Siyaasada turkiga ee somalia

Dalka turkey waa dal dhul ahaan kala qaybiya yurub iyo asiya waxuuna xuduud laleeyahay wadamo badan dhinaca koonfurta waxuu xuduud lawadagaa syria ciraaq iyo iran halka wadamo kale dhinaca waqooyiga kala wadaago xuduud sida greece iyo armenia iyo wadamo kale turkey waa wadan lagu qiyaaso dadkiisa ilaa 80 milyan. waana wadan muslim sunni ah turkigu waxuu leeyahay dhaqaale xoogan oo waliba hada si xowli ah usoo koraya turkey waxay leedahay warshado rayid ah iyo kuwa militariba waana wadan waxsoo saar badan turkey iyo somalia turkiga waxaa hogaaminaya intii muda ah xisbiga islaamiga ah ee lagu magacaabo AK Party ee Rajab Tayib Ordagan kamidyahay siyaasada turkiga ee somalia dad badan oo somali ah ayaa ku jaha wareersan ama layaaban kana muujiyay tuhuno badan halka qaarakalana si kas ah ugu abuurayaan dadka tuhun xaasidnimo si ay ukala fogaadaan labada shacab turkey iyo somalia.

Kooxaha faafinaya daacayadaha waxba kama jiraanka ah ee ku aadan dowlada turkey waa kooxo jira lakiin si dhaba aanan isu soo shaac bixin mar an waxka waydiiyay aqoonyahano iyo khuburo somaliyeed oo aqoon dheer uleh. Kooxaha faafiya dacayahada nocan okale ah ayaa farta ku fiiqay wadamada neceb inay somaliya nabad ka dhalato siyaasada turkey ee somalia siyaasada turkey ee somalia 100% waa caawin iyo helida dowlad somaliyeed oo xor ah iyo is garabtaaga shacabka somaliyeed ee ay ku rogmadeen mowjadaha colaadeed iyo kuwa abaareedba waxaakale oo turkey ku dadaalaysa wax u qabashada shacabka sida

  • (1) waxbarashada qaybaheeda kala duwan
  • (2) caafimaadka – qaybahiisa kala duwan
  • (3)dhismaha xarumaha dowlada iyo kuwa shacabka
  • (4) dhismaha jidadka garoomada diyaaradaha iyo schoolada

Maxu ka aminsanyahay somaligu turkey? 

Runtii dadbadan oo aqoonyahano iyo dad caadi ah isugu jira ayaa og ujeedka turkey ee somalia in uu yahay kaliya isgarabtaag walaalnimo iyo daacadnimo xaddhaaf ah oo taariikh abid somalia aysan somarin caawinta turkiga caawiyay somalida maanta waxaa jira xarumo turkigu kafuray somalia oo caawimaad ah xarumahaas waxay isugu jiraan kuwa lacag cadaan ah dadka la siinayo si ay ayagu danahooda ugu fushadaan halka qaarkalana cunta kufilan oo caafimaad qabta la siiyo magaalada muqdisho waxaa kadhacay dhacdo somalia hore logu arag kadib markii hayadaha turkiga muqdisha jooga iyagu qoys walba uqalayeen hilib aad utiro badan oo dadkii ka batay heer markii danbe cid cuntaba lawaayay waxaad eegtaa heerka daacadnimada deeqda turkiga ee shacabka somalia soo kama duwana aduunyadii kale ee noogu gargaari jirtay qamadi ama boorash ama ciidan tiro wayn leh oo wax olaliya oo aanan u kala aaba yeelin shacab iyo mucaarad ma isku midbaa ciidanka tirada yar ee turkay somalia ka jooga .iyo ciidamadii adunka ee yimid somalia 1993 kismaayo kadibna ku jees jeesay nolal bini aadam muwaadin somaliyeed hadana aanan qaan gaar ahayn ee waliba nafta kaga qaaday.

Qaab arxan daro taas oo ahayd solid ama shiilid  halka qaarkalana faraxumeeyeen ?

waamaxay sababta qulqulka aduunka .somalia xiligan qulqulka aduunk ee somalia xiligan waa laba arimood.

  • (1) turkiga oo doonaya in uu dhiso dowlad cadaalad ah oo somalidu leedahay
  • (2) islaamiyiinta somalia oo awood militari yeeshay doonayana dowlad islami ah inay katagan cariga somalia labadaan arimood ayaa ugu wayn qulqulka aduunka somalia

lakiin xowliga ama soo yaaca aduunyada ee somalia waxay timid kadib imaanshaha turkiga wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa aminsan in turkey garoonka siyaasada aduunka kusoo noqotay oo ay doonayso soo celinta cuthmaniyadii xooga badnayd ee katalin jirtay kalhore aduunyada barkeed hadaba aqoonyahano iyo siyaasiiyiin ku xeeldheer siyaasadaha is rogrogta ee somalia ayaa sheegaya in somalia god gashay hadii turkey aysan laban laabin caawinta somalia ama isgarab taaga shacabka somaliyeed mar aan waxka waydiiyay caawinta iyo isgarabtaaga turkiga qaabka ugu haboon ayay aqoonyahanadu iigu jawaabeen sidatan.

  • (1) turkey inay fidiso gogol nabadeed oo la isugu yeero dhamaan shacabka somalia ee siyaasada isku    haya iyo dhamaan garabyada hubaysan si dhab ahna loo wada hadlo lagana gudbo qasabka iyo marin habaabinta si xal loo helo
  • (2) in turkigu faringalin toos ah ku sameeyo somalia oo xaga militariga ah sababtoo ah somalidu siyaasada turkey wax didmo ah kama qabto wayna soo dhawaynayaan somalia iyo turkey waxay leeyihiin sxbtinimo fog xiligii cuthmaniyada waxuuna turkigu taageeray taageero militari (axmedgurey) (sayid maxamed cabdule xassan ) turkey waa wadan xoog badan leh maanta aduunkana kuleh qadarin waa wadan dadkiisu wadaniyiin yihiin jecel wadankooda sidaa darteed shacabka somalia waxay hiil ka sugayaan dowlada turkiga in ay isgarab istaagto shacabka somaliyeed  waxayna ku baqayaan qaybo kamid ah waxgaradka somalia in turkigu keeno ciidamo ilaaliya bada iyo xuduudaha somalia.

Posted on February 4, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: