Mareykanka: Dowladaha safka hore ee Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti waxaa ay Somalia ka leyihiin dano gaar ah.

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay waxaa ay sheegtay in dalalka safka hore  ee Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti ay dano gaar ah ka leeyihiin dalka Soomaaliya, wax ka baxsan intaasina aysan ciidamadooda u gelin Soomaaliya, isla markaasna faragelinta ciidan ee ay ku sameeyeen Soomaaliya aysan aheyn mid lagula dagaalamayo Al-Shabaab, balse ay tahay sida uu yiri dano iyaga u gaar ah oo uu dal-weliba ka leeyahay Soomaaliya.

Ku xigeen kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Donald Yamamota ayaa aqalka cad ee magaalada Washington ka sheegay in dalalka safka hore ee kala ah Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti ay dano gaar ah ka leeyihiin arrimaha Soomaaliya, isla mrkaana sida uu yiri danahaasi waa kuwo kala duwan oo an isku mid aheyn, waxaa ay afka ka sheegayaan ee ah in ay la dagaalamayaan Al-Shabab-na ay tahay mid caalamka lagu indha-sarcaadinayo, laguna jahawareerinayo.

“Dalkasta oo ka mid ah sedexdaasi dal waxaa uu Soomaaliya ka leeyahay dano gaar ah, dadka Soomaaliyeedna waxay leeyihiin dano iyaga u gaar ah, anaguna waxaan taageereynaa danta Soomaalida, iyagaana laga rabaa in ay dantooda gartaan, waayo ma aha in ay ku tashadaan dowlado dano gaar ah ka leh, isla markaana iska dhigaya in ay Shacabka Soomaalida ah la jiraan oo ay wax u qabanayaan, Soomaalidu waa dad aan waxba fahmeynin, keliyana raba in qof kasta uu noqdo, madax, madaxtinimadaasi waxa ka dambeeyana isma wareysanyo” ayuu yiri Danjire Donol Yamomoto, oo intaasi ku daray in dowladdiisu ay si weyn u taageereyso shirka ka dhacayo magaalada London ee dalka Ingiriiska loogana hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

“Mareykanku wuxuu soo dhaweynayaa cid kasta oo gacan ka geysaneysa la dagaalanka Al-shabaab, laakiin dowladaha qaar dantooda gaarka ah ayey ka hormariyeen waxyaabihii aan ku balannay ee ah inaan si wada-jir ah ula dagaalanno Al-shabaab, arrinkaasina ma aheyn mid loo baahnaa in la sameeyo” ayuu yiri markale Danjire Donald Yamamoto oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dano gaar ah laga hormariyo danta guud ee laga leeyahay dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Mr. Donald Yamamoto waxa uu sheegay in shirka Landon waxyaabo badan lagu lafo guri doona, isla markaasna ay shirkaasi ka soo qeybgalayaan dowlado badan iyo xubno ka socda waiikiilada beesha caalamka ee daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida inay hirgeliyaan waxyaabaha shirkaasi ka soo baxa oo aysan beer-dareyn sida uu yiri fursaddaasi qaaliga ah.

Posted on February 2, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: