen shacab ku dibad baxayey magaalada Laascaano

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka difaaci doonaan sida uu yiri deegaanadooda, cid alaale cid kasta oo duulaan ku soo qaada, iyadoo ugu baaqday maamulka Somaliland in damaca iyo dhul balaarsiga ay joojiso.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo ayaa sheegay in deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin sida uu yiri dhul Puntland leedahay, dadka deganna ay u dhasheen Puntland, isagoona raacyey inaysan marnaba ka joogsaneyn ka difaaca dhulkeeda cidda weerarka ku ah.

“Dadyowga degan Hargeysa, Burco iyo Berbera waxaan filayey inay waayo aragnimo u leeyihiin caburinta iyo tacadigu dhibaataada uu leeyahay, wixii ay sheegayeen inay shalay ka dhiidhiyeen inay maanta kula kacaan dad kale waxaad moodaa mid nasiib daro ay iney tahay, waxayna muujineysaa inay si fudud u iloobeen dhibaatadii ku dhacday sanadkii 1980-maadkii” ayuu yiri C/samad Cali Shire oo Somaliland xasuusinayey maquuniskii dowladdii Kacaanku ku haysey degaanadeeda.

“Waxaan u sheegaynaa Somaliland in markii ay dowladii dhexe ee Soomaaliya sidii ay u burburtay Ummadda Soomaaliyeed deegaano ayey kala yeelatay, beelo bey kala noqotey, haku ekaadeen dalka inta ay ku leeyihiin baan ugu baaqeynaa cidi kuma heysatee”. Ayuu inta ku daray Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamay in fal shalay ciidamada Somaliland ku laayeen dad dibad baxayey oo ka dhacay magaalada Laascaano.

“Waxaa nasiib daro noqotay niman siyaasiyiin ah oo iyagu is-magacaabay cidna aysan magacaban ayaa ku soo duulay shirkaasi, waxaana soo baxay inay majara habaabiyeen ujeedadii shirka laga lahaa, waxaanan afka ka dhawreynin qeyb ka mid raggaas iyaga ah inay ahaayeneen kuwo ku caanbaxay inay si qaloocan ugu garab rartaan fulinta siyaasadahooda gaarka ah, lagumana qanci karo wixii ka soo baxay shirkaasi waxaana leeyahay bulshada halkaasi ku dhaqan nimaan idiin furi doonid yaanu idiin rarin” ayuu yiri C/samad mar uu ka hadlayey shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Taleex.

“Khatumo Satate waxay la mid tahay waxyaalaha la sheegayay beryahan ee iska hadalka ah sida Caseyr land iyo Galbeedland, waa waxaas la mid ah, mana ah maamulo jira, dadka halkaasi degana waxay ka mid yihiin dadka reer Puntland” ayuu yiri markale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Gen. C/samad.

Posted on January 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: