Waxaan Sameeyay Gudi La Dagaalanka Musuqmaasuqa Balse Xafiiskeygu Kuma Jiro

Garoonka Muqdisho oo lagu Qabtay Nin sitay $ 2 Milyan & R/wasaraha oo fasaxay Ninkaas

Waxaa na soo gaaray Warar lagu Kalsoonyahay oo sheegaya in Shalay galinkii hore Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ciidanka Boliiska ee garoonkaasi gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah kaasoo boorso ku sitay Lacag “Kaash” oo dhan $ 2 Milyan.

Wararka hordhaca aya sheegaya in Ninkaan oo aan Magaciisa la shaacin arriimo amaan awgeed ayaa ku qornaa mid ka mid ah duuliyaad gudaha ah ee diyaaradaha rakaabka ee Soomaalida uu ka raaci rabay, wuxuuna xilligaasi u qorsheynaayay inuu gaaro magaalada Gaalkacyo kadibna Magaalada Bosaaso.

Saraakiisha Ciidanka ee garoonka oo qabtay Ninkan ayaa ku amray ninkaasi inuu ka haro duulimaadkii uu ku qornaa waxayna u kexeeyeen saldhiga amaanka ee Garoonka.

Markii saraakiisha baaritaanka ee Booliska garoonka ay weydiiyeen ninkan sababta uu Laba Milyan Doolar Kaash ah ula raacayey diyaarad ayaa wuuu ku jawaabay inuu Lacagtaasi u watay ganacsi caadi ah oo uu kuleeyahay magaalada Boosaaso.

Wuxuuna Ninka sheegtay inuu Lacagtan kala soo baxay shirkadda Xawaaladda ee AMAL sida ay sheegeen ilo xogogaal ah oo la socda baaritaanka.

Hase yeeshee saraakiisha Booliska ayaa xiray ninkii lacagta watay kadib markii uu ku adkeystay in Lacagta uu isagu leeyahay, Lacagtiina way ka hayeen oo isla saldhigga garoonka diyaarada ayaa la dhigey.

Intii uu socday Baaritaanka Minka, isaagiina uu ku jiro saldhiga garoonka ayaa waxaa iska soo daba dhacay telefoon xiriir ah oo ka imaanayey Wasiirka arimaha gudaha DKMG C/samad Macalin Maxamuud kaasoo culeys ku ciidamada Booliska iyo taliska nabadsugida ee kiiska gacanta ugu jiray inay arinta baaritaanka hakiyaan ayna fasaxaan ninka ay xireen iyo lacagtiisaba.

Culeysyadaa ka imaanaayay Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ugu dambeyn sababay in Booliisku joojiyaan baaritaankii ay wadeen iyaga oo aan ka gun gaarin, islamarkaana waxay siidaayeen ninkii la xirey iyo labadii milyan ee uu watay.

Waxaana ninkii oo lacagtiisa boorso ku sita uu si caadi ah uga safray garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoon su’aal dambe la weydiin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiil ku dhow Ra’iisulwasaaraha ay ku lug lahaayeen lagactaan laga qaaday Muqdisho, iyadoo la sheegay iney ka macaasheen intii uu xilka hayay Mr. Cabdiweli Maxamed Gaas oo todobaadkii hore magacaabay gudi la dagaalanta musuqmaasuqa ee  saraakiisha Dowlada KMG ah oo ku caan baxay iney boobaan hantida Qaranka.

Source : keydmedia 

———————————————————————————————————————————-

Shirkii Garoowe oo lagu qarash gareeyey 6 Malyan oo doolar iyo qaramada miidoaby xafiiska siyaasada ee Soomaliya oo ay buuq ka dhalisay bixinta lacagtaasi

Shirkii Garoowe oo socday dhowr cisho ayaa la sheegay in ay ku baxday qarash dhan 6 Malyan oo doolar sidan ka soo xiganay rag sar sare oo ka tirsan xafiiska madaxtooyada oo ka careysan qarashkaas badan oo ku baxay shirkaas muda yar socday

Qilaafka 6 Malyan ee ku baxay shirkaas ayaa waxaa ka hor yimid ku xigeenka xafiiska siyaasada Soomaalida ee Qaramada midoobay isagoona ku tilmaamay in aysan macquul aheen in ay baxdo qarash intaa la eg in ay ku baxdo muda gaaban isagoona sheegay in meesha dadka joogay ay koobnayeen waxii qarash ku baxana ay aad u yareed aysan dhaneen qarshka lagu sheegay

Qilaafka miisaniyadaas iyo qilaafyada kale oo jiray ayaa waxay keentay in ku xigeenka Mahiiga xilka si degd eg ah looga qaado si aysan u fashilmin arima badan oo la qarinaayey

Xafiiska siyaadada ee laga hago Soomaaliya oo ku yaalo magaalada Nairobi ayaa waxaa xiligaan hareeyey qilaafyo kale oo badan oo keeni karto in Mahiiga oo ah maxada siyaasada Soomaaliya laga qaado xilikaas sidaan ka soo xiganay dad ka ag dhow xafiiska kuwa aoo diiday in aan adeegsano magacyadooda

Si kastaba Ha ahatee qarashkaas muda yare e ku baxday shirka Garoowe ee garaayo 6 Maylan oo doolar ayaa keeni karo I fashil ku yimaad wada xaajoodka lagu marsanay lacagata badan iyadoona horayna shaliya badan ay ku jireen qodobadii ka soo baxday shirkaas ooh al dhinac u xaglineysay 

 ——————————————————————————————————————————–

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya oo 2 maalin ku qarash gareeyey 80 Kun USD Muqdisho to Naroobi xili Ciidamada Xooga baahi darteed isku xabadeynayaan Maxaase kala socotaa qarashka ka soo xarooda Dekada weyn iyo Eraboorka Adan Cade

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Cabdi wali Cali Gaas ayaa safar 2 cashaa ku tagay magalada Naroobia ee Dalka Kenya isagoona sida la sheegay ku baxday qarash dhan 80 kun oo Doolar oo sida muuqata xiligaan mac quul aheen madaama dalka ku jira xaalad adag oo keentay in ciidamada xooga dalka la siinwaayo dhowr bil wax mishear ah taana waxay keentay in ay isku dhacaan labada ciidan ee safka iskula jiray iyadoona isbaarooyinka ay ku soo badanayaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka koowaad ayaan la heen cid la xisabtanto madaama xafiiskiisa ay joogaan Rag ku jufa hoose ah iyadoona garab martay sharcigii u yiilay Dowlada ee ahaa in xafiis walba ama wasaarad walba looga shaqeeyo Afar beel iyo Bar taa oo aan ka dhaqan galin xafiiska wasiirka koowad waxana ka shaqeeyo 12 dhalinyaro ah oo isku jufa hoose ay yihiin iyadoona arinkas ka jirta guux hoose

Waxaase cajiib ah Xogeentiisa qaska ah ee Wasiirka koowaad oo ka yimid wadanka Canada kana shaqeen jiray hotel ku yaalo Canada uu u qaabilsanaa soo qaadida boorsooyinka dadka hoteelka soo dago ayaa xiligaan waxuu magaalada Naroobi dagan yahay hoteelka ugu qalisan magaalada Nairoobi isagoona ku baxdo qarash aad u badan oo ku socoto kaasada Dowlada mana jirta cid la xisaab tami karto madaama garab uu ka heysto masulka koowaad ee dowlada Soomaliya.

Dhanka kale waxaa bishii ka soo xaroota dekada weyn ee magaalada Muqdisho 2 Malyan iyo Bar USD halka Eraboorka ay ka soo gasho hal malyan iyo Bar USD ah iyadoona xarunta madaxtooyada bil waliba ay doowlada Sudaan ay siiso Hal malyan iyo Bar USD taa oo ku dhicin kaasada Dowlada waxaana si qaas ah lacagtaasi Dowlada Sudaan ay bixisa qaato madxaweynaha Somaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed mana jirta cid la xisabtami karto Barlamaankii la xisabtami lahaana isaga dhaxdiisa isku mashqulsan yahay

Waxaana la yaab leh ciidankii difaaci lahaa dalka ay gaajo u dhimanayaan iyagana dhaxdooda isku dilayaan dhaqaalo xuma jirta aawgeed 
Si kastaba ha ahatee waxa isweydiin mudan waxa hor taagan qarash intaa la eg dowlada in ay u soo xarooto ciidankoodana ay mishar laaan yihiin.

—————————————————————————————————————————————-

R/wasaaraha Haddii uu-san Waalneen waa Xishoon lahaa – by Dr. Ali. A. Hirabe

Xishoodka waa Qeyb ka mid ah iimaanka weliba xishoodka waa wax lagu amrri jiray xitaa ummadihii naga horeeyey, haddii aad dib u fiiriso waxaa uu ahaa nin mucaarad ku ah maxkamadihii dalka ka hanno qaaday 2006 waxuuna xiligaas u ololeeyn-jiray kuna faraxsanaa gumaadka Ethiopia ee magaalada Muqdisho iyo hogaanka C/aahi Yusuf oo Qabiiliga ahaa.

Dib u aqri maqaalka magaciisu yahay Prof Cabdiweli weli maxaa u wehliya Aqoontiisa 1,2,3, waxaa umada ogtahay shirkii Garowe in uu ahaa mid xaaraan ah sabbabta oo ah Somali oo dhan kama soo qeeybgelin, qodobada ka soo baxay waa kuwa aay mudneeyd in xildhibaanada baarlamaanka ku meelgaarka ahi go’aanka noocaan oo kale aay gaaraan not Faroole iwm.

Ilaah baan idinku dhaariyee ma mudan tahay in dastuurkii qabyada ahaa ee la dhahay waa la soo dhameeystiray anaga oo og in Somali aayan ka warqabin meel lagu dhameeystiray iyo cida dhameeystirtay hirgelintiisa in 1000 qof cod u qaadaan ??? ma Somali ayaa 1000 ah ??

In 4,5 lagu noqdo ama laga gudbo maaha mid Faroole iwm aay mudneeyn in lagala tashato balse xildhibaanada ku meelgaarka ah ayaa lahaa awoodaa sabbabta oo ah Kenya iyo Jabuuti waxaa awooda iyo xukunka Somalia lagu qeeysaday qabiil dhalay 550 xildhibaan.

Somalida waxaa aay leedahay indheergarad aqoon yahan, siyaasi, culumo , dhalinyaro macnaha noocwalba oo aadahana leeyahay,dhamaan umada waxaa aay aragtaa xishood la´aanta C/weli ee hogaamisay ama ku qasabtay in uu baarlamaanka iyo xulashada gudoomiyaha baarlamaanka Madoowe Nuunow  diido, awoodaasi xagee ka keenay ??

Full News : keydmedia

——————————————————————————————————————————————–

Warbixin lagu shegay inay magaaloyin katirsan puntland kafaa’ideen burcad badeeda.

 

WARBIXIN – warbixin iyo daraasaad lasemeeyey ayaa lagu sheegay in burcad badeeda soomaaliya ay u hor seedeen qaybo ka mid ah dalka soomaaliya hormar balaaran oo dhanka dhaqaalaha ah, sida ayshegtay hay’ada British think-tank Chatham House, oo faah faahinteeda waxa ay inta badan la socdey sawiro dhanka artin ah.

Dhaqaalaha burcad badeeda ayaa waxa lasheegay in magaalooyinka waweyn ee gobolada ,magaaloyinkaasi oo lagu sameeyay maal galin xoogan,oo ah lacag ka timid burcad badeed sida ku cad daraasadani cusub.

Anja Shortland oo haweenayda qortay warbixinta ayaa waxa ay isticmaashay sawiro satalaayd uu heerkiisu sareeyo ahna kan la adegsado maalinkii iyo satalaydka wax sawira xiliga habenkii.

Waxana baritaanka waday ilaa iyo laga soo bilaabo 2000, Sawirka dhanka lagu qaaday satarlayt goor habeenkii ayaa muujinaya in si’aad ah ay sare u kaceen nalalka xiliga xiliga habeenkii ka shidan magaalooyinka sida darasaaadka lagu sameeyey.

Waxana kamid ah magaaloyinka Boosaaso garowe cadaado oo intooda badan burcada lagu arko si’aad ah kana tirsan maamul goboleedka Putlan halkaasi oo inta badan saldhig u ah kooxaha burcad badeeda.

Sawirada ayaa muujinaysa daraasadu leedahay in uu batay isticmaalka korantada sababtuna ay tahay hormarka dhanka dhaqaalaha ee yimid burcad, waxa Daraasada cusub ee ku saabsan dhaqalaha ay soo kordhiyeen burcad badeed ayaa sidoo kale farta ku fiiqaysa in isticmaalka nalalka iyo korontada ku sii kordhaya Boosaaso iyo Garawe.

Sawirada dhanka satalaytka ee laqaaday maalinkii ayaa sida daraasada ku cad waxa aymuujinayaan in laga soo bilaabo 2002-dii ilaa iyo 2009-kii , ay si’aad ah u kordheen dhismaha cusub, ee laga dhisayo magaalada Garawe iyo waliba hormar balaaran oo dhanka ganacsiga ah oo ka taaba galay magaaladaasi.

Warbixinta waxa ay inta kudartay inay dhismooyin badan ay ka socdeen ilaa xiligaasi magaalada Garawe markaana banaanka dhismaha ay ku baakin garaysan yahiin,gawaari aad u tira badan taasi oo muujinaysa dhaqalaha meesha yaala.

Waxa darasaadka aysooqada tay degmoyinja cadaado, Hobyo, ayl oo sida la sheego xarun u ah burcada badeeda oo anan wax horumar ah uga siimuuqan sida daraasada ku cad.

Hay’ada British think-tank Chatham House, ayaa muujinaysa in lacagta madax furashada ah ee ay burcad badeeda ka qaataan maraakiibta ay afduubtaan ay dad aad u tira badan qaybsadaan taasi oo dhaqaalaha goobaha ay ka soo jeedaan kobcisay.

Warbixinta ayaa dhanka kale waxa saamaynta lacagta burcad badeed ku tilmaamtay in aytahay qiimaha badecoyinka oo si’aad ah u kordhay islamarkaana sicir bararka uu heer sare gaaray.

British think-tank Chatham House oo ah hay’ada samaysay darasaadka, ayaa soo jeedinaysa in xalka burcad badeeda uu yahay in birriga lagula dagaalamo isla markana dowlada maamul goboleedka Putland qaado talabo kadhan ah arintani, wax badana ay ka qabato.

Marakiibta caalamiga ee kusugan gacanka cadmayd ayaa adkeeyay in ay kooxaha burcad badeeda ay weeraro cusub qaadaan walow ay jiraan afduubyo mararka qaar dhaca, taasi oo lagu tilmaamay inaysan waxii howshoda ahayd qaban ciidanka Nato.

Programme Paper

Anja Shortland, January 2012

  • This paper uses recent forms of nightlight emissions and high resolution satellite imagery to look at the effects of piracy on the Somali economy and establish which groups benefit from ransom monies.
  • Pirates appear to be investing money principally in the main cities of Garowe and Bosasso rather than in the coastal communities where pirate activity is located.
  • The positive economic impacts of piracy are widely spread, so a military strategy to eradicate piracy could seriously undermine local development.
  • Villages that have gained little from hosting pirates may be more open to a negotiated solution which would be to their benefit.

Source : chathamhouse 

———————————————————————————————————————————-

Qabiil Qaran Ma Dhiso – Xafiis Ra’iisal Wasaare mise Xero Qabiil ?!.

Muqdisho – Waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho isa soo tarayaay warar la isla dhexmarayo oo sheegayaa in xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ay hareeysay arin la xiriira Qabyaalad iyo musuq maasuq.

Good governance has 8 major characteristics. It is participatory, consensus oriented, accountable, transparent, responsive, effective and efficient, equitable and inclusive and follows the rule of law. It assures that corruption is minimized, the views of minorities are taken into account and that the voices of the most vulnerable in society are heard in decision-making. It is also responsive to the present and future needs of society.

Hadaba markii ee taarikhda aheed 13.08.2011-waxaa soo baxday Dikreeto lagu magacaabayo mudane Cabdiraxmaan Warsame Cabdi (BURHAAN) in uu noqdo agaasimaha guud ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha, maalinkaasi waxaa ay shaqaalaha xafiiska ahayd maalin mugdi ah, sababtuna waxaa ay ahayd waxaa soo hor martay xumaantiisa oo waxaa la helay in ninka loo magacaabay in uu agaasime u noqdo uu yahay nin musuq maasuq iyo qabyaaladi ku weentahay.

Go’aanka magacaabista agaasimaha waxaa iskaleh Ra’iisal Wasaaraha, shaqaalahana waxaa ay hoos imaanayaan dhamaantooda Agaasimaha Guud waxii maalinkaa ka danbeeyay shaqaalahii xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxaa ay hoostageen masuq maasuq iyo  nin ay ku wayntahay qabyaaladda.

Waxaa uu galay Agaasimaha in howlahii xafiiska uu la wareego isla markaana shaqadii xafiiska soo fadhiisto, shaqadii ugu horeeysay oo uu qabto waxaa uu ka dhigay in uu yiraahdo wax aanan aniga ogayn iyo lacag aan aniga bixinin ma ka bixi karto xafiiska, xafiisk ra’iisal wasaaraha waxaa uu leeyahay nidaam uu u shaqeeyo ama uu u dhisan yahay, waxaa jirtay in shaqada xafiiska ay kala qaybsaneed laakiin agaasimaha cusub uu la yimid hab cusub oo ah in isaga kaliyaah uu wax kastaahi maamuli karo halkga agaasime waaxeedyada aysan waxba go’aan ah gaari Karin waxna maamul karin.
Waxyaabaha masuq maasuqa ah oo ilaa iyo hadda uu ku kacay agaasimaha waxaa ka mid in uu ardaydii Imtixaanaadka galay ee Turkiga loo waday uu musuq maasuqay qaar ka mid ah isaga oo 10wiil oo aanan galin Imtixaanka qasab ku raaciyay dayaaradii Turkiga ardayda u qaadaysay dalka Turkiga halka kuwii xaqa u lahaa ee Imtixaanka u galay laga reebay oo ay hadda Muqdisho joogaan, intaas oo kaliyaah maahanee waxaa kaloo jirta in gaadii Xafiiska Ra’iisak Wasaaraha uu looyahay oo noocoodu yahay Land Rover uu mid ka mid ah agaasimaha ka kireeyay  kooxda gurmad ah oo ka socotay dalka URDUN halka gaariga kale ee uu ilaa hadda ka kireeysan yahay kooxda gurmadka ee ka socota wadanka  IRAN.
Waxaa kaloo dhacday in reerkiisa ah ka tirsanaa ilaalada Xafiiska (Security-ga) uu ka saaray ciidanka isaga oo ka dhigay shaqaale rayid ah, iyada oo aysan jirin in la soo marsiiyo xafiiska shaqada iyo shaqaalaha iyo tababarada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, taasina waaa ay keentay in maanta uu mushaarkiisa ka dhigo $500 halka askarta asaagiisa ah ay qaataan $100.
Intaa ka dib waxaa dhacday in uu agaasimaha dalbaday gurmad reerkiisa ah si howshaan baaxada wayn ee markii hore kala qaybsaneed oo cid waiba ay garanaysay shaqadeedii aysan gacantiisa oga bixin, waxaa markiiba soo gaaray koox dhalin yaro ah oo aan garanaynin waxa la yiraahdo dowlad iyo sida ay u shaqayso, waxaana ay ka bilaabeen aniga ugu sareeyo iyo anigaa ugu sareeyo howsha xafiiska.
Dadka yimid xafiiska ee qaabka Qabiil ku howl bilaabay oo aan ka diiwan gashaneen waaxda shaqada iyo shaqaalaha iyo tababarada ee xafiisak Ra’iisan wasaaraha waxaa ay kala yihiin:
  • 1.      Hassan Awil Farah title Assistant to the PM
  • 2.      Mr. Ali Ahmed Jama Title  Personal assistance
  • 3.      Mr. Abdukadir Khalif Jama  La-taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Qurbe Joogta & Jaaliyadaha.Title
  • 4.      Mohamed Abdulrasak Dayib, Deputy Humanitarian Co-ordinator Aid
  • 5.      Mr. Abdukadir Khalif Jama  La-taliyaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee
  • Arrimaha Qurbe Joogta & Jaaliyadaha.Title
  • 6.      Mr. Abdiwahab Abdulahi Ali Title  Personal assistance
  • 7.      Iyo kuwa kale.
Ku was oo dhamaantod ah hal qoys oo, walina shaqada xafiiska ay ku adagtahay in ay wax ka qabtaan shaqaalaha kale ee horey u joogi jiray dagaal iyo colaad ka abuurtay.
Howsha waxaa ay isku badashay in dadka qaarkii la ruqseeyo qaarna xilalkooda laga qaado qaarna xafiiska Ra’iisal Wasaaraha hortiisa loogu gacan qaad, haddii aan sii iftiimiy oo aan kala qaad qaad qaado sida ay wax u dhaceen ayaa sidan ah:
Waxaa shaqaalaha xafiiska ka tirsanaa mudane ambassador Cali yare oo ahaa wakiilka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Dowladaha IGAD la isku dhaho iyo waxaa kaloo uu xafiiska u qaabilsanaa arimaha bulshada, waxaa dhacday in laga bilaabo isaga in laga saaro liiska shaqaalaa mushaarka qaata ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha isla markaana lagu wargaliyo in uu san ka mid aheen shaqaalaha Xafiiska,
intaa kuma aysan ekaaninee waxaa dhacday in Xassan Cawil Faarax oo ah kooxda Cabdiraxmaan (Burhaan) hiilka qabiil ku keenay ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Personal Assistance, ka dib waxaa loogu daray in uu noqdo u qaybsanaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee UNPOS (Liaison office of the Prime Minister to UNPOS) intaasi kuma ekaaninee waxaa kaloo loogu sii daray u qaybsanaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee xiriirka Caalamiga ah (Focal Point to the External Relations ), waxaa kaloo loogu sii daray in uu noqdo agaasime ku xigeenka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha (Deputy Chief of Staff), mudane Burhaan intaas oo xilka ninka uu isugu daray ma ceebsan oo ma is dhihin meeshu waa Xafiis dowladeed ee waxaa la dagtay qabyaalada ka buuxda, laakiin ugu danbeeyn ayeey iska badashay gacan ka hadal in uu xafiiska dhexdiisa ka dhaco oo Xassan oo intaas oo xil la isugu daray ayaa waxaa damac ka galay in loogu daro xil kale oo ku qornaa Kamaal Daahir Guutaale kaas oo ahaa Agaasimaha Golaha Wasiiradda (Chief of Cabinet) markiiba waxaa uu bilaabay Xassan in uu daabaco ajendaha shirka golaha Wasiiradda isla markaana uu yiraahdo cid aan aniga ahayn shirka golaha wasiiradda masoo fadhiisan karto minute-kana ma qaadi karto,
markii uu Kamaal uu yimid oo uu ku yiri arinkan anigaa u magacaaban ee jooji qaska ayuu ugu jawaabay xilkan anigaa hadda ku magacaaban ee yaan laguugu arag shirka golaha wasiirada, Kamaal ayaa waxaa uu waydiiyay cida magacowday iyo warqaddii lagu magacaabay, ka dib Xuseen jawaabtii waxaa uu ka dhigay GACAN QAAD (FEER) kaas oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Albaabkiisa.
Xafiiska ma u baahna gacan ka hadal iyo is qabqabsi, shaqadana waa shaqo nidaam iyo shuruuc leh qofkastana waxaa uu leeyahay waa jibaad loo idmaday in uu ka shaqeeyo, balse haddii ay meesha timaado REER HEBEL halkaasi waxaa ka baxa nidaamka taas oo ah mida hadda ka taagan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, iyada oo intaasi oo ceeba ay ka jirto Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayeey hadana shaqaalaha rayidka ee xafiiska isku dayayeen in shaqadoodu gutaan.
Waxaan dhamaan wada sugaynaa jawaabta uu ka bixiyo Ra’iisal Wasaare Cabdiwali.

Posted on January 27, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: