Jerry Rowlings oo ka baaqday ka qeyb galka kulan xildhibaanada doortay Madoobe Nuunow uga socda xarunta golaha shacabka

Waxaa goor dhow oo barqanimadii maanta ah ka furmay xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho kulan ay isugu yimaadeen xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia, iyadoo ergeyga Midowga afrika ee Somalia Jerry Rowlings oo la filayey inuu kulankaas ka qeyb galo uu baaqday.

Baaqashada Ergeyga Midowga afrika oo hadda jooga xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa boggan u xaqiijiyey xildhibaan Yaasiin Maxamed Bucul oo ku sugan hoolka baarlamanka, isagoo sheegay in Jerry Rowlings uu soo gaarsiiyey xildhibaanada fariin sheegeysa in saaka uusan ka qeyb qaadan Karin kulanka baarlamanka uuna dib ka soo sheegi doono xiliga kale ee uu kala qeyb galayo.

Xildhibaan Yaasiin Maxamed Bucul ayaa intaa ku daray Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya uu hadda xaruntooda Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uga socdo kulankooda caadiga ahaa oo ay uga doodayaan qorshaha roadmapka.

Yaasiin Bucul ayaa xusay in Xildhibaanada maanta loo qeybinayo qorshaha Road Map-ka oo sida uu sheegay ilaa hadda ay Xukuumaddu u soo gudbin weysay Baarlamaanka ka dib markii dhowr jeer oo hore laga dalbaday inay soo gudbiso, balse ay ka dhego adeygtay, wuxuuna xusay in xildhibaanadu ay isla manta guda galeen dooda qorshahaas.

“Maanta waxaa xildhibanada loo qeybiyey qoraalo ku saabsan roadmapka waxaan socda dooda kaasoo qodob qodob looga doodayo ka dibna go’aan mid ah uu Baarlamaanku ka qaadan doonaa” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Bucul oo intaasi ku daray in marka dooddu dhamaato cod la gelin doono, markaasoo la meelmarin doono, amaba la diidi doono amaba wax laga bedeli doono.

Mar aanu weydiinay sababta ay uga doodayaan qorshaha Road Map-ka iyadoo aysan Xukuumaddu u soo gudbin ayaa waxa uu sheegay in haddii Xukuumaddu ka dhego adeygto inay soo gudbiso mudada loo qabtayna ku keeni weyso uu jiro sharci u baneynaya inay ka doodaan qorshahaasi, go’aana ka gaaraan.

Posted on February 8, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: