Midowga Afrika oo Muqdisho ka bilaabay dhexdhexaadin lagu xalinayo khilaafka baarlamanka Somalia

Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan arimaha Somalia Jerry Rowlings ayaa shaaca ka qaaday inuu manta bilowday dhexdhexaadin lagu xalinayo khilaafka adag ee ka dhex aloosan baarlamananka Somalia kaasoo sababay in baarlamanku uu yeesho labo gudoomiye iyo labo ku-xigeen.

Jerry Rowlings Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan arimaha Somalia oo manta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ka dib kulan looga hadlayey khilaafka baarlamanka oo uu la yeeshay madaxweynaha Somalia ayaa waxaa uu intaa ku daray in midowga Afrika uu dedaal u galayo sidii khilaafkaas meesha looga saari lahaa.

Waxaan guda galeynaa sidii aan wax uga qaban laheyn una xalin laheyn khilaafka murugsan ee ka dhex aloosan baarlamaanka kaasoo caqabad ku noqon kara sidii ay horey ugu socon lahaayeen howlaha dowlada KMG Somalia aad ayaan ugu rajo weynahay inaan ku guuleysan doono arintaas” ayuu intaa ku daray Jerry Rowlings.

Dhinaca kale raisul wasaaraga Somalia ayaa isna soo dhoweeyey dhexdhexaadinta uu midowga Afrika sheegay inuu ka dhex bilaabayo xalinta khilaafka baarlamanka, wuxuuna xusay in baarlamanku uu yahay hey’ad ka mid ah kuwa ugu muhiimsan dowlada KMG Somalia loon baahan yahay in la xaliyo wax kasta oo howlihiisa caqabad ku ah.

Posted on February 8, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: