Monthly Archives: February 2012

Ciidamadda Dowladda Kenya oo lagu dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee ay ka mid noqonayaan Ciidamadda Amisom

Dowladda Kenya iyo Midowga Yurub oo si weyn uga wada-hadlay arrimaha Ciidamadda Dowladda Kenya ee gudaha u gallay Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, ayaa waxay qorsheeyeen xilliga Ciidamadda Kenya ay ka mid noqon doonaan Ciidamadda Amisom.

Read the rest of this entry

Advertisements

Xukuumada raisul wasaare Gaas oo lagu eedeeyey iney heshiisyo cusub oo qarsoodi ah la gashay shirkado iyo heyaddo shisheeye

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxay si kulul u eedeeyeen Xukuumadda Ra’isul wasaare C/weli Max’ed Cali Gaas oo ay ku eedeeyeen inay gashay heshiisyo gaar ah oo Baarlamaanka aanu ka warqabin iyo inay ka shaqeynayso danaha deegaanada Puntland.

Read the rest of this entry

Ingiriiska iyo Holland oo ku heshiiyay in la ballaariyo la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya

Ra’iisal wasaarayaasha Dowladaha Ingiriiska iyo Holland ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la dhiso Hay’adda ka qeyb qaadata ladagaalanka burcad badeeda Soomaaliya taasi oo fadhigeeda noqonayo Badweynta India.

Read the rest of this entry

Ra’isul wasaaraha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo magaalada Oslo wadahadal kula leh masuuliyiinta dowlada Norwey

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxda Dowladda Norway. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo ambabaxay London oo uu uga qeybgalay shirkii 23ka Febraayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu madaxda Norway kala hadlo xiriirka labda dal, sidii loo dhaqangelin lahaa go’aanadii London, iyo sidii dowladda Soomaaliya looga saacidi lahaa dhaqangelinta iyo dhameystirka Roadmap ka gaar ahaan dib-u-habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka Dastuurka.

Read the rest of this entry

Wasaarada Dastuurka oo sheegtay in maamullo cusub loo sameynayo gobollada la xoreeyay

Muqdisho Axad 26 February 2012 (SONNA) – Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan qorshayaal maamullo cusub loogu sameeynaayo deegaanada iyo gobollada dhawaan laga xorreeyay Al-qaacidada Soomaaliya, si dadka halkaasi ku sugan ay u u dhadhamiyaan dowladnimada, nabada iyo kala danbeynta.

Read the rest of this entry

Madaxweyne Shariif oo Shaca ka qaday in Khaatumo State ay soo buxisay Shuruudihi loga bahna Maamul Goboleed

Read the rest of this entry

Madaxweyne Shariif oo Shaaca ka Qaaday in Dawladiisu ay Wadahadal Toos ah La Galeyso Somaliland sida shirka London iyo War-murtiyeedka ka soo Baxay oo Qodobkisa 6aad oo Somaliland lagu xusay

Muqdisho (Moment Media Group) Madaxweynaha DKMG Somaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeybgalay shirkii London isagoo ay wehlinayeen wafdi ka socda DKMG ah. Madaxweyne Shariif ayaa markii uu tagay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya hadal kooban siiyey saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday in dawladiisu ay bilaabeyso wada hadal toos ah oo ay la geli doonto maamulka Somaliland oo sanadkii 1992 ku dhawaaqay inuu Soomaaliya inteeda kale ka go’ay.

Read the rest of this entry

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shaki geliyay War-mutiyeedkii kasoo baxay shirkii lagu qabtay Magaalada London Iyo Ethiopia Oo Isaga Baxaysa Baydhabo !

Jimco, Feberaayo 26, 2012 (Moment Media Group) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi oo markii uu shirku dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa shaki ka muujiyay shirka isagoo sheegay inuu maqlay in warmurtiyeedka shirka laga soo saaray la qoray ka hor intii aan shirka la qaban.

Meles Zenawi oo ka mid ahaa xubihii shirka ka qaybgalay ayaa wuxuu markii hore ku tilmaamay shirka inuu yahay mid guuleysanaya maadamaa uu yahay shirkii ugu horreeyay oo Soomaalida loo qabtay oo uu ka qaybgalo.

Read the rest of this entry

Dowladda Turkiga dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya

Axad, Feberaayo 26, 2012 (Moment Media Group) — Dowladda Turkiga oo hay’ado badan oo kuwa gargaarka ay kaga sugan yihiin Muqdisho ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya, sidoo kalena ay DKMG ah ka caawiso dhismaha ciidamada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Axmed Davutoğlu ayaa hadalkan ka sheegay xafladdii lagu soo xirayay shirkii maalintii Khamiista ahayd loogu qabtay Soomaalida magaalada London, isagoo sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan xoojinta ciidamada AMISOM.

“Turkigu kaalin muhiim ah ayuu ka qaadanayaa dhexdhexaadinta dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya. Turkiguna wuxuu diyaar u yahay inuu dadaal badan ku bixiyo sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku yiri.

“Dhammaan dhinacyada ku hardamaya Soomaaliya aad ayay u qadariyaan Turkiga, waana taas sababta keentay inaan ku dhiirranno inaan dhexdhexaadin ka dhex-billowno dhinacyada Soomaalida,” ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga wuxuu sheegay in dalkiisu uu si kal iyo laab ah u caawinayo Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray in iyaga iyo Faransiisku ay ku hardamayaan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen hannaanka dhameystirka xilliga KMG ah ee dalka Soomaaliya.

“Turkigu wuxuu siiyay Soomaaliya gargaar dhinaca bani’aadamnimada ah, mana aha mid aan dano siyaasadeed oo gaar ah aan ka leennahay,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo intaa ku daray in Soomaalidu ay kaga mahadceliyeen Turkiga gargaarkii uu siiyay.

Mr. Davutoğlu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay fulinayso dhammaan heshiisyadii ay la gashay dowladda KMG ah ee wax looga qabanayay dalka, kuwaasoo uu qayb ka yahay heshiis dhinaca milateriga ah oo ay Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen sannadkii 2010.

Dowladda Turkiga ayaa waxay ka mid tahay dowladihii u soo gurmaday Soomaaliya markii ay dilaacday abaartii ugu xumayd ee soo marta Soomaaliya muddo 60-sano ka badan, waxaana tan iyo xiligaas ay Turkigu howlo horumarineed ka wadaan Muqdisho.

Moment Media Group

Dacwaddii ku Socotay Cariga Mareykanka Gen. Maxamed Cali Samatar oo Haatan soo Gabagabowdey.

In ka badan Todoba Sano ayaa waxaa dacwad ay kaga socotay dalka Maraykanka Wasiirkii gaashaan Dhigga ee Xukuumaddii Kacaankii 21kii Oktobar Gen. Mxamed Cali Samatar waxaana Dacwadaas wadey Shaqsiyaad Soomaaliyeed hase yeeshee .Cabdicasiis Diiriye iyo Faysal Muuse oo ka mid ahaa dadkii dacwaddaas daba taagnaa sida gaarkana u danaynayay ayaa ka hadlay siyaabihii ay dacwaddaas ku soo gaba gabowdey.

Read the rest of this entry

Dowlada Turkia Oo Ku Celisay In Ay Diyaar La Tahay Taageero Millitary Oo Ay Siiso Somalia.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Axmed Da’ud Oglo ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay taageero dhinaca militeriga ah oo Somalia ka caawina sidii xasiloonida dib loogu soo celin lahaa.

Shir saxaafadeed uu ku qabtey London ayuu beesha caalamka ugu baaqey inay xoojiyaan ciidamada nabad ilaalineed ee Midowga Afrika ka socda,waxana uu raaciyey in Turkigu diyaar uyahay taagero militeri.

Read the rest of this entry

Xiriiriyaha Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda iyo madaxtooyada dowlada KMG Somalia oo lagu magacaabay wareegto

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dekreeto ku magacaabay Mudane Cabaas Macallim Nuur oo horay u ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, iyadoona iminka loo magacaabay Xiriiriyaha jaaliyadda Soomaalida dibadda iyo Madaxweynaha.

Read the rest of this entry

Union of Somali Community ee UK oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Madaxda Soomaaliyeed

Sabti, February 25, 2012(Moment Media Group): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa xaflad soo dhaweyn u sameeyay madaxda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.  Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee Britain.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali, qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda sida Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Howlaha Guud, Warfaafinta iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan iyo sidoo kale madaxweynayaasha maamullada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, iyo Galmudug Maxamed Axmed Caalin, iyo madaxda Ahlu Sunna waljameeca.

Read the rest of this entry

YAA HESHIISIINAYA DAD AAN SAAXIIB LAHAYN OO AAN SAAXIIB AHAYN..??

Shirka London oo maanta oo u ka furmey London ayaa uun sidii caadada ahayd iska noqon doona dhereg dhacsi aan wax xal ah u sidin maxasta SOOMAALIYEED ee sida xaya la’aanta ah sidii xaabo loogu shidayo xarbiga ka oogan Soomaaliya balse arinta is waydiinta mudan ayaa noqoneysa sidee ay beesha caalamku Soomaali dalkeedii uga caymin kartaa ama uga caymin lahayd….? Xusuuso oday xilla-gube ah oo afada (xaaska) iyo ilmaha laaya..! Xitaa hadii ay odayada iyo aqribada kale kusoo baxaan oo ay IS DAAYA yiraahdaan ugu dambeeyntii iyagii uun baa loo kala tegayaa.

Read the rest of this entry

Hillary Clinton oo ka hadashay midnimada Somaliya

( Moment Media Group) –  Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillaray Clinton oo qeyb ka aheyd madaxdii ka soo qeyb galashay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaalis maanta ee magaalada London ayaa ka hadashay arrinta midnimada Soomaaliya. Hillary oo ka jawaabeysay su`aal ku aadaneyd midnimada Somaaliya oo la weydiiyay ayay sheegtay in ay aqoonsatahay hal Soomaaliya, iyadoona tusaale usoo qaadatay wadankeeda Mareykanka oo ka kooban 50-gobol oo ku midoobay hal dowlad (United States).

Read the rest of this entry

Ingiriisku ma weerari doonaa Al Shabaab? Waa maxay sababta Ingiriiska uu hada ugu soo jeestay xaalada Soomaaliya? (Halkaan ka Daawo Wareeysi Top ah Safiirada u fadhisa Ingiriiska dalka Norway)

( Moment Media Group) –  Wareeysi  Safiirada u fadhisa Ingiriiska dalka Norway  – Waraysi qaas ah oo la la yeeshay Jane Owen oo ah Safiirada Ingiriiska u fadhisa dalka Norway ayaa waxay ka jawaabtay suaalo Soomaali badani qabaan oo ku saabsan shirka ka dhici doona magaalada London khamiista loogana hadli doono arimaha Soomaaliya. 
Suaasha koowaad oo la waydiiyay safiirada ayaa ahayd bal sharaxaad inay ka bixiso sababta Ingiriisku hada ugu soo jeestay xaalada dalka Soomaaliya mudo 21 sano ahna indhaha uga fiirsanayey.

Read the rest of this entry

War Murtiyeedka Shirka London oo Hordhac ahaan loo Heley

Lancaster House oo ah meesha shirku ka dhacayo Khamiista 23-ka Febraayo

War mutiyeedkan oo si hordhac ah loo diyaariyey ayaa ah kii loogu talagalay in la shaaciyo marka uu dhamaado shirka oo 5 saacadood oo kaliya ka socon doona dhismaha weyn ee la yiraahdo “Lancaster House” ee magaalada London kaasoo bilaaban doona subaxnimada Khamiista ee soo socota.

Haddaba wuxuu qoraalka qeexayaa dhamaan waxyaabaha la shaacin doono marka uu shirku dhamaado, waxaana ku jira qaar ka mid ah arimihii tuhunka laga qabay oo ka mid ah;-

Geedi Socodka Siyaasadda:  Waxaa uu cadeynayaa in ka qeybgalayaasha shirka London ay isku raaceen in Soomaaliya loo dhiibo maamul xilka sii haya “Care Taker Authority”. [ka fiiri qodobka 7aad]

Read the rest of this entry

Xildhibaanada taageerson Nuunow oo sheegey in 30 April qabanayaan doorashada Madaxweynaha

Muqdisho (Moment Media Group) –  Mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa galabta ku dhawaaqay in 30-ka bisha April 2012 ay Muqdisho kadhacayso doorshada madaxtinimada Soomaaliya isla markaana xilkaasi ay u tartami doonto cid kasta oo daneyneysa.
Kulan maanta xildhibaanada ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayna ka soo qeybgaleen ku dhowaad 290 mudane oo ka tirsan baarlamaanka ayaa dood dheer ka dib waxay mudanayaashu ku dhawaaqeen inay qabanayaan doorasho waqtigeeda laga soo hormarinayo.
Kulankan waxaa shir gudoominayey Madoobe Nuunow Maxamed, iyadoo qorshahahabraaca marxalada kala guurka ee roadmap-ka looga hadlay.

Read the rest of this entry

Q/Midoobay oo dhowaan danjire cusub u soo magacaabeysa Somalia ka dib markii uu waqtigii ka dhamaaday Mahiga

 

Warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya la bedelayo dhawaan, ka dib markii uu dhamaaday waqtigii uu ka shaqeyn lahaa Somalia.

Sida warku sheegayo bisha Maarso ee soo socota bartamaheeda ayey ku egtahay xilliga howsha Soomaaliya uu ka hayo sii wadayo, waxaana la sheegay inaan dib dambe loogu cusbooneysiinaynin marka uu waqtigiisa dhamaado, lana doonayo in booskiisa lagu bedelo sarkaal kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaas oo aan la magacaabin halka uu ka imaanayo iyo dalka uu ka soo jeedo midna.

Read the rest of this entry

Siyaasiyiin, xildhibaano iyo waxgarad siyaabo kala duwan uga hadlay natiijada ka soo baxday shirkii lagu soo afjaray Garowe

Mogadishu (Moment Media Group) Shirkii dastuurka iyo arimaha federaalka ee habeen hore lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe oo ay ka qeybgaleen dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, waxaana xubnaha ka hadlay shirkaasi ka mid ah Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo kuwo kale.

Read the rest of this entry

Shirkii magaalada Garowe oo xalay lasoo gaba gabeeyay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay – Faalo Qotobka 3aad

Ayadoo uu maalmahaanba shirka wadatashiga ka socday magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland, ayaa habeenkii xalay ahaa saqdii dhexe waxaa lasoo gaba gabeeyay shirkaas oo ay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamkaba wax kawada saxiixeen waxyaabihii kasoo baxay.

Saxiixa qodobada shirka ayaa saacado badan qaatay taasoo keentay in xalay saqdii dhexe ay wada saxiixaan dhanacyadu.

Waxyaabihii lagu heshiiyay shirka ayaa waxaa kamid ahaa

  • 1. Yaraynta tirada xildhibaanada baarmlamaanka oo la isku raacay in laga dhigo 250.
  • 2. Ansixinta dastuurka oo laysku raacay in ergooyin 1000 gaaraya oo bulshada qaybaheeda lagasoo kala xulay ay u codeeyaan.
  • 3. Sameynta gole 54-xubnood ka kooban oo baarlamaanka ka sareeya iyo nidaamka maamul ee dalka oo laysla gartay in laga dhigo Federal ku salaysan 18kii gobol ee horay u jiray..

Qodobada heshiiskaan ayaa waxaa wax ka saxiixay madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, raisalwasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cabdi Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin, Dr Agustine Mahiga, ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ahlu suna waljameeca oo ayadana wax ka saxiixday heshiiska.

Read the rest of this entry

Midowga Yurub iyo Mareykanka oo qeyb ku lahaa go’naadii ka soo baxay shirkii Garoowe oo la soo gabagabeeyay

Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa shalay gaaray wafdi ka socday beesha caalamka sida Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Mareykanka, kuwaas oo halkaasi u tagay sida la sheegay inay ka qeybgalaan shirka Garoowe xiritaankiisa, inkastoo uu dib u dhac ku yimid shirkaasi oo shalay lagu waday inuu soo xirmo sababo la xiriira isqabqasi iyo yimid intii aan lagu heshiin qodobada laga soo saaray.

Read the rest of this entry

UK Living in the glory of its past

SomaliAmerican Peace Development

 

UK Living in the glory of its past

We Somalis were called all kinds of names, pastoral nomads, Africa’s remaining warlords, failed state,
The most corrupt nation on earth, pirates of the Indian ocean but one ever called us stupid. The fact that the Somali economy regardless of its lack of fully functioning government has survived over 20 years of civil war. Our communication and media leads many African countries who enjoyed political stability. The Somali Diaspora all over the world leads other immigrants in education, business and remittance to Homeland is a testament that Somalia will rebound and get on its feet soon.

Read the rest of this entry

Midowga Yurub oo ku towfiiqay inay la dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya iyo diyaaradaha Drone-ka oo loo adeegsanaayo dagaalkaasi.

Midowga Yurub xafiiskiisa Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa warbixin uu soo saaray waxaa markii ugu horeysay lagu sheegay in iyadoo la xoojinayo howlgalkaasi ciidamadiisu adeegsanayaan diyaaradaha Drone-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha lahayn.

“Ilaa shan diyaaradood ayuu Midowga Yurub soo iibsaday, kuwaasi oo lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ururka Midowga Yurub oo sheegay in howlgalada lagula dagaalamayo burcadbadeeda Soomaaliya la casriyeynayo si loo hakiyo khatarta sii kordheysa ee uga imaaneysa maraakiibta isaga gooshta biyaha gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Read the rest of this entry

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in faroole yahay madax waynaha Soomaaliya la yaabka aduunka.

Ra,iisul was are C/Wali Gaas ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka wadatashiga ee Garawe ka sheegay in uu Faroole yahay madax waynaha umada Soomaaliyeed taasoo ka yaabisay dadkii kasoo qayb galay shirka iyo dhamaan umada Soomaaliyeed oo ka dhagaysatay idaacada wadanka ka howl gala sida tan qaranka Radiomuqdisho.net halkan ka dhagayso khubdaas uu ku hadlay ra,iisul wasaaraha.

Read the rest of this entry