Xildhibaano garaayo 320 xildhibaan oo xilkana ka qadaay Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Shariif Xasan oo doonayo in xubinimda Igad Soomaaliya ka baxdo

Xildhibanada xilka ka qadaay Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka oo maalinba maalinta kadanbeysa sii kordhayo ayaa doonayo maalmaha soo socda in ay cod galiyaan in Soomaaliya kabaxday xubinimada Igad taa oo haday dhacdo Soomaaliya xur kadhigeyso madaama Soomaaliya xiligaan laga maamulo xafiiska Igad.

Xildhibaanadaan ayaa kulma la leh wadamada daneeyo Soomaaliya iyagoona wadamadaYurubiyanka ee isku tagay iyo dowlada Mareynkanka u gudbiyey warqado loogu digayo Midoowga Afrika iyo Igad in ay kadayaan Soomaaliya faragalinta haday sidaa yeeli wayaana Soomaaliya ka bixi doonto labadaasi Urur xiligaan oo Door mihiim ah kuleh arimaha murigsan ee Soomaaliya.

Ururada Midoowga Afrika iyo Igad ayaa Soomaaliya ku haayo faragalin military iyagoona maalin waliba xasuuqo shacab badan oo waxba galabsan waxaase ugu daran bur burka iyo barakicinta ay geysteen oo n jirin cid yac kadhaheysa ama dacwad caalami ah ku soo oogeysa marka laga reebo qowda maqashii waxna ha u qaban

Xildhibaan ka mid Xildhibaanda mooshinka wado oo la kulanay ayaa noo sheegay sababta ay Igad iyo Midoowga Afrika ugu baxayaan ay tahay faragalinta ay ku hayaan Barlamaanka madaama goaan wada jira ay qateen xildhibanada Badan xilkana ka qadeen Gudoomiyihii hore BarlamaankaShariif Xasan Sheikh Aadan

Si kastaba ha ahatee haday dhacdo in xilidhabanada Soomaaliya ay u codeyaan Soomaaliya in ay ka baxdo xubinimada Igad iyo Midoowga Afrika ay keeneysa in Soomaaliya deg deg uga baxan ciidamada AMISON waxeyna jaanis siineysa Jaamacada Carabta

Posted on January 22, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 3 Comments.

  1. Golaha Wasiiirrada IGAD ayaa si aan kala har lahayn u taageeray Guddoomiyaha farqaha lagu dheggan yahay ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Adan.

    War uu Goluhu ka soo saaray magaalada Addis Ababa, ayuu ku tilmaamay doorashada Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanku in ay ahayd arrin sharci darro ah oo muujineysa xilkasnimo darro.

    Goluhu wxuu si kulul u weerar dad uu ku tilmaamay in aysan ka qaan gaarin qaska ay wadaan oo nabadda iyo geeddi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya wax u dhimi kara.

    Dowladda Soomaaliya iyo xoogagga la jira, iyaga oo taageero ka haysta AMISOM iyo dowladaha deriska ah, waxay walaac ka muujiyeen in hoggaamiyayaasha qaarkood ay ku fashileen in ay muujiyaan biseylka looga baahnaa.

    Taas waxay ka muuqataa ayay yiraahdeen khilaafka sii socda ee mudanayaasha baarlamaanka, kaas oo khatar ku ah meelmarinta heshiiskii Kampala iyo toobiyaha siyaasadda Soomalia iyo heshiiskii Garowe ee dejinta dastuurka.

    Sida mudanayaasha qaarkood ay u dhaqmeen iyo doorashada sharci darrda ah ee Guddoomiye cusub ayaa mar kale muujiyay ayay yiraahdeen khatarta ay qas wadayaashu ku yihiin nabad raadinta Somalia.

    Dadka waxaan ka qeyb qaatay qaarkood, waxay hadda ka horna qeyb ka ahaayeen tallaabooyin kuwaan la nooc ah. Golaha Wasiirrada IGAD, si weyn ayay ula socdeen hawlahaa shakhsiyaadkaas, ayaga oo Goluhu raja ka qabay in ay isbeddelaan oo noqdaan kuwo nabadda u olaoleeya, hase yeeshee nasiib darro qaarkoodisma beddelin sida hadalka IGAD uu ku tilmaamay.

    Falalka noocaas ahi waxay ka hor imaanayaan rajada dadka naftooda u huraya sidii ay Soomaaliya nabad uga dhalin lahaayeen ayuu tiri hadalkani.

    Doorashada Guddoomiyaha cusub waxay ka soo horjeedda Axdi Qarameedka, waxayna keeni kartaa ayay yiraahdeen Wasiirrada IGAD in go’aankaasi uu xididdada u siibo dowladda oo dhan.

    Golaha Wasiirrada IGAD wuxuu ku baaqay in qaswadayaashaasi ay ka gaabsadaan falalka ay ku jiraan. Wuxuuna ugu baaqay in tallaabo adag laga qaado shakhsiyaadka ku jira hawlaha wax u dhimaya nabadda iyo dib u heshiinta.

    Golaha Wasiirradu wuxuu taageeray go’aanka Guddiga Aminiga Qaranka, wuxuuna dhinacyada oo dhan ugu baaqay in ay galaan wadahadal si khilaafkooda ay si nabad ah ugu dhammeeyaan.

    Wuxuuna sheegay Goluhu in uu taagersan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

  2. Wasiirrada IGAD oo waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashadii Guddoomiyenimo ee Xildhibaan Madoobe Nuunow

    Golaha wasiiirrada urur goboleedka IGAD ayaa taageeray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Adan oo ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya sheegeen inay xilkii ka qaadeen.

    War kasoo baxay shir ay golaha wasiirrada IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu sheegay in doorashadii Mudane Madoobe Nuunow loogu doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliay ay ahayd mid sharci-darro ah oo muujinaysa xilkasnimo-darro.

    Goluhu wuxuu xildhibaannada kasoo hrjeeda Shariif Xasan ku tilmaamay kuwo aan ka qaan-gaarin qaska iyo fowdada ay wadaan, taasoo ay sheegeen inay caqabad ku tahay nabadda iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

    “Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, xoogagga AMISOM iyo dalalka deriska ah waxay walaac ka muujiyeen in hoggaamiyeyaasha qaarkood ay ku fashileen inay muujiyaan biseylkii loo baahnaa ee dhinaca siyaasadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay IGAD.

    Sidoo kale, bayaanka waxaa lagu yiri: “Biseyl la’aantan waa mid muujinaysa inuu jiro khilaaf ba’an oo u dhexeeya baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo khatar ku ah meel-marinta heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo heshiiskii Garowe ee dejinta dastuurka.”

    Mudanayaasha kasoo horjeeda Shariif Xasan ayaa lagu eedeeyay inay u dhaqmeen si sharciga ka baxsan, iyadoo sidoo kalena lagu sheegay doorashadii ay sameeyeen mid sharci-darro ah, waxaana la sheegay in falalkaas oo dhan ay khatar ku yihiin nabad raadinta Soomaaliya.

    “Dadka waxan ka qeyb-qaatay waxay horay uga qaybqaateen tallaabooyin kuwaan la nooc ah. Golaha Wasiirrada IGAD, si weyn ayay ula socdeen hawlaha xubnahaas, waxayna IGAD rajo ka qabtay inay ka waantoobaan oo ay noqdaan kuwo nabadda u olaoleeya, hase yeeshee nasiib-darro qaarkood isma-beddelin,” ayaa yiri qoraalka kasoo baxya IGAD.

    Falalka noocaas ahi waxay ka hor imaanayaan rajada dadka naftooda u huraya sidii ay Soomaaliya nabad uga dhalin lahaayeen ayuu tiri hadalkani.

    Goluhu wuxuu sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in doorashada guddoomiyaha cusub ay kasoo horjeedo dastuurka Soomaaliya, waxayna keeni kartaa bay yiraahdeen in go’aankaas uu burbur ku keeno dowladda KMG ah oo dhan.

    Ugu dambeyn, golaha wasiirrada IGAD waxay ugu baaqeen xildhibaanada kasoo horjeeda Shariif Xasan inay ka gaabsadaan falalka ay ku jiraan, iyadoo la sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono shaqsiyaadka weli ku jira howlaha wax u dhimaya nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

    Dhanka kale, Madoobe Nuunow Maxamed oo ka jawaabay qoraalkan ayaa sheegay inuu yahay mid waxba kama jiraan, isagoo sheegay inuu la xiriiray madaxda IGAD ayna u sheegeen inaysan waxba ka ogeyn arrintaas.

  3. War deg deg ah: IGAD: “ Waa sharci daro magacaabistii Madoobe Nuunoow

    Warsaxaafadeed kasoo baxay Urur goboleedka IGAD oo looga hadlay arrimo badan oo ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya, ayaa golaha Wasiirada ee Ururkaasi waxa ay ugu horeyn kusoo dhaweeyeen horumarkii laga gaaray arrimaha Dastuurka iyo guulihii ay gaareen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamada ka socda dowlaha dariska la’ah Soomaaliya Xarakada Al Shabaab.Urur goboleedka IGAD ayaa ku tilmaamay khilaafka ba’an ee soo kala dhexgalay barlamanka KMG Soomaaliya in uu caqabad ku yahay hergalinta heshiiskii Kampala, qariiradda Nabadda Soomaaliya iyo waxyaabihii kasoo baxay Shirkii wadatashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ee kusoo idlaaday Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.

    IGAD ayaa bayaankeeda waxa ay ku sheegtay in magacaabistii Madoobe Nuunoow Max’ed ay aheyd mid sharci daro ah, islamarkaana arintaasi uusan qaban Axdiga Federalka KMG ah.

    Warsaxaafadeedka IGAD ayaa si wayn loogu taageerayay go’aankii kasoo baxay guddiga qaranka ammaanka ee dowladda KMG ah taasi oo looga soo horjeestay magacaabistii Madoobe Nuunoow Max’ed, waxaana ay sheegeen in loo baahanyahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka ka dhexjira barlamanka.

    Ugu dambeyn Madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay sii wadaan dadaalada lagu hergalinayo heshiiskii Kampala Accord iyo qariiradda Nabadda kuwaasi oo muhiim u ah ka gudubka waqtiga KMG ah, waxaana Ururku ay sheegeen inay taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: