Augustine Mahiiga”waxba iskama Quseeyn karan Qilafka Barlamaanka iyo heshiiska Roadmap-ka”

MUQDISHO:- Wakiilka xogyahay guud ee qaramada midoobey uqaabilsan Somalia Augustine Mahiga ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin qilaafka dabada dheeraaday ee Baralamanka Somalida. 

Waxaa uu sheegay in aan la dooneyn in uu qilaafku sii socdo uuna sameeyo heshiiska Roadmap-ka isagoona ka digay in xildhibanadu ay qilaafkooda ku lifaqaan heshiiskas.

Danjire Mahiga waxaa uu sheegay in heshiiskaan uu yahay mid aysan cidna hor istaagi Karin isagoona tusale uga dhigay in shirkii ugu dambeeyay ee midowga Africa lagu soo hadal qaday shirkan .

Waxaa uu sheegay in midowga Africa ay isku raaceen in waqtigii loogu talo galay lagu dhaqan galiyo shirkaan taas oo uu sheegay in ay dib udhici karto hadii la isku xiro qilaafka baarlamanka iyo dhaqan galinta heshiiska Roadmap-ka.

Mahiga ayaa dhan kale ka hadlay arimaha ciidamada Amisom lagu xoojinayo waxaana uu sheegay in ay howshaas gabo gabo ku dhowdahay .

Augustine Mahiga ayaa qiray in in xog hayaha guud ee Qaramada Midooabay Ban Ki Mon  uu toddobaadka soo soosocda golaha ammaanka horgeyn doono qorshe ciidammada Midowga Africa tiradooda lagu gaar siinayo in ka badan 17,000 oo askari.

Posted on February 2, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: