In ka badan 300 Ardey oo deeq wax barasho ka helay Turkiya oo Maanta ka duulay Muqdisho. [Sawirro]

 

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Amba-baxay in ka badan 300- Arday Soomaaliyeed oo Deeqo waxbarasho ka helay Dalka Turkiga.
Ardayda ayaa maanta barqadii waxa ay ka duuleen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo ay garoonka ka qaaday diyaarad gaar ah oo ay leedahay Dowladda Turkiga.

Munaasab lagu sagootinayo ardaydaasi ayaa waxaa lagu qabtay gudaha Garoonka Diyaarahada ee Magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galeen wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya, masuuliyiin ka socotay Dowladda Turkiga iyo Waalidiinta Ardaydaasi.

Maahan markii ugu horeysay oo ay Dowladda Turkiga deeqo waxbarasho oo lacag la,aan ah ay u fidiso qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed, waxaana haatan Dalka Turkiga ku sugan Arday fara badan oo Soomaali ah kuwaas oo kal hore deeqo waxbarasho ka heley Dalkaasi.

Posted on February 2, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Ardaydii shalay loo qaaday Turkiga oo la sheegay in lagu soo xulay qaabka 4.5

    MUQDISHO:- Safaarda Turkiga ee Somalia ayaa sheegtay in qaab beeleed loo soo xulay arday gaaraysay 400 oo shalay deeq wax barasho loogu qaaday wadanka Turkiga , Safrika Turkiga ee Somalia ayaa saxaafada usheegay manta in ay dhabta tahay in deeqdii wax barasho ee ay bixiyeen loo qeybsaday hananka ay Somaalidu dhowaanahan wax ku qeybsaneysay ee 4.5.

    Turkiga oo ah wadanka kaliya ee si dhaba uga jawabay abaartii iyo dhibaatadii ku habsatay Somalia ayaa in kabada 1000 arday deeq wax barasho siiyay , Laakin arinaan ayaa ah mid ku laabaneysa golaha wasiirada iyo qaar kamida xil dhibaanada Baarlamanka oo arintaan ku guda jiray .Wasiiro iyo xil dhibaano ayaa kuluglahaa arintaan waxaa la sheegay in ay isku raacsanayeen ibn wax lagu qeybsado 4.5 halkii ardayda lagu qiimeyn lahaa heerka ay wax barasha ka joogaan.

    Dhacdadani waa mid niyad jab ku rideysa arday badan oo soomliyeed oo ku haminaya in ay ka faa ideystaan deeqaha wax barasho ee lasiiyo dowlada Somalia ,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: