Madaxweyne Shariif iyo xildhibaanadii xilka qaaday Shariif Xasan oo maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya, gaar ahaan xildhibaanada ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan waxay kulan gaar ah la yeelanayaan maanta Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo ergayga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya John Rawlings.

Sida warku sheegayo Guddi ka socda Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ayaa kulan gaar ah la yeelanaya Madaxweyne Sheekh Shariif, kaas oo looga hadli doono sida la sheegay khilaafka cirka isku shareeraya ee ka dhaxeeya xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Kulanka ayaa la sheegay inuu codsaday Madaxweynaha dowladda KMG oo markan isku dayaya markale inuu meel dhexe isugu keeno Xildhibaanada Baarlamaanka KMG, waxaana kulankan uu ka dambeeyay ka dib markii uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya John Rawlings oo ay ka wadahadleen khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Guddiga ay saareen xildhibaanada ee kulanka la yeelanaya Madaxweynaha ayaa la sheegay inay Madaxweynaha u gudbin doonaan Dukumentiyo kala duwan, kuwaasoo ay ku cadeynayaan sida ay u dhacday xil ka qaadistii Shariif Xasan iyo doorashooyinkii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka

Lama oga sida ay suurtagal ku noqon karto in Madaxweynaha dowladda KMG uu meel dhexe isugu keeno Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya, maadaama uu la saftay garab ka mid ah Baarlamaanka, isla markaasna uu taageersanyahay in Shariif Xasan uu yahay weli Guddoomiyaha sharciga ee Baarlamaanka, taasoo caqabad ku noqon doonta Madaxweynaha inuu xal ka gaaro arrinka Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Posted on February 9, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: