Xuska Mowliidka Nabiga CSW oo si weyn loogu diyaar garoobayo magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka

Qabanqaabo xooggan iyo diyaar garow aad u ballaaran ayaa ka socda gobolka Banaadir degmooyinkiisa kala duwan, kaasi oo loogu diyaar garoobayo xuska bisha Mowliidka oo ku beegan dhalashadii Nabi Muxamed N.N.K.H oo ku beegan 12-ka bisha Mowliidka.

Degmooyinka sida xooga leh looga diyaar garoobayo xuska Nabiga CSW ayaa u badan degmooyinkii laga saaray ururka Al-Shabaab iyo kuwa ay isaga baxeen, waxaana markii ugu horeysay laga dhigayaa muddo saddex sano ah kaddib degmooyin ay ka mid yihiin: Kaaraan, Shibis, Yaaqshiid, Boondheere, X/Weyne, Shangaani,C/Casiis iyo degmooyin kale.

Waxaa si weyn loo xardhay isla markaana dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeyay xarumaha diimeed sida Dugsiyada, Mowlacyada iyo Masaajida ku yaala xaafadahaasi oo xilligii ay Shabaabku gacanta ku hayeen ahaa goobo bahallo galeen ah oo dhir fara badan ka baxday.

Sidoo kale gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa ka bilaabatay aqrinta Qur’aanka iyo ducooyinka bisha Mowliid ay akhrinayaan culumaa’udiinka Ahlu Sunna, kuwaasi oo ugu sii diyaar garoobaya 12-ka bisha Mowliid oo iminka ay naga xigto wax ka yar 5-maalmood.

Waa markii ugu horeysay tan iyo markii dalka intiisa badan ay xoog ku qabsadeen kooxaha taageersan ururada Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada geeska Afrika, kuwaasi oo iyagu ku kacay fal kasta oo culumaa’udiinka ay ku faafinayeen diinta Islaamka, iyagoona tabar wixii ay hayeen isugu geeyay in bulshada Soomaaliyeed ay ka jaha wareeriyaan fahamka diinta Islaamka oo sida ay iyagu doonayaan u fasirtaan.

Posted on February 3, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Xuska Mowliidka Nabigena (NNKH) Oo Markii Koowaad lagu xusayo magaalada muqsisho tan iyo burburkii shabaab

    Qabanqaabo xooggan iyo diyaar garow aad u ballaaran ayaa ka socda gobolka Banaadir degmooyinkiisa kala duwan, kaasi oo loogu diyaar garoobayo xuska bisha Mowliidka oo ku beegan dhalashadii Nabi Muxamed N.N.K.H oo ku beegan 12-ka bisha Mowliidka. Degmooyinka sida xooga leh looga diyaar garoobayo xuska Nabiga CSW ayaa u badan degmooyinkii laga saaray ururka Al-Shabaab iyo kuwa ay isaga baxeen, waxaana markii ugu horeysay laga dhigayaa muddo saddex sano ah kaddib degmooyin ay ka mid yihiin: Kaaraan, Shibis, Yaaqshiid, Boondheere, X/Weyne, Shangaani,C/Casiis iyo degmooyin kale. Waxaa si weyn loo xardhay isla markaana dib u habeyn iyo dayactir lagu sameeyay xarumaha diimeed sida Dugsiyada, Mowlacyada iyo Masaajida ku yaala xaafadahaasi oo xilligii ay Shabaabku gacanta ku hayeen ahaa goobo bahallo galeen ah oo dhir fara badan ka baxday. Sidoo kale gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa ka bilaabatay aqrinta Qur’aanka iyo ducooyinka bisha Mowliid ay akhrinayaan culumaa’udiinka Ahlu Sunna, kuwaasi oo ugu sii diyaar garoobaya 12-ka bisha Mowliid oo iminka ay naga xigto wax ka yar 5-maalmood. Waa markii ugu horeysay tan iyo markii dalka intiisa badan ay xoog ku qabsadeen kooxaha taageersan ururada Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada geeska Afrika, kuwaasi oo iyagu ku kacay fal kasta oo culumaa’udiinka ay ku faafinayeen diinta Islaamka, iyagoona tabar wixii ay hayeen isugu geeyay in bulshada Soomaaliyeed ay ka jaha wareeriyaan fahamka diinta Islaamka oo sida ay iyagu doonayaan u fasirtaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: