Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo saaka u dhoofay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya

Barqanimadii maanta ayaa garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhoofay madaxweynaha dowlada KMG Somalia iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo, iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Faahfaahin badan lagama bixin safarka madaxweynaha hase ahaatee warar laga helayo xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxcweynaha iyo wafdigiisa ay dalka Itoobiya uga qeyb galayaan shir madaxeedka sanadkiiba mar ay isugu yimaadaan madaxda midowga Afrika oo halkaas ka furmaya.

Wafdiga madaxweynaah ayaa waxa ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka mid ah labada gole ee dowlada KMG ah, waxaana saaka safarkaas ka hor la xiray socodka gaadiidkana laga joojiyey wadada isku xirta garoonka dayuuradaha iyo Vila Somalia, taasoo aan horey looga baran marka madaxweynuhu uu dalka ka dhoofayo, Waxaana wadadaas la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan nabad sugida iyo Booliska.

Faahfaahin lagama hayo ajendayaasha shirka midowga Afrika ee ka furmaya magaalada adis ababa hase ahaatee waxaa uu ku soo beegmayaa xili midowga afrika uu dalbaday in la kordhiyo ciidamada ka jooga magaalada Muqdisho si howlgaladoda ay ugu balaariyaan gobolada, waxaana ilaa hada ciidamo 10 kun k badan ay ka joogaan Somalia wadamada Jabuuti, Ugandha iyo Burundi.

Posted on January 27, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: