Xaflaad laguu tageerayo Maamulka khaatumo state of Somalia (daawo sawirow)

Xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday .  magaalada birmingham . Dad weeyne aad u farabadan oo intooda badani ku  lebisnaayeen astaanta calanka qaranka Soomaaliyeed iyo calaamadaha lagu yaqaano maamulka  khatumo state  ayaa si heer sare ah uga dabaaldegey

Waxaa xaflada ku furay ayaado Quraan ka . shiikh faysal cali wuxu dadweeynihii goobta isugu yimi si xushmad leh u gaadhsiiyeey wacdi diini ah oo ka turjumayey walaaltinimada iyo isku xidhnida umadda muslimiinta ah khaasatana ummada Soomaaliyeed.Intaa dabadeed waxaa hadalka lagu soo dhoweeyey  caaqil cabdi risaaq  xasan falaalug  oo isna halkaa ka soo jeediyey eryo dhaxal gal ah oo ka turjumayey wixii usoo qabsamay iyo waxa sugaya dadka reer khaatumo state .
wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday sidda loogu baahan yahay in had iyo jeer kobcin loogu sameeyo hadafka iyo himilooyinka ay khatumo state higsaneyso.Waxa kale oo caaqilku  hoosta ka xariiqay sidda ay Jaaliyaddu birmingham  uga go´antahay taageeridda iyo tayeenta dawlada  Khaatumo state

yusuf c/nuur shafay  oo ku hadlayey magaca dhalinyarada Sssc ee barmingham oo iyagu ah lafdhabarta bulsho weynta SSC ayaa isna goobta ka jeediyey qudbad aad u qiima badan

Waxaa intaa kadib codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey marti sharafkii meteleyey qeybaha kale ee bulsho weynta soomaaliyeed. Iyada oo aan la soo koobikarin hadaladdii qiimaha iyo qaayaha badnaa ee martidu ka soo jeediyeen madasha, haddana waxaa la odhan karaa in ay dhamaan ka turjumayeen sidda lagammaarmaanka ay u tahay in la adkeeyo wadajirka iyo walaatinimada ummada soomaaliyeed, marnaba habayaraatee aan weligeed gorgortan lagelin midnimadda iyo isku duubnida qaranka soomaaliyeed, SSC ay tahay biriijkii isku xidhayey Soomaaliya masuuliyad dheerina ka saarantahay ilaalinteeda soomaalida kalena looga fadhiyo siddii khaatumo state. loogu taageerilahaa wixii ay weligeedba utaagneyd.Soomaalinimo

yusuf bulaale oo ka mid ah odayaasha SSC-birmingham  ayaa isna halkaa ka jeediyey qudbad  kicisay dareenka dadweeynihii goobta ku sugnaa. yusuf  wuxuu si qoto dheer uga waramay xaalada guud ee dalka Soomaaliya,gaar ahaana degaanada SSC. yusuf  isaga oo sii wata hadalkiisi wuxuu aad u cambaareeyeydacdooyinka gabdfalka ah ee lagula kaco shacabka ssc.

 Waxaa xusid iyo amman mudan fanaaniintii uu hor kacayey (jamac dhoodi)   iyo dhamaan ururka dhalinyarad dhulbahante  oo iyagu wacdaro lama ilaawaan ah ka dhigay madasha  dabaaldegii lagu taagerayo maamulka  khatuumo state of somalia .

c.qiil carisaaq xassan  falaalug oo soo  gebogebeeyey  xaflada isaga oo u soo jeediyey amaan balaadhan gudiga soo qaan qaabiya  xafladan  kuna amaanay hawlaha ay u hayaan dadkooda kulana dardaarmay isku xidhnaan.( caqiil ) wuxuu ku soo khatimay hadalkiisa DUCO uu uduceeyey dhamaan ummada Soomaaliyeed in uu  eebe ka korqaado  dhibka una soo celiyo midnimadoodi iyo xushmaddii aay lumiyeen.

Cutubyo Ciidamo Ah Oo Kasoo Maamulka SNM kuna Soobiiray Maamulka Khaatumo State Oo Soogaadhay Magaalada Buuhoodle (Sawiro)

Waxaa saaka soo gaadhay magaalada Buuhoodle qaarkamida Ciidamada katirsanaa Saldhigyada magaalada laascaanood halkaasi oo lagu xasuuqo dadka shacabka ah

Ciidamadan ayaa u dulqaadan waayey dhibaatada iyo xasuuqa joogtada ah ee lagu hayo shacabka deegaanada Khaatumo State waxayna sheegaan inay kusoo biiraaan maamulkooda Cusub ee khaatumo State.

Wasiirka arimaha Gudaha maamulka khaatumo State ayaa qudbad qiimo leh u jeediyay ciidamadan kasoo goostay Maamulka SNM waxa uuna sheegay inay si heer qaran ah usoo dhawaynayaa dhamaan cidii ka toobadkeenta dhibaatooyinka lagu hayey shacabka deeganada khaatumo State.

waxa uuna sheegay in aaanay ubaahan doonin Maamulkii SNM ee ay katisanaayeen imaka ay kamid yihiin Ciidan qaranka Maamulka Khaatumo State.

Hoos Ka Daawo Sawirada – Goor Dhow Vedio By – Darwiish TV.

Boocame Online

Daawo – Sawirada Aqalka Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State ee Magaalada Buuhoodle (Sawiro)

Halakan waxaan idiinku soo gudbinaynaa qaarkamida sawirada Aqalka Madaxtooyada Maamulka Khaatumo State ee Magaalada Buuhoodle.

Buuhoodle –  Khaatumo –  State – Of Somalia

 

Posted on January 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: