Daily Archives: February 6, 2012

Shirka London & Xukunka Maxmiyadda Ee Somalia Laga Sameynayo illaa 2015-ka (Xog Dhab ah & Dukumiintiyo Xaqiiqda Jirta Lagu Xardhay)


Moment Media - Sida ku cad dukuminti hordhac ah oo laga diyaariyey shirka London ee dawlada Ingiriisku ay u qabaneyso Soomaaliya bisha Febraayo 23-keeda, waxaa go’aan lagu gaaray in Soomaaliya la geliyo maamul hoosaad (maxmiyad) ah oo la mid ah nidaamka hadda ka jira dhulka reer Falastiin kaasoo ah “Interim Authority”.
Dukimintiyadan waxaa qoray danjiraha cusub ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh, wuxuuna u diray xubnaha dawladaha ee dawlada Ingiriisku ay ku martiqaaday inay ka soo qeybgalaan shirka London kuwaasoo u badan wadamada reer Galbeedka iyo kuwa Afrikaanka ee faraha kula jira arimaha Soomaaliya.Qoraalka Matt BaughMatt Baugh wuxuu qoraalkiisa oo ku taariikheysan 23-ka Disembar 2011, ku sheegay in ujeedada shirka London loo qabanayo ay tahay saddex ujeedo oo kala ah:- Amaanka, Siyaasadda iyo Horumarinta kuwaasoo uu sheegay in si weyn shirka London loogu falanqeyn doono.Waraaqahaasi waxay sidoo kale sheegayaan in ajendaha shirka aysan ka marneyn sidii nidaam loogu sameyn lahaa Soomaaliya kaasoo uu ku micneeyey inuu yahay “nidaam hoosaad”.

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Blog at WordPress.com. The Adventure Journal Theme.