Wasiiru Dowlaha Maamulwanaaga Puntland oo Somaliland u digey

Garowe(Pi)Wasiiru Dawlaha Maamul wanaaga xukumada Puntland Maxamed Farax Ciisa Gaashaan ayaa ka hadlay daan’daansiga iyo dhul durugsiga mamulka  Somaliland iyo rabashadihii hareeyay magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle.


Gaashaan ayaa ku tilmaamay talaaboyinka guracan ee ay qaadayso mamulka Somaliland kuwa laga xumaado lagana gil gisho waxaana uu canbaareeyay duulaankii Somaliland ee Buuhoodle oo shacab badan ku waxyeeloobeen iyo rasaastii ooda looga qaaday shacabkii muujinayay dareenkooda magalada Laascaanood.
Wasiirka ayaa sheegay in Puntland aysan indha ka laabanayn qorshayaasha maleegan ee mamulka Somaliland uu wado waxaana uu tilmaamay in marar badan Puntland nabad iyo xasilooni ku baaqday balse Somaliland lagaranwayday.
Waxaa uu Qadiyada Laascaanood ku tilmaamay mida Falastiin oo kale waxaana uu Somaliland u sheegay in ay niyada ka saaraan himilooyinkooda ku aadan dhulka SSC.
Wasiirka ayaa sheegay in hada ay socdaan qorshayaal xukumada ay kaga jawaabayso daan daansiga iyo dhul durugsiga Somaliland waxaana taa ka sokow uu sheegay in shacabka dhulkaa ay samaynayaan abaabul ay isaga qaadayaan culayska ay ku hayaan ciidamada mamulka somaliland.
Hadalka wasiiraka ayaa laga dheehan karay sida xukumada Puntland uga xuntahay talaabooyinka ay qaadayso mamulka somaliland waxaan sidan oo kale horay u canbaareeyay hadalo culusna warbaahinta u mariyay ku simaha madaxwaynaha Puntland Gen.C/samad Cali shire.

Posted on January 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: