Xukuumadda C/weli Gaas oo Saddex Maalin Loo Qabtay inay Barlamaanka ku Hor Keento “Roadmap-ka”

Muqdisho (CS) Xildhibaanada baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa mudo saddex maalin ah u qabtay xukuumadda raysul wasaare C/weli Gaas inay baarlamaanka ku hor keento qorshaha tubta qariirada ee loo yaqaano “roadmap” kaasoo bishii Sebtembar lagu go’aamiyey shirkii ka dhacay Muqdisho.

Kulanka xildhibaanada markii uu soo dhamaaday ayaa Madoobe Nuunow Maxamed oo ay xildhibaanada u doorteen gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka ayaa sheegay in xukuumadda ay u qabanayaan saddex maalmood inay ku keento qorshaha roadmap-ka si looga doodo.

“Xukuumadda waxaan u sheegeynaa waxay heysataa saddex beri inay baarlamaanka ku keento roadmap-ka maalinta Sabtida ayeyna ku eg tahay, haddii intaa wax jawaab ah looga waayo baarlamaanka waajibkiisa ayuu gudanayaa” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Madoobe Nuunow ayaa xildhibaanada u sheegay inay xaq u leeyihiin inay ogaadaan oo ay arkaan waa ku qoran roadmap-ka haddii ay ku jiraan waxdalka dan u ah iyo haddii kale, isla markaana ay iyaga go’aan ka gaari doonaan.

“Waxaan beesha caalamka u sheegeynaa in dalka Soomaaliya uu xor yahay wixii dawladnimada khuseeyana ay u madax banaan tahay dawlada Soomaaliya, anaga baarlamaanka ah ayaa leh inaan go’aan ka gaarno wixii sharci ah” ayuu sii raaciyey Madoobe Nuunow.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa yimid ka dib markii saaka xildhibaano taabacsan Shariif Xasan ay isku dayeen inay galaan hoolka baarlamaanka hase yeeshee ay kaga hormareen xildhibaanada kaleee raacsan Madoobe Nuunow.

Lama oga in xukuumadda raysul wasaare Gaas ay yeeli doonto dalabka baarlamaanka, waxaana dalabkan uu yimid xilli raysul wasaare Gaas iyo xukuumadiisu ay weli Shariif Xasan u aqoonsan yihiin inuu yahay afhayeenka sharciga ee baarlamaanka.

Marka laga tago roadmap-ka waxaa kaloo aan weli baarlamaanka la geyn miisaaniyada dawlada ee sanadkan 2012, xisaab xirkii sanadkii hore 2011 iyo heshiiskii Garowe kuwaasoo dhamaantood ay tahay in baarlamaanka la geeyo si loo meelmariyo.

Posted on January 24, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: