Qabiilada iyo jufooyinka ay ka soo jeedaan wasiiru kuxigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha la isku shaandheeyay

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shalay isku shaandheyn ku sameeyay wasiiru ku xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha Xukuumadda KMG Soomaaliya ka dib markii uu ansixiyey Madaxweynaha dowladda KMG sida warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha lagu sheegay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaare C/weli Max’ed Cali {Gaas} ayaa waxaa lagu sheegay in isku shaandheynta uu sameeyay Ra’isul wasaaraha uu ansixiyey Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana loogu dhawaaqay liiska wasiiradda oo gaaraya 18 wasiir, waxayna kala yihiin sida tan:-

  • 1. C/raxiim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha xafiiska Madaxweynaha {Hawiye/Gugandhabe/Baada Cade}
  • 2. Cali Nuur Ducaale waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul wasaaraha {Daarood/Owrtable}
  • 3. Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka {Doorood /Mariixaan/Uur Midig}
  • 4. Ibraahiim Suleymaan Xaaji Nuur waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga {Dir/Isaaq/Habar Jeclo}
  • 5. Axmed Xasan Aadan waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda kalluumeysiga kheyraadka Badda iyo Bay’adda {Dir/Qubeys}
  • 6. Axmed C/llaahi Xuseen {Sheekh Fanax} waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta {Digil/Shanta Caleemood}
  • 7. Max’ed Cumar Max’ud {Macalow} waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda caafimaadka {Beesha Shannaad/Makane}
  • 8. Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda beeraha iyo xanaadada Xoolaha {Hawiye/Habar-Gedir/Saruur}
  • 9. C/qaadir Max’ed Barre waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare {Hawiye/Habargidir/Sacad}
  • 10. Axmed Max’ud Axmed {Yaaqshiid} waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda {Hawiye/Mudulood/Harti Abgaal}
  • 11. Luul Cabdi Aadan waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska {Mirifle/Geledle}
  • 12. Prof. C/llaahi Sheekh Cali {Prof. Qaloocoow} waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda Shaqada Dhalinyarada iyo Isboortiga {Hawiye/Saransoor/Dagoodi}.
  • 13. Xasan Max’ud Jimcaale waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta {Hawiye/Habargidir/Duduble}
  • 14. Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru-dowlaha wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta {Mirifle/Jiroon}
  • 15. C/kariim Xaaji Cabdi {Buux} waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta lama hayo qabiilkiisa
  • 16. C/nuur Sheekh Ibraahim Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda {Hawiye/Abgaal/Waceysle}
  • 17. Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga {Dir/Sure}
  • 18. Marwo Muna Ibraahim Abiikar waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska {Digil/Galadi}.

Posted on January 28, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: