Xafiiska siyaasada Q/Midoobay ee Somalia oo ka soo guuray Nairobi, xarun cusubna maanta ka furanaya magaalada Muqdisho

Xarunta Xalane oo ku taala garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho talisna u ah ciidamada AMISOM ayaa waxaa iminka ka socota qabanqaabo xoogan oo loogu jiro sidii xariga looga jari lahaa xafiiska siyaasadda QM u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS lagu magacaabo oo laga soo raray magaalada Nairobi.

Diyaargarowga loogu jiro furitaanka xafiiska UNPOS ayaa wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya waxay sheegayaan in munaasabadda ay ka qeyb gelayaan madaxda ugu sareysa Dowladda KMG Somalia, ergooyin ka socda Midowga Afrika, wadamada deeqaha bixiya, marti sharaf fara iyo Weriyeyaasha gudaha iyo dibeda, iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyey.

Waxaa magaalada Muqdisho saacadaha soo socda soo gaaraya ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Agostin Mahiga iyo madax ka tirsan Midowga Afrika, waxaana lagu wadaa inay ka qeyb qaataan furitaanka xafiiska cusub oo hoos yimaada Ambassador Mahiga, halkaasi oo khudbado kala duwan ay ka jeedin doonaan dhamaanba madaxda ka soo qeyb galeysa.

Wakiilka QM ee Somalia Danjire Mahiga iyo xubnaha la shaqeeya ayaa si toos ah wixii manta ka dambeeya uga soo guuray Nairobi, iyadoo hay’adaha kale ee Q/Midoobay ee ku sugan Nairobi la sheegay inay iyaguna u soo guuri doonaan magaalada Muqdisho.

Furitaanka xafiiska UNPOS ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya in ka badan 20-sano oo dalka Soomaaliya uu ku jiray burbur, fowdo iyo kala dambeyn la’aan, iyadoo halka loo doortay in xafiiska uu ku shaqeeyo ee degaanka Xalane loo arkay inay tahay goob ammaan ah oo ay ku wareegsan yihiin ciidamada AMISOM.

Xafiiska UNPOS ee siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa isagu horay uga howlgeli jiray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaana soo raritaankiisa ay ka dambeysay markii xoghaya guud ee QM Ban ki moon oo dhowaan socdaal ku yimid magaalada Muqdisho uu sheegay in magaaladu amaankeedu uu wanaagsan yahay xafiisyada QM loo soo rari doono, waxaana QM xarunta Xalane looga sameeyey dhismayaal cusub oo ay ku baxday malaayiin dolar.

Posted on January 25, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: