Shirqoolka iyo dabinka cadawgu u dhigay Soomaaliya

Abdulkadir Mohamoud Walayo Saxafi Soomaaliyeed

Shirqoolka iyo dabinka cadawgu u dhigay Soomaaliya
Abdulkadir Mohamoud Walayo
January 22, 2011

Sida qaalibka ah hagardaamooyinka aadanuhu isu dhigo waa noocyo badan yihiin waxayna ka dhacaan inta u dhaxaysa min dadka caadiga ah ilaa nidaamyada dawladaha ama gudahooda gaar ahaan jilayaasha siyaasadda ama dibedooda xiriirka ay wadamada kale la leeyihiin ayadoo falkaas loo maro si sir ah ama si caad ah.

UJEEDKA LAGA LEEYAHAY SHIRQOOLADA IYO CIDA FULISA

Ayagoo u kala baxa kuwo xadeysan oo muddo kooban jira iyo kuwo halis oo daba dheeraada hadba inta ay la’eg tahay danta laga leeyahay, waxaa in debin la isku rida badaanaba asaas u ah hanka ay ka qabto cida dhigaysa shirqoolka inay ka gaarto dhinaca kale dano ay marka is leedahay waa ka faa’ideysan kartaa si toos ah amaseba si dadban ayadoo falka ay hirgeliyaan dhowr wadan oo isku garab iyo kuwo kale amase wadan qura mid ahaan. Debinka shirqoolka loo maleegayo wadan ka faa’iideysigiisa miraha laga leeyahay wuxuu noqon karaa mid soo dhisma muddo dheer oo u dhaxeyn karta sanooyin ilaa waqti ka badan oo dheer.

Waxaa hawshaa sida badan fuliya hay’adaha sirdoonka iyo muqabaraadka laakinse maqaar saar ahaan huwan magaca diblomasiyadda, dhaqaalaha, dhaqanka, samafal, warbaahinta, diinta iyo wixii kale oo la mid ah. Sida badan kama marna inay isticmaalaana dadka loo yaqaan “double agents” oo u dhashay wadamada wax laga fulinayo.

Hay’daha Sirdoonka dadka ka shaqeeya waxaa lagu tababara dugsiyada loo yaqaan “School of Espionage“ oo tabaha gaar ah ee sirdoonka ka sokow waxa kale oo la siiya tababar caskarinimo oo aad u sarreeya si ay ugu darbanaadaan inay iska difaacaan haddii ay u gacan galaan muwadiniinta dalka bartilamameedka ah bacdamaa ay hawshoodu tahay qatar ay dhici karto inay naftooda ku waayaan. Waxaa lagu carbiya luqooyinka iyo hirfado shaqooyinka caadiga ah ee kala duwan oo loo adeegsado hadba wadanka la rabo in hawsha sirdoonka laga soo fuliyo.

Waxaa la ogaaday xiriirka dawliga ah (International relations) in aaney jirin wax saaxiib la yiraa balse waxaa jira cadaawo. Marka inta qof uu qofka kale kaaga cadaawo yar yahay ayaa waxaa kan dambe midka kale uga dhigeysa inuu u yahay saaxiib.  Saaxiib iyo sokeeye waa magaca ee ma ahin wax jira oo la isku haleyn karo marka laga fiiriyo xiriirka caalamiga ee dalalka dhex mara.

DHIBAATOOYINKA LOO GEYSTO BARTILMAAMEEDKA

Meelaha qaar bartilmaameedka liishaanka u saaran yahay waxay u geystaan dhibaatooyin noocyo badan leh oo lagu jahawareeranayo degenaanshaha iyo amaanka gudaha ayadoo bartilmaameedka la beegsanayo laga fuliyo tallabooyinka qalqalka geliya dhinaca siyaasadda, qarbudaad xagga amaanka iyo xasilooni darro xagga dhaqaalaha amaseba haddiiba loo baahdo in lagu qaado weerar toos ah inkastoo uusan weerarku noqoneyn qiyaarka ugu horreeya ee la adeegsado.

Weerarku wuxuu noqon karaa mid huwan oo dhowr wadan isku bahaysaan ama wada qura. Waxaase marka hore dalka la bartilmaameedsanayo la darsa muddo dheer iimaha u gaarka ah uu leeyahay ee cadaawuhu ka naafeyn karo sida taariikhdiisii hore, heerka ay la’eg tahay kalsoonida isku qabaan shacabka dalka ku nool, hannaanka ay qabaa’iilku u dhisan yihiin, xurgufta ka dhaxaysa iyo waxyaabaha dhaliya, dhaqanka, qaabka deegaanada, aqoonta maadiga iyo tan diiniga iyo qiyamka kale ee dalkaasu leeyahay ee aasaaska u ah isku xirnaanta shacabka.

Ayadoo mowduuca sirdoonka uu aad u ballaran yahay, waxaa dadyowga adduunku ku soo dhaqamayeen muddo hore waxaana kuwii ugu dambeeyay ay ahayeen kuwa aad u casrisan marka laga soo bilaabo labadii dagaal ee adduunka ee ugu dambeeyay iyo daxalkii laga helay waxaa loo yaqaan dagaalkii qabooba ee u dhaxeeyay wadamada quwadaha waaweyn.

ADEEGSIGA WARBAAHINTA SHISHEEYA EE MALEEGISTA SHIRQOOLADA

[(Waxaa dalka la rabo in la waxyeello loo adeegsada brobaganda xagga warbaahinta oo aad ugu muhim ah wadamada shirqoolka u maleegaya wadamada kale ee danaha gaarka ah ay ka leeyihiin sida ayadoo la abuuro barnaamijyo dadka lagu jahawareerinayo waxaa loo yaqaano ”misinformation”.

(Tusaale: Idaacadaha shisheeyaha ee afka Soomaaliga ku hadla sida BBC iyo VoA qaybaha afka Soomaaliga. Idacadaas oo dadka badankood u heystaan inay yihiin kuwo xog iyo war siinaya dadweynaha Soomaaliyeed, waxay runtii yihiin kuwo taxliil cilmi ah “news analysis“ ku sammeeya hadallada Soomaalida isku dhaafsadaan ee barnaamijyada dhowrka ah lagu faafiyo inay yihiin dad dawladnimo hanan kara inay yihiin iyo in kale iyo inay yihiin dad aaminsan wax dawladnimada ka hooseeya sida qabiyaalada, cadaalada darrada qaybsiga hantida dalka, iska horimaadaaka diinta iyo dariiqooyinka, ilbaxnimada, heerka musuqmaasaqa iwm.

(Dhowaan mar la isku soo qaaday in la xiro qaybta Afka Soomaaliga ee BBCda, waxaa qof Brtish ah oo ka mid ah hoggaanka sare ee BBCda uu ku dhawaaqay in BBCda Qaybta Af Soomaliga ay muhimad gaar ah ugu fadhido dalka Britain sidaa darteedna loo baahan yahay inay sii soo shaqeyso ayadoo, sidaa la xusuusan yahay, BBC Qaybta Afka Somaliga la aasaasay 1957kii sababta ka dambeysana waxay ahayd in dadka Soomaalida aaney ku xirmin Idaacadii Sawtul ee Qaahir waqtigaas uu dalka Masar ka socday dagaalkii Qanaatul Suweys iyo dhaqdhaqaaqi gobannimadoonka Afrika oo Masar ay hoggaanka ka ahayd. Qofka maqaalkan aqrinayow, bal isweydiiya. Waa maxay faa’iidada uu qofkaasu sheegayo haddaan looga jeedin in si qallocan oo qaldan loogu qaabeeyo siyaasadaha dadku ay aaminsan yihiin Xitaa qofkaasu ma sii faahfaahin faa’iidada uu sheegayo waayo ma ahin wax afka lagu dhufan karo.

Soomaaliya waxyaabaha lagu dumiyay dawladdii u dhisnayd waxaa ugu horreeyay brobaganda BBCda Afka Soomaaliga.

(Waxaa kaloo taas dheer ayadoo warak ay sii daayaan oo Soomaalida ku saabsan lagu saleeyo siyaasadaha ay wadamadaasi taabacsan yihiin umuuraha Soomaalida isku dhaafsadaan Idaacadahaas. Waxa ay halka ka qaataan rayul caamka Soomaalida iyo sida dadku ugu diyaarsan yihiin inay dawlad noqon karaan, dadka doodaha ka qayb galaya inta ay qodan yihiin, wareysyada lala yeelanayo qofka caadiga ah ee suuqa jooga isla markaana fursad uu ku hadlo la siinayo qof aanan kala garaneyn meel ay wax u socdaan amase ka socdaan laakinse hungri hayo waa waxay siiyeen magaca ah codka qofkaa aan codka lahayn ”the voice of the voiceless”.)

(Waxaa kaloo loo adeegsada in aqliyaadka laga dilo wadanka la rabo in la halakeeyo iyo dhaqanka oo laga galo ayadoo la bartilmaameedsanayo dhalinyarada oo ah meesha ugu nugul haddana muhiim u ah mutjamac kastoo adduunka ka jira.

Sidoo kale waxa intaa dheer warbaahinta tirada badan ee hadda dalka ku soo korortay inta uu dalku ka jiray burburka. Waxa baxaaliga warbaahinta gudaha (local press attitude) ay dadyowga kale, gaar ahaana cadaawaha Soomaalida, ka dheehdaan inta ay la’eg tahay aqoonta iyo ilbaxnimada dadka wax baahinaya ee sita magaca saxafiyiinta.

Sababtoo ah ma jiro ajenda warbaahintu mxaliga ay leedahay ee lagu badbaadinayo dalkan ay musiibadu ku dhacday. Sida darteed, waxaa warbaahinta gudaha looga baahan yahay inay dejiso ajenda heer qaran oo dalka iyo dadka looga badbaadinayo xaladaha murugsan ee hadda dalku jiro iyo qatarta soo fool leh. Dadku waxaysan ilaa hadda garan isticmaalka FM yada gudaha ay isticmaalayaan idacadahaas xoogga weyn oo wararkoooda ay ku faafinayaan iyagoo ku hadlaya afka Soomaaliga. Wadamada Galbeedka Afrika waxaa muddo hore laga joojiyay idacadaas shisheeyaha oo loo arkay in aaney dan ugu jirin dalalkooda balse looga jeedo in lagu qalqal geliyo dalalka ayadoo adeegsiga idacadaas ay qayb ka yihiin isticmaarka nooca cusub)].

QAYBINTA SOMAALIYA

Haddaba, markaan u soo noqon dalkeena Soomaaliya maxaa dalku shirqool uga bixi waayay ilaa markuu dalka soo galay isticmaarka oo markii dambe 5 meel uu isticmaarku u qaybsaday shirkii Berlin ee 1884? Sababta loo qaybiyay waxay ahayd? Waxaa loo arkayay dano dalka Soomaaliya laga lahaa oo welina maanta laga leeyahay ee xagga dhaqaalaha, siyasadda, bulshada iyo stratejiyada halka ay Soomaaliya juquraafi ahaan ku taal iyo cimilada wacan.

Labadi gobol ee Soomaaliyeed oo isticmaarka ka xoroobay 1960 oo imminka laga joogo in ka badan 50 sano halkee ku dambeysay ummadda Soomaaliyeed? Xaggee maanta ka joogta heerke dawladnimo? Maxay ahayeen waayaha ay soo martay 50 kaas sano? See tahay rajada mustaqbalka?

XORIYADDA IYO WIXII KA DAMBEEYAY

Nidaamkii la dhisay xoriyadda kaddib 1960 waxaa shacabka Soomaalida uu ku taamayay xoreynta wadamada maqan si loo mideeyo gobollada Soomaaliyeed ee hore isticmaarku u kala qaybiyay. Waxaa durbadiiba bilowday dhaqdhaaqaqii gobonnimadoonka NFD, Soomaali Galbeed iyo Xeebaha Soomaaliyeed ee Fransiisku gumeysto. Waxaa lagu guuleystay in xarakada gobannimada ee Xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysto ee Front De Liberation De Cote Somalienne (FLCS) ay dalka ka xoreyso isticmaarka 1977 dhalashadii Jumhuuriyadda Djibouti.

Waxaa weli shacabka Soomaalida madaxooda ka guuxahaya sidii laga yeeli lahaa gobollada weli maqan, inkastoo meelaha qaar fekerkaas ay la yaab ku noqon karto oo is oran kara see ku suuroobeysa dalka iyo dadka hadda u kala qaybsan imaraado gaaraya ilaa boqol iyo “madaxweynayaashooda” inay mar dambe dib u kiciyaan feker ay umadu ku midowda magaca Soomaali.

INQILAABKA CIIDANKA EE OKTOBAR 1969

Inkastoo ay jireen galdaloolo badan haddana inqilaabka askarta ee 21ka Oktobar 1969 wuxuu horseeday in Soomaaliya ay heer sare ka gaarto xagga dib-u-dhiska dalka, soo celinta kalsoonida shacabka, hirgelinta mashariicda horumarinta guud ahaan ee xagga dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo arrimaha bulshada. Dalka wuxuu si firfircoon uga qayb galay sare u qaadista, si wax ku ool awh, diblomaasiyadda caalamka guud ahaan iyo tan Afrika iyo Carabta gaar ahaan.

Soomaaliya waxay door lama ilabaan ah ka soo qaadatay xoreynta gobolka Koonfur Afrika gaar ahaan markii 1974 laga soo saaray caasimadda Soomaaliya BAYAANKA MUQDISHO ”MOGADISHU DECLRATION” kaasoo ka codsanaya wadamada ku jira Ururka Midowga Afrika, haddase u xuubsiitay Midowga Afrika (MA) in wadamada maqan ee Afrika ee ku jira gacanta gumeysiga iyo midab tarkooka lagu doono qoriga caradiisa ayadoo la xasuusan yahay bayaankan kii ka horeeyay ee LUSAKA MNIFESTO oo wadamada Afrika ka codsanaya in wadamada ku jira gacanta midabtakoorka si nabad ah lagu baadi goobo oo xoriyad la siiyo. Marki ay taas suuroobi weysay waxaa la doorbiday in xoog wax lagu doono oo qoriga caradiisa la maalo. Sidaa waxaa berigaas ku dhawaaqay Mudane Cumar Carte Qaalib oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya oo saraayadda Soomaaliya (Somali Diplomacy) ku tilmaamay tu adadag oo aan leexleex ku dhisneyn kula dhaqanka gumeysiga, wuxuuna Mudane Carte kolkaa ku sheegay siyasadda dibedda ee Soomaaliya inay la mid tahay xagga adeyga geedka Soomaalida u taqaanoGALOOLKA.

Somaliya waxay hiil iyo hooba la garab joogsatay jabhadaha gobonnimadoonka Afrika sida Jabhada African National Congress (ANC) ee Koonfur Afrika oo hadda dalka u talisa, Ururka Xoreynta Afrika Koonfur Galbeed (South West Africa Peoples’ Organization – SWAPO), jabhada FRELIMO ee Mozambique, Jabhadai Xoreynta Angola ee Popular Movement for the Liberation of Angola – MPLA, African Party of Independence of Guinea Bissau and Cape Verde Island ee PAIGC, Zimbabwe African Peoples Union (ZAPU) iyo ZAPU-PF ee Zimbabwe, FLCS ee Djibouti, Eritrea Liberation Front, Eritrea People’s Liberation Front iyo Tigrean People’s Liberation Front (TPLF) ee dalka Ethiopia oo weliba afartan dambe ay madaxdoodu saldhig iyo martigelin ku lahayeen Muqdisho. Waxaa kaloo Muqdisho xafiiska ku lahaa Jabahadda (PLO) ee reer Falastiin. Qaarkood waxay ku safri jireen basaaboorka rasmiga ah ee dawladda Somalia.

Somalia waxay xubin aad u firfircoon ka ahayd Guddiga Xoreynta ee Ururka Midowga Afrika (Afrocan Liberation Committee) oo xaruntiisa ku taal Dar Es Salaam. Waxaa Guddiga la shaqeyn jiray sarakiil ciidamada Soomaaliya oo caan ahaa oo tababar siin jireen dagaalyahaniinta gobannimadoonka Afrikaanka dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Waxaa dalka booqasho ku yimid iyagoo dagaalka dhumaaleysiga (guerilla war) ka wada gudaha dalalkooda, hoggaamihii Ururka ANC ee Koonfur Afrika ee geeriyooday, Mr. Oliver Tambo mar uu Nelson Mandela ku xirna jasiirada Robin Island ee ku taal magaalo-marseedka Cape Town.

Muqdisho waxa si joogto hawalaha uga socan jiray shirar is daba joog ah ee Afrika ee heer gobol iyo heer qaaradeed isugu jira iyo kuwo ay leeyihiin dhaqdhaaqaaqyada kale ee caalamka sida wadamada ay siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay ee Non-Aligned Movement (NAM), Muctamarka Islaamka (Organization of Islamic Conference), iyo dhadhaqaaqyada ururkada dhalinyarada addunka.

Muqdisho waxay ahayd xarunta shuclada iftiinka siisa kuna soo hirtaan xarakayooyinka gobannimadoonka Afrika oo suugaanleyda Soomaaliyeed ay u tiriyeen heeso taariikhda galay ee lagu geesi gelinayaay xoriyeynta Afrika laga xoreynayo midabtakoorka iyo isticmaarka nooc kasta uu yahay, sida GEESIGA MADOW, MIDOW GUMEYSI DIIDA, HOHEY AFRIKAY HURUDAY IWM.

Kama suuragelin karin wadan kale oo Afrikaan ah oo aan ka aheyn Soomaliya inuu 21 madfac ah u rido isla markaana ku soo dhaweeyo katiifad casaan ah dhulka ugu goglo markuu garoonka dayaaradaha ee Muqdisho uu ka soo degay guddoomiyihii geeriyooday ee Xisbiga African National Congress (ANC), Oliver Tambo todobaatameeyadii. Waxaa hoggaamiyaha lagu soo dhaweeyay heerka sare ee Madaxweynayaasha lagu maamuuso. Oliver Tambo, Soomaaliya loogama arkeyn dagaalyahan gobannimadoon oo keli ah balse waxaa loo arkayay inuu yahay Madaxweyne dalka Afrikaan oo wadan xor ah ka soo jeeda. Taas marnaba raali kama noqonaneyn nidaamyada midabtakoorka ee berigaas Afrika gumeysan jiray iyo quwadaha taageera ee reer Galbeedka.

Muqdisho waxa shirarka Afrika ka sokow, booqasho gaar ah ku imaan jiray ragga ay ka mid ahayeen Oliver Tambo ee ANC, Koonfur Afrika, Amilcar Cabral ee Guinea-Bissau iyo Cape Verde Islands, Samora Michel ee Mozambique, Augustino Neto ee Angola, Joshua Nkomo iyo Robert Mugabe ee Zimbabwe ah, Sam Njuma ee Namibia, Joannes Savimbi iyo rag kale oo dhalinyaro oo Afrikaan ah waxbarasho u joogay Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa lagu tababaray sarakiil ka tirsan ciidanka cirka ee dalka Burund waxay kaloo Muqdisho hoy u ahayd Madaxweynihii geeriyooday ee Burundi, Micheal Micombero uu magangalyo siyaasadeed ku joogay Soomaaliya markii laga afgembiyay jagada madaxweynaha 1976 wuxuuna ku geeriyooday isla Muqdisho july 1983 markuu wadnuhu is taagtay isagoo jira 43 sano. Wuxuu arday ka ahaa Jaamacadda Umadda isagoo baranayay Sharciga iyo dhaqaalaha midkood.

Dawladda Soomaalida waxay ugu yaboohday wadamada qaarkood markey xoriyadda qaateen kaalmo dhinac walba leh oo isugu jiray maadi iyo macnawi.

Waxa kaloo si joogto ah booqasho shaqo ku imaan jiray Xogahyayaashii Guud ee UMA oo hadda la baxay Midowga Afrika (AU) sida Nzo Ekengaki, William Eteki iyo Edem Kodjo, haddii aan kuwo ka soo qaado.  Diblomaasiyiinta Soomaalida waxay gacan weyn ka geysan jireen qaabeynta iyo habeynta siiqadaha loo qorayo go’aanada ka soo baxayay shirarka Afrika heer kasto ay yihiin.

(Sida la xusuusan yahay, Somalia waxay wax ka dhistay Ururka Midowga Afrika 1963 iyo Ururka Wadamada ay Siyaasadahooda ay Dhexdhxaadka tahay ee NAM iyo urur gobolyeedo kale.)

XIRIIRKA SOMALIA IYO CARABTA

Sidaa si la’eg, bacdamaa ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay ururka jaamacadda dawladaha Carabta waxay door weyn ka soo qaaday hawlaha Ururka Jaamacada Dawladaha Carabta gaar ahaan qadiyadda Falastiin iyo tan dunida Islaamka guud ahaan.

Sida la xusuusan yahay, Somalia waxay horseeday in Afrika ay xiriirka u jarto Israel 1973 shir ka dhacay Addis Ababa oo ahaa shir heer madaxweyne ayadoo go’aankaas aasaas loo dhigay tacayadi lagula kaco dadka Carbeed ee Felestine iyo dagaalkii ugu dambeeyay ee wagaas dhex maray Masar iyo Israel.

Basaboorka Soomaalia waxaa ku qorna in aan loogu safri karin oo dalalka Israel, Koonfur Afrika iyo wixii beri loo yiqiin Rhodesia oo Zaimbabwe maanta ah taasoo marag cad u ahayd sida aan marnaba raali looga noqon karin in la dulleysato qaar ka mid ah umadaha adduunka.

Somalia cidna ma necbana, laakinse sababta siyadaaas loo qaatay waxay ahayd dalalkaas oo lagu dhibaateeyo laguna midab takooray dadyowga u dhashay ee isugun jiray Afrikaaanka iyo Carabta.

Ergada Soomaalida ee Qaramada Midoobay waxay miiska saartay qaraar jijimeynaya ama isku mid ka dhigayay midabtarkoorka iyo suhyuuniyadda, qaraarkaas oo la mariyay kana mid noqday dokumentiyada rasmiga ah ee ururka adduunka. Galaangal dheer kaddib, qaraarkaas kol dhow ayaa la laalay.

Ergada Soomaalida ee ururada caalamiga ah iyo wufuuda intaba waxaa caalamka nabadda iyo xoriyadda jecel looga hayay sharaf iyo karaamo aan la soo koobi karin, laakinse waqtigaas waxaa wadamada qaar ay u arkayeen inay Somalia ku tahay qatar ku soo fool leh danaha reer galbeedka, gumeysiga, midab kala sooca, raasimaaliyadda iyo imberliyada caalamiga ah.

Somalia waxay qabatay xilka ugu sarreeya ee Ururka Midowga Afrika oo ah kan guddoonka oo labadii sano mar la qabto kaddib markii shrikii Madaxweynaha UMA lagu qabtay Muqdisho 1974. Somalia waxa kaloo ay qabatay guddoonka shirka Madaxweynaha Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Dalka Soomaaliya oo taariikhdaas shariifka ah ku lahaa dalka gudihiisa iyo dibediisa wuxuu ahaa dal loo istaago oo loo hayo xurmo iyo sharaf tan ugu sarreysay ee dal la huwiyo. Soomaaliya waxay tusaale ay bidhaansadaan u noqotay qaaradda Afrika inteeda kale gaar ahaan kuwa jecel horusocodka aadanaha.

(Waxaan xusuustaa mar aan booqasho ku tegay april 1973 dalka Congo Brazzaville kolkaasoo u dalka ka talinaayay Madaxweynihii geeriyooday ee Marienne Nguabi ayaa saraakiisha reer Koongo ee aan kula kulmay Brazzaville waxay iigu yiraahdeen dadka Somaalia waxay qaadeen tallaabooyin mucjiso ah marka lago eego dhismaha dalka iyagoo kolkaa isticmaalayay kalimada “miracle”. Waxay i weydiiyeen ma waxaa jira awoodo dheeraad – super human – oo dadkiina la shaqeeya).

RIDISITII NIDAAMNKA ASKARTA IYO BURBURKI KA DAMBEEYAY

Inkastoo ay jireen qaldaad badan oo maamulka askarta ka dhacay oo dadka dhibaatooyin calculus loogu geystay, haddana ayadoo xalka Soomaaliya uu sidaas ahaa oo dalku cirka marayo ayaa mar keli ah Soomaaliya shafka loo dhigay oo dhulka lagu dhuftay January 26, 1991 markii la riday nidaamka Askarta ee 21 sano dalka soo xukumayay.

Ilaa taariikhdaas ilaa maanta dalka oo laga joogo 21 sano waxaa dalkeena Soomaaliya soo maray burburkii ugu ba’naa ee bani’aadam uu arko inta laga og yahay taariikhda casri ah, kaasoo weli dalku ka soo kaban balse sii tiimbaday dagaal ka daran kuwii hore u soo maray Somalia sida kii la magac baxay XARAAMA CUNE, NUS QIYAAMO, MEYD QOOQAN iyo kuwo kale.

Jabhadihii afgembiga riday waxay ku guuleysan waayeen inay abuuraan maamul hanan kara hoggaaminta dalka oo sii ambaqaadi kara horumarkii dalka hore ugu soo tallaabsaday waqtiyada ee la soo dhaafay. Waxaae nasiib darro dhacday taas caksigeed oo uusan marnaba oggolaan karin caqliga fayow ee dadka Eebe siiyay.

DHAXALKA DAGAALADA WELI SII SOCDA

Kow iyo labaatan sano ayaa ummadu isku riiqatay oo iska daa’disay dhiig sookeeye iyo burburinta hanti nool iyo moodba leh. Waxaa salka loo rujiyay mashariic horumarineed ee caasimadda Soomaaliya laga hirgeliyay muddo qiyaastii ku dhow ilaa 100 sano oo ay ku baxday balayiin dollar waxaana dhinaca kale baahi iyo xabad loo dilay kumaan kun Soomaali kuwo kalena waxay u qaxeen dibedaha iyo qaar kale oo ku barakacay dalka gudihiisa.

Ilaa hadda aan qorayo maqaalkan, dhibaatooyinkaas dalka weli way ka sii socodaan iyadoo ay weliba taas garab taal jahawareer siyasadeed oo aan dhammaaneyn. Waxaa maalin kasta laga maqla dadka Soomaaliya ku nool iyo kuwa qaxay intaba warar ku lug leh dil, qoor goyn sida xoolaha dadka loo gowraco, meydka oo aan la aasin, argagax joogto ah, burcad dadka dhaca oo dumarka ku kufsada xerooyinka barakacayaasha iyo kuwo dhaca cuntada loogu tala galay in la siiyo masaakiinta iyo dhaqanno xun oo diinta Islaamka haba yaratee shaqo ku lahayn.

Waxaa la isku dayay in la dhiso maamul ayadoo la qabtay shirar ku dhow ilaa 20 shir oo wax ka soo naasa cadaadi aaney jirin, balse sida kale wuxuu dalku sii muquuray halaagba kan ka sii daran ilaa aadanaha dhamigii uu la yaabay dhaqanka xun Soomaalida oo wax la garab la dhigo oo la masa ilaa hadda la la’ yahay.

Ayadoo uusan jirin cid ka jawaabi karta, waxaa dadyowga kale ee adduunyada ay Soomaalida weydiiyaan marka ay la kulmaan su’aasha ah: “War maxaa isku heysaan oo aad isu dileysaan ilaa muddo ka badan 20 sano. Bal adba. Su’shaas jawaabtaas qof Soomaali ah oo soo qaban kara ma jiro. Haddii looga jeedo waxaa la isku heysta inuu yahay kursiga iyo hoggaaminta sare ee dalka, wuxuuse kursigu u baahan yahay in qofka qabanayo oo calafka uu u galay inay dadka soo doortaan bacdaamaa shacabka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin awooda ugu sarreysa awoodaha jira ee ah gobannimada “sovereign powers”. Dhinaca kale haddii ay dhaqaale tahay, dalka waxa yaala ee hanti ah – inta muuqata iyo intaan muuqan ee dhulka iyo badda hoostooda – waa nagu filan tahay waana naga badan tahay.

Markii la ogaaday inta Soomalidu ay caqli ahaan qodon tahay, waxaa dalka u soo basanbasooday oo uu soo hanqal taagay cadaawaha soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed oo hore ciil gaamuray ugu qabay.

Iyagoo sita qalabka dagaalka oo nooc walba leh iyo dayaaradaha dagaalka wax duqeeya, cadawga Soomaaliyeed wuxuu qaatay fekerka ah in mar dambe Soomaali aaney hantaauro iyo qatar midna ku noqon danaha isticmaarka nooca cusub iyo kan duugaba waxaana isticmaarka kiisa cad iyo kiisa madow uu goostay in Soomaaliya boolbool loo kala dhilqiyo oo loo kala furfuro ayadoo la adeegsanaya qabiyaaladda iyo faragelin dahsoon amaseba toos ah (covert and overt).

Sababta ay Soomaalida hadimadaasi ku gaareyso waxaa ugu weyn maxaa u kaalmeysaan qadiyadaha xaqa ee dayowga ku dulman adduunka ee xoriyadda iyo madaxbannanida?

Taallabada xaasidnimada ku dhisan ee Soomaaliya lagula kacay waxaa asaas u ahaa dagaal-oogayaasha shacabka u diiday inay dawlad dhistaan iyo siyaasiyiinta aan qaangaarka aheyn, laakiinse hunguri qaaday, markii ay soo rogeen inay wax ku qaybsadaan nidaamka 4.5 oo ah dulmi uu galo bani’aadkan kii ugu xuma ayadoo nidaamka lala tegay Carta, Djibouti sannadkii 2000.

WEERARKA DALKA LAGU SOO QAADAY IYO UJEEDOOYINKA KA DAMBEEYA

Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in dalkeenu uu maanta yaalo meeshii uu cadaawuhu la rabay inuu ku dhaco: waa shirqoolkaas cadaawuhu ku taamayay ilaa muddo boqolaal sano ee la soo dhaafay.

Weerarka dalka lagu soo qaaday oo la leeyahay waxaa lagu taageeraya dawladda KMG iyo joojinta la hadal hayo ee xawaaladaha dhaqaalaha u soo dira Soomaaliya waxay yimadeen waqti shacabku la taak daran yahay baahi, silic, cudurro, abaaro soo noqnoqda, macluul, dagaalo sokeeye oo lagu hoobto, barakac iyo saboolnimo baahsan iyo daal shacabku qabo.

Waxaa dagaalka shacabka loo adeegsanaya hub nooc kasta leh iyo duqeynta dayaraadaha dagaalka oo lala beegsanyo meelo ay deggen yihiin dadka ray’dika ahi iyo xeerooyinka barakacayaasha.

Soomaalida markii muddo ka badan 20 sano ka badan ay isku jabtay oo ay isku dhamaatay waxaa hadda cadawgu isu soo baahaystay inuu isa sii raaciyo, si dhib yar, inta yar ee hambada ah ee ka hartay.

Dagaalka ma ahin mid si sahal ah ku dhammanaya waana sii socon doona isagoo qayb ka ah si wadista dagaalki soo bilowday 1991 ayadoo taa marmarsiinyo looga dhigayo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab oo lagu shaabadeeyay inay qayb ka tahay argagixisada caalamka. Ujeedada cadaawuhu ka leeyahay waxay tahay inuu sii wado dagaalkan oo nooca loo yaqaan silic dilka “war of attrition” oo lagu leynayo shacabka Soomaaliyeed. Taas waxaa markhaati ma doonto ka dhigeysa Taliyaha Ciidanka Kenya oo hadda ku dhawaaqay in hawlgalka ay ciidamada Kenya ku galeen Soomaaliya uu soo afjarmi doono marka qof kastoo Kenyan ah uu dareemo in aaney qatar uga imaaneyn dhinaca kooxda Al-Shabaab. Taas macnaheeda waxaa weeye in shacabka Soomaalida lagu garaaco dayaaradaha dagaalka Kenya oo weligeed aaney la gelin dagaal ka-fool-ka-fool ah cid kale ilaa ay xorriyadda qaadatay 1963. Ciidanka Kenya dagaalka waa u tababar dalxiis ah shacabka Soomaalida lagu  xasuuqayo oo dhiigooda la banaystay. Taas waxaa markhaati u ah markuu weerarka cirku dhaco ayaa waxaa la yiraawaa la baaraya sababta iyo qasaaraha dhacay. SubxaanaAllah.

Tan labaadna waxay tahay ciidanka lagu sheego AMISOM oo ka dhex dagaalama gudaha Muqdisho oo weerar iyo weerar celinta ay maalin walba si joogta ah ugu dhintaan boqolaal Soomaali ah oo sacbooley ah. Waa xasuuq lagu banneystay in shacabka Soomaalida lagu laayo ayadoo ilaalinta dawladda KMG ay tahay mid qiiq isku qarin ah.

Dagaalka waa qandaraas la rabo in marka hore lagu shuf beelinayo shacabka masakiinta ee Soomaaliyeed marka xigana in dadka dalka lagaga saaro taasoo calaama u ah in dalka gebi ahaanba lagala wareego gacanta Soomaalida. Dad imminka qaxaaya ma jirto cid u kaalmeynesaa ayadoo laga cabir qaadanayo waxa hadda ka dhacaya xeryooyinka qaxootiga ee kuwa gudaha ku barakacay iyo dibedaha u qaxay labadaba.

SHARCIYADDA WEERARAKA

Kaba soo qaado haddiiba ay hawshan faragelinta ay dhamaato, Soomaaliya maxay ku dambeyn doonta oo arag nooc ma ah bey yeelaneysa bacdamaa uusan jirin heshiis sharciyeysan ee ka dhaxeeya Soomaalida iyo kuwa lagu sheego inay Soomaalida la bah yihiin?

Aqri link kan maqaalkan oo uu qoray Garyaqaan Ahmednasser oo ahaan jiray Guddoomiyaha Ururka Garyaqaanada Kenya:

http://www.nation.co.ke/oped/Opinion/Legal+pitfalls+in+pursuing+Al+Shabaab+across+border+/-/440808/1263810/-/i4xml6z/-/index.html

Aqri maqaalkan kale ee uu qoray Mr. Abdi Dirshe, Political analyst and current President of the Somali Canadian Diaspora Alliance:

http://www.pambazuka.org/en/category/features/78553

MAGACYADA YASIDA EE SOOMAALIYA LOO BIXIYAY

Waxaa Soomaalida loo arkay inay noqotay laf dhuunta u gashay adduunka intiisa kale iyadoo haddana lagu shaabadeeyay Soomaaliya sifo kastoo oo xun ee dad lagu sifeeyo marka laga soo bilaabo lixmadeeyadii oo lagu magacaabay “Qabrigii mucaawimada shisheeyaha”, shifta, the sick man of Africa, the Bad Boy, oo ilaa maanta oo naloo yaqaan burcad, argagixiso iyo waxa lagu magacaabo qaran jabay, dumay, kacay, gaabiyay iwm.

Maanta ma jirto waxaa beri hore loo yiqiin “Wisaaya” ama “Trustsheep”, taasoo ah in wadan ka gaabshay inuu iskii isu maamulo loo awoodsiiyo wadankaasi inuu lugihiisa ku istaago ayadoo quwad shisheeye ay hawshaas u diyaarineyso oo muddo mucayan ah oo la og yahay oo maamul wacan lagu barayo, sida hadda ka horba dhacday markii uu jiray nidaamkii wisaayada ee Talyaaniga ee 1950 ilaa 1960 “Amministrazione Fiduciario Italiano per la Somalia – 1950 – 1960”.

Waxaa hadda nagu socda ma ahin weerar oo keli waa qabsasho dalka la qabsanaayo dalka. Eeba ayaan taas ka magan galnay!!!

(The current military three-pronged offensive against Somalia is not only attack but capture. But this wouldn’t happen as the Somali people’s unity will resurface again and repulse the multifaceted attacks unleashed against Somalia, InshaAllah,).

Inkastoo amarka Eebe uu meeshiisa yaalo, hadana ma jirto mana muuqaneyso cid Soomaalida ka kaalmeyso shirqoolkaas waayo waxaa dadka ku dhaqan Somalia loo aqoonsaday inay noqdeen dad doorsoomay oo aan lahayn caqli ku filan oo ay ku xisaabtamaan oo weli ay aaminsan yihiin qurafaadka qabiyaaladda waqti  adduunku u baryay waa cusub oo ah bilowga qarniga 21aad iyo kun-sanaadka-seddexaad (the third millennium) oo wadamada dunida ay qorsheynayaan inay ku tallaabsadaan horumar doc walba ah oo ayadoo imminka laga fekerayo sidii mugdiga looga soo saaro tamar waxaa loo yaqaan“Dark Energy” ee hawada sare lagu sheegay in laga helo.

BURCAD BADEEDA IYO SUNTA BADDA LAGU SHUBO

Soomaalida waxaa lagu eedeeya inay tahay burcad badeed ka qawleysta badaha oo afduubta maraakiibta badaha gooshaya taasoo Qaramada Midoobay ay si joogto ah ugu cambaareyso Somalia haddana waxaa geesta kale la xalaaleystay in kheyraadka badaheena oo nooc kasta ah maalin kasto la dhaco.

Waxaa xeebaheena loo soo daabulay qashinka warshadaha wadamada hore u maray iyo haraaga nuklearka oo shucaaciisa dad badani ay u geeriyoodeen qaar kalena uu asiibay cudurro aan daawo lahayn sida kaansarka oo kale. Waxaa dalka ku dhashay ilmo aan qaab lahayn iyo kuwo aan lahayn meel ay ka saxaroodaan ama ka gaadshaan iyo kuwo malaasan oo aan lahayn xubnaha taranka. Shuucacu wuxuu ku miilmay hawada sidaana waxaa dhawaac ku gaaray dalaga beeraha ka soo baxa, dhogorta xoolaha oo dhalan rogantay ayadoo meelaha xeebaha qaarkood laga soo sheegay inay dadka u dhimanayaan xanuuno u badan xagga neef mareenka isla markaana ay meelahaas si xisaab la’aan ah ugu soo caariyeen noolaha badda oo nooc walba leh.

MARAAKIIBTA SUMEYSAN, ”NAVI DEI VELENI”.

Waxaa kaloo badaheena loo soo safriyay maraakibta nooca loo yaqaan ‘’NAVI DEI VELENI” ,  POISNOUS SHIPS oo macnahoodu yahay MARAKIIBTA SUMEYSAN kuwaasoo ay ku raran yihiin kumaankun tan oo sunta warshadaha iyo haraaga nukliyaarka oo si kas ah oo ogaal ah maraakiibtaas loogu dejiyo oo lagu quusiyo badweynta iyadoo loo muujinayo inuu markabka sunta sida uu si shil ah ku degay.

Dadka la socda shaqada foosha xun waxay ku eedeeyaan burcadda sida ku shaqystaa inay laba jeer ka macaashaan mashruucaas silloon (1) waxay dhaqaale ka qaataan hay’adaha ceymiya maraakiibta xamuulka qaada iyagoo si been ah ugu sheega in markabka iyo rarkii saarnaa ay labadaba isla degeen iyo (2) iyadoo haddana geesta kalena ujuro ka qaata cidda iska soo fogeysay sunta. Waxaa loo ekeysiya inay maraakiibtaas rarka sarnaa uu ahaa badeeco caadi ah oo ganacsi loogu tala galay

Tuugeysiga kheyraadkeena iyo qashinka sumeysan cid ilaa hadda cambareesay ma jirto – Qaramada Midoobay iyo cid kaleba toona.

(Meelo badan oo aan aniga shakhsiyan arrinta u bandhigay si wax looga qabto waxaa qiil layga dhigay ma jiro caddeyn rasmi ah oo si cilmi ah (“scientific proof”) u tilmaameysa in badda Soomaaliya sun lagu shubay. Waxay hay’adahaasi ku andacoodaan in aan la isku halleyn karin wararka warbaahinta arrintaasi ka soo qortay).

Warbixinti ugu dambeysay ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u gudbiyay Golaha Amaanka wuxuu ku sheegay in aan ilaa hadda aan la heyn caddeymo la isku halleyn karo. Fiiri: UN Security Council Resolution no. S/2011/661 of 25 Oct. 2011 on the protection of Somali natural resources and waters.

KOOXAHA DIINTA SHEEGTA IYO DHIBAATOOYINKA DALKA GAARAY

Baaxada dhibaatada kooxaha diinta sheeganaya ay u geysateen shacabka Soomaaliyeed waa waxaan la qiyaasi karin marka loo fiiriyo wixii tacadi iyo dhibaato ahaa ee shacabka soo gaaray 20kii sano ee hore ee la soo dhaafay oo ay kooxihi qabqablayaashu dagaalka ay u geysteen shacabka.

Intii ka dambeeyay 2005, waxaa shacabka la geliyay isticmaar kii ugu xumaa iyo nolol ku dhisan argagax iyo cabsi aan taariikhda Soomaaliya hore loogu arag oo isugu jiray dil, madax jebin, qoor goyn iyo meydka oo lagu gubo ama jirka dadka oo kala dhiman banaanka lagu tuuro iyo qubuuro wadareed taasoo ah macnaha runta ah ee argagixisada ayadoo weliba laga soo faqay qubuuro meyd waqtiyo hore la aasay.

Waxaa falkaas loo maray ayadoo lagu qaraabanayo magaca diinta. Weli Soomaaliya laguma arag dad isku qarxinayo dad kale oo Soomaali ah oo si nabad ah meel u jooga oo naftooda haliga. Hore looma arag goobaha cibaadada oo dadku ka cabsadaan inay tagaan isla markaana dadka dhuumasho iyo bareer labada lagu dilayo. Weli lama arag dad islaam ah oo si sahal ah lagu gaaleysiinayo ayadoo la daliishanayo aayadaha quraanka kariimka ah.

Aniga shaqsiyan waxaan daraf ilaa darafta kale aqriya kitaabka kariimka ah ee Eebe noogu soo dhiibay Nabi Mohamed (SWCW), kumaan arag kitaabka meel dadka u baneyneysa in qof xaq darro lagu dilo.

Waxaa Eebe uu Kitaabkiisa Kariimka ah uga digaya meelo badan qofka ku been abuurta isla markaana macnaha aayadaha quraanka u adeegsada si uu qofkaasi ku xalaaleysto ku tacadinta dadka kale isagoo raba inuu ku gaaro dano u gaar ah inuu qof sidaas yeelayo uu yahay ahalu naar. Fiiri: Aayada 40aaad ee suuratul Fuslad, Juska 24aad, Jalaadka Arbaco. Fiiri: Ayaada 7aad ee Suuratul Al-Saf (Lima Taquuluun), Juska 28aad, Jalaadka Khamiis.

Kooxaha diinta sheeganaya hanjabaada ay u hanjabayaan inay weeraryaan wadamada deriska, sheegashada ay sheeganayaan inay iyagu ka masuul yihiin oo ay fuliyeen falal dambiyeedyada ka dhaca wadamada deriska iyo wadmada ka sii shisheya intaba waxaa goodigaas marka loo fiiriyo shuruucada caalamka looga dhaqmo, wadanka loo hanjabay wuxuu xaq u yeelanaya inuu weeraro cid masuuliyadda sheegatay meel kastoo ay ku sugan tahay waxaa loo yaqan: “HOT PURSUIT”.

Sheegadaas waxaa cadaawuhu ku banneystay in dalka weerar lagu soo qaado isla markaana ay qatar iyo qilqiil gasho gobannimada iyo madaxbannanida Soomaaliya.

Diin kuu saamaxeyso ma jirto inay koox ku andacooto nidaamka aduunka ummaduhu iyagu ku heshiiyeen kuna dhaqmaan inay iyadu ka gooni tahay oo ay tiraaho annaga waxba nagama quseeyaan beeshaa caalamka iyo shuruucda kale ee aan samaawiga aheyn ee dadku isku raaceen.

KHILAAFKA CULIMADA

Waxaa khilaaf aan hore loo maqal uu dhex maray culimada kuwo diidan falalka Shabaab ka wadaan dalka kuna tilmaamay in yihiin wax ka soo horjeeda diinta Islaamka.  Kooxda Shabaab waxay iyagana sheeganayaan inay dhulka ay hadda ka taliyaan ay ku soo rogeen ku dhaqanka shareecada Islaamka oo dadka ay u horseedeen bashbash iyo baraare. Waxaa jira xadiis Nabi Maxamed (SWCW) uu ku leeyahay: “Haddii meel hal maalin looga dhaqmo kitaabka Alle iyo diinta Islaamka waxaa laga helaa meeshaas nimcada la helo meel uu ku da’ay roob 40 casho”.  Aaway nimcadaas ay sheeganayaan? Mase mar ay iyagu og yihiin ayey imaaneysa? Mise abaarta ayaa nimco ah.

Ayadoo la adeegsanayo magaca diinta waxaa wadooyinka magaalooyinka waaweyn ee dalka lagu toogtay oo lagu dilay culimo caan ka ah dalka gudihiisa iyo aqoon durugsan u lahaa diinta islaamka.

Culimadu waxay isu adeegsadeen erayo aan ku habooneyn ayadoo qaar lagu tilmaamay inay yihiin wadaad xume ama culamaau suu qaarka kalena lagu eedeynayo inay khawaarij oo taasoo dhaawac weyn ka soo gaaray shacabka Soomaalida waayo diinta waxaa qof kastoo oo Soomaalia uu ku dhaqamo wuxuu haystay inuu ku badbaadayo isaga dhigiisa, cirzigiisa, diintiisa iyo maalkiisa.

Waxaa inta ka daran ayadoo la soo tirinaayo gabayo beri hore laga tegay oo lagu tilmaami karo inay ka soo jeedaan waayaha loo yiqiin casrul jaahiliga ayaa gabayadaas oo af carbeed iyo af Soomaali isugu jira dadka loogu soo bandhigaya inay yihiin wax diinta oo kale ah.

Guji linkan hoose oo ka dhagayso qudbada Marxuum Dr. Sheikh Axmed Abdiraxmaan oo goor subax toogasho lagu dilay magaalada Bosaaso mar uu ka soo baxay masaajid u dhow gurigiisa.

Habeenimda ayaa isla Sheekhu wuuu qudbadii ugu dambeysay ka aqriyo masjidla isagoo dadka ka codsanayaan in la kaalmeeyo dadka suuqa Boosaaso ay xoolaha uga gubteen.

1;

http://horseedmedia.net/2011/12/05/boosaaso-sheekh-kamid-ahaa-culimada-ugu-waaweyn-puntland-oo-saaka-la-diley-dhegeyso/

Dhagayso linkydan oo kan kowaad amiirka AlShabaab lagu wareysanayo. Anashiid ayaa ku jira ee wax yar sug.

2.

http://www.amiirnuur.com/index.php?option=com_content&view=article&id=5583:amiirka-mujaahidiinta-soomaaliyeed-oo-wareysi-taariikhi-ah-siiyay-idaacada-islaamiga-al-andulus-dhagayso-qaybtii-2aad&catid=48:wararka

3. Dhagaysigan linkan Sheikh Bashir Axmed Salaad oo ka jawaabaya hadalka Axmed Cabdi Godane. Wariye Afrika oo barnaamijkan diyaariyay wuxuu soo qaadanaya hadalka Godane si uu Sheikh Bashir jawaab uga bixiyo.

http://warqaad.com/a-godane-vs-sh-bashiir/

4. Sheikh Maxamaed Umul oo ka hadalaya in dhiiga muslimka lagu daadiyo si fudud oo la xalaaleysto. Waa video.

http://warqaad.com/sh-umul/

5. Sheikh Xasan Takar oo Sheikh Umul ku leh labada dhinac, dhinac ha raaco.

http://somalimemo.net/index.php/component/content/article/1-warar/103-sheekh-xasan-takar-q-umal-labada-dhinac-dhinac-ha-raaco-warkale-majiroq-dhageyso

http://www.youtube.com/watch?v=gt5Mkc8aEAs

6. Baaris ay sheegeen inay ku sammeyeen sheikh umul, sheikh Shible iyo Bashir shiil axadiis lagu sheegay inuu sammeystay Sheikh Takar:

http://somalimemo.net/index.php/component/content/article/1-warar/224-baxthi-cilmiyeysan-oo-lagu-tasiiliyey-mid-ka-mid-ah-axaadiithtii-ay-sheegeen-sheikh-umal-sheikh-shible-iyo-bashiir-shiil-in-uu-samaystay-sh-xasan-maxamud-takar-baxthi-carabi-ah

7.  Shirkii Baydhabo ee kooxda Alshabaab iyo khudbadihii ay ka jeediyeen shirka Xasan Dahir Aweys, Robow iyo Cali Dheere iyo kuwo kale.

http://codkaqaranka.com/2011/12/05/dhageyso-khuqbadihii-laga-jeediyay-shirkii-weynihii-kooxda-al-shabaab-ee-baydhabo

DHIBTA IS BIIRSATAY

Qilaafka soo dhex galay dadka culimaaudiinka iyo kuwo diinta sida qalloocan u fasirta, dadka banaystay daadiinta dhiiga islaamka, jahawareerka ragaadiyay maamulada soo maray dalka min Carta, Djibouti 2000 ilaa Djibouti, Djibouti 2009 oo lagu soo dhisay maamulka KMG. Dhaca loo geystay kheyraadka Soomaalia ee badda iyo berigaba leh. Dhibaatooyinka laga dhaxlay dagaal-ogayaasha min 1991 ilaa 2000. Dhibaatooyinka la soo darsay dadka u qaxay dibadaha iyo barakacyaasha gudaha. Hantida la lunsaday, musuqmaasaqa iyo maamul xumida. Abaaraha soo noqnoqday oo macluusha keenay iyo xanuunada la dhaxlay suntan lagu  shubay. Dhaqanka gurracan ee beesha caalamka kula dhaqanto xallinta mashkilada  Soomaaliya iyo kala go’ynta dalka iyo maamul goboleedyada.  Dagaalada sokeeye ee dhiiga badan ku daatay iyo qashiinnimada qabiyaaladda dadka Soomaaliyeed.

Waxyabaashaas aan soo sheegay dhammaantood waxay kuu muujinyaan su’aasha ah: Maxaa laga fili kara shacabka Soomaalida inuu ku dambeeyo. Ilaahay hanaga badbaadiyo waa xaalad qatar ah.

Haddii aan haatan wax laga qaban way adkaan doonto mar kastoo uu waqtigu sii fogaado inay aafado noqon doonto mid joogto ah oo dalkeena ka dhigi doonto lama-dagaan isla markaana la dhihi doono meeshaan beri baa waxaa ku noolaa jiray ama degena jiray dadka Soomaali loo yiqiin. Barnaamijkaas waxaa muuqata inuu hadda nagu dulsocda oo innagu ananba ogeyn.

Waxaa kaloo ka sii daran qorshaha Soomaaliya lala damacsan yahay oo la rabo in lagu sii halakeeyo kaasoo ah dagaal nooc kasta ah oo ay ugu soo horreyso dagaal xagga biyaha berriga, sii burburinta kaabayaasha dhaqaalaha sida beeraha, warshadaha, kalluumeysiga oo dhamaantood hore loo wax yeeleeyay. Sii socoshada silcinta Soomaalida qaxootiga lagu silcinaayo wadamada ay magangalyada ku joogaan, (tusaale dilka lagu hayo dhalinyarada Soomaalida ee ku nool dibadaha. Aqlaaqiyaadka oo looga cayaaro dhalinyarada rag iyo haween labadaba. Qaxootiyada oo lagu soo rogo nidaamyo cusub oo ay xallintooda ka bixin karin. Xanibaada isu keenka reeraraha kala maqan ayadoo ay garab taal ilmaha oo lala wareego oo weliba waalidiyiinta loo diido inay soo booqan karan. Xanuunka maskaxda oo badanaba ka yimaada isticmaalka maandooriyaha iyo xanuunka waqtiga qaboobaha waxaa loo yaqaan ”Winter Blue”. Imaarado yaryar oo dalka loo kala qaybiyo, (fiiri maamul gobolyeeda maalin kasto lagu dhawaaqayo), dalka oo laga go’doomiyo xagga diblomaasiyadda Afrika iyo adduunka intiisa kale, ayadoo hubka wax gumaado Soomaalida la isugu dhiibo oo qabiil qabiil isku leyno, sidaasna magaca Soomaaliyeed lagu wiiqo. Eebaan taas ka magan gallay.

Waxaa jirta maahmaah Carbeed oo oranaysa: “JAAHILKA NAFTIISA INTUU KA BI’IYO XITAA CADAWGII KAMA BI’IYO”.

Ilaaha abuurtay mooyee, cid maanta Soomaali ixsaan u heysaa ma jirto. Waxaa marka la gudboon Soomaalida inay heshiiso oo Eebana talo saarato oo Kibtaakiisa ku midowdo oo si toosan ugu dhaqato ayadoo culimada hadda kala qaybsan ay si hoose u fiiriyaan qatarta dalka ku soo fool amaseba uu ku jiro. Soomaalida haddii ay heshiiso waxay iska celin kartaa cid kastoo oo dalka soo hunguriyesa sidii hore u dhacday.

Bal dib u qooraanso taariikhda dhow ee Soomaalida.

Waad xusuusataan in Jabhada USC ay si wadajir ku tuurtay maamulkii Askarta 1991, inkastoo ay jireen tacadiyo badan oo dadka la gaarsiiyay berigaas.

Isla USC markii ay isku guryo noqotay oo dagaal lagu hoobtay dhex maray, waa tii dalku ka bilaabatay in imaarado loo kale qaybo kaddibna uu dalku sii galay dagaalo jufujufo hooseysa oo ay dad badani ku hoobtaan.

Sidoo kale waad xusuusataan markii magaca Midowga Maxkamadaha Islaamiga lagu mideysnaa in loo baabaca dhigay cadawga.

Waxaan hadda joogna in magacyo aan isu bixino anagoo isu soo daliishanayna aayado Quraanka Kariimka ah inaan kala irdhownay oo duulaan caskari ah iyo mid diblomasiyadeed jaha kasto nalooga soo qaaday oo ilaa haddana nalagu hayo, kasoo Soomaalidu ay hore u baahjin weyday inuu dhaco.

Tolow dhageysta waa link kan oo ku saabsan gobollo laga soo dhaweeyay imaatinka ciidamada shisheeyaha gelista ay Soomaaliya soo galeen sida Bay, Bakool iyo Gedo. Dhagayso linkan:

http://www.voanews.com/somali/news/Ururada-Bushada-oo-soo-Dhaweeyey-Galida-Ethiopia-136889493.html

Sababta keentay in ay dadkaani tallaabadan qaadan waxaa  ka awal ahaa xanuunka dadka gobollada ku dhaqan la marsiiyay taasoo keentay inay maanta magansadaan duulaan shisheeye.Sidaa darteedna  waxay qaateen murtida gabay uu hadda ka hor tiriyay Cali Jaamaca Habiil oo ahayd sidan:

”MUSLINIMO NIMAAN KUUGU DHAQAYN IYO MUMINIMO QAAS AH – GAAL MAXASTA KUU DHOWRO OO MAGANSATA DHAAMA”.

Soomaaliyey tasho weli waqti baad heysatiine.

Posted on January 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: