Rawling oo Waanwaan ka dhexwada Baarlamaanka

(Moment Media)-Waxaa Xamar socdaal ku tagay madaxweynihii hore ee Ganna Jerry Rawling oo ah ergeyga midoogw Afrika ee Soomaaliya, waxa uu socdaalkiisa qeyb ka yahay dadaal lagu doonayo in lagu dhameeyo muranka Baarlamaanka.

Rawling waxa uu la kulmey madaxda DKMG ah iyo garabyada kala duwan ee baarlamaanka sida lagu sheegey war kasoo baxay xafiiskiisa.

MomentMediaNews waxa ay fahamsantahay in Midoowga Afrika ay doonayaan in daaha gadaashiisa ay ku dhameeyaan khilaadka baarlamaanka, iyada oo diidmadii AU ay diidey go’aankii baarlamaanka ee xil ka qaadista Shariif Xassan la sheegey in ay ahayd mid salka ku heysa soojeedin baarlamaanka DKMG ah ka timid oo ahayd in xubinimada maamul goboleedka IGAD ee Soomaaliya laga laabto ama cod la galiyo.

Haddii Soomaaliya ay ka baxdo IGAD waxa ay taasi sharci darro ka dhigi lahayd joogitaanta AMISOM, islamarkaasina ay horseedi lahayd in dowladdo baddan oo Qaramada Midoobe ka tirsan ay bixin waayaan qarashaadka AMISOM ku baxa.

Cabashada ugu weyn ee ay xildhibaanada qabaan waa in laga qaaday awooddii ay lahaayeen, gaar ahaan meelmarinta dastuurka cusub oo loosoo xulayo kun ergo shacab ah in ay cod “Haa” ama “Maya” ugu codeeyaan shirweyne bisha shanaad la qorsheeyey.

Booqashada Rawling waxa ay imanaysaa maalmo kadib markii xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNPOS uu u guurey Xamar, xafiiskani ayay laftiisa saameeysey arrinta baarlamaanka, dhawaan waxaa shaqada laga direy ku xigeenkii Mahiga ninka lagu magacaabo Mr. Christian Manhal, waxaa la sheegey labada nin in ay isku qabteen sida loo maareynayo hardanka baarlamaanka oo si aqlabiyad ah cod ugu ridey gudoomiyaha baarlamaanka.

Posted on January 27, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: