Madaxweyne Shariif oo kormeeray Jaamacadda Muqdisho iyo goobihii laga saaray Shabaab

Muqdisho:- (MomentMedia) Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay in la gaaray gabagabadii wejigii Kowaad ee howlgalladii ay ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadeen magaalada Muqdisho xilli uu maanta booqday Madaxweynaha goobihii ugu dambeeyey ee lagala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay wehliyeen ku simaha R/wasaaraha ahna Wasiirka difaaca, taliyaha ciidamada xoogga, taliyaha ciidamada booliska, Agaasimaha hay’adda nabadsugidda qaranka iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda ayaa maanta kormeeray meelihii ugu dambeeyay ee laga saaray malleeshiyaadka Shabaab.

Meelaha madaxweynuhu booqday waxaa ka mid ah warshadda Koka Kola ,Jaamacaddii Muqdisho, Qubuurihi barakaat, warshadda Isbuunyada shaakir, xerada guul wadayaasha oo hadda xarun u ah ciidamada militariga guutada 3-aad iyo dhul kale oo baaxad leh islamarkaana dhawaan laga xureeyay Malleeshiyadka nabad diidka ah ee al shabaab.

Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed iyo xubnihii la socday ayaa kormeerkooda ku billaabay warshadda Koka Kola ee dagmada Yaaqshiid taas oo in muddo ah ku xirneyd dagaallada halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Malleeshiyada Shabaab waxa uuna ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay warshaddaasi.

Kormeerka warshadda Koka Kola kadib madaxweynaha iyo mas’uuliyiinti la socotay waxa ay tageen Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah goobihi ugu dambeeyay oo ay ciidamada qalabka sida kala wareegeen al shabab, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Ganaraallo ka tirsan ciidamada xoogga kuwaas oo uu horkacayay abaanduulka cidamdaasi Ganaraal C/kariim Yuusuf Aadan ‘Dhagabadan’ waxaana kulan dheer oo saacado badan socday xarunta Jaamacadda Muqdisho ku qaatay madaxweynaha iyo mas’uuliyiinti la socotay saraakiisha ciidamda militariga iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Amisom.

Kulanka jaamacadda Muqdisho lagu qaatay kadib waxa madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socotay tageen xarunta xoola qalka ee ku dhaw jaamacadda Muqdisho waxa uuna kula kulmay madaxweynuhu halkaasi qaar ka mid a h shaqaalaha ka shaqeeya isagoo ka codsaday ciidamada halkaasi ku sugan in ay caawiyaan dadka ka howlgala xaruntaasi xoola qalka.

Kormeerka madaxweynaha uu ku tagay goobihi dhawaan laga xureeyay al shabab oo ahaa mid uu meela badan uu ku tagay ayaa sidoo kale waxa ay tageen mas’uuliyiintu warshadda isbuunyada Shaakir waxa ayna soo indha indhayeen qeybaha ay ka koobantahay.

Socod dheer oo ay madaxweynaha iyo madaxdii kale ee la socotay ku so mareen dhul baaxad leh oo ku yaala qabuuraha barakaat ayuu Madaxweynuhu waxa uu saxaafadda kula hadlay cirifka dhul howd ah oo ay ku suganyihiin ciidamda qalabka sida oo ku dhaw dagmada Deyniile waxa uuna u hambalyeeyay geesiyaashu hirgaliyay in gacanta lagu dhigo dhulkan isagoo madaxweyne Sh. Shariif caddeeyay in uu gaba gabo marayo howlgalki Muqdisho iminkana lagu jaheeysanyahay goballada ay haraadiga al shabab ku suganyihiin.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo dadki daganaa dhulka ay xureeyeen ciidmada qalabka sida in ay ku soo laabtaan islamarkaana ay dib u billaabaan howlahooda ganacsi isagoo sidoo kale Madaxweyne Shariif carrabaabay sida ay lagama maar maan u tahay in laga baxo guryaha dowlada.

Inta uu kormeerka madaxweyanahu socday ma aysan jirin wax rasaas ah oo ka dhacaysay goobihi maanta kormeerka lagu sameeyay waxaana muuqatay in aysan hal maleeshiyaad oo shabaab ka tisan ku sugneyn dhulka maanta ay booqdeen madaxda dalka ugu dambeynna waxa uu madaxweyanaha socodkiisa ku soo gaba gabeeyay xeradii guulwadayaasha oo hadda xarun u ah guutada 3-aad ee ciidamda xoogga dalka.

Dhulka uu maanta kormerka ku tagay ayaa waxa uu ka mid yahay goobihi dhawaan al shabab laga saaray wax uuna qeyb ka yahay kormeerka maanta dadaalka ay dowladdu ugu jirto dib u habeeynta iyo niyad dhiska ciidamada qalabka sida si dalka oo dhan looga 

Posted on February 3, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: