Shariif Xasan oo Saaka si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 13-kii bishii Disembar xildhibaanada baarlamaanka ka qaadeen xilka afhayeenka baarlamaanka ayaa maata dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeybgalay shirkii Kooxda Xiriirka ee Arimaha Soomaaliya ee ka dhacay wadanka Jabuuti.

Shariif Xasan oo horey u soo maray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubno taageerayaashiisa ah oo isugu jira mudanayaal baarlamaan, haween iyo odayaal.

Hadal koobanoo uu Shariif Xasan wariyaasha ku siiyey garoonka ayuu ku cambaareeyay weerarkii isqarxinta ee galabnimadii Arbacada lala beegsaday biibito ku dhow hotelka Muna ee degmada Xamarweyne, isagoo sheegay in Al-Shabaab ay yihiin dhibaato ummada Soomaaliyeed heysata.

Shariifku wuxuu soo hadal qaaday khilaafka weli ka taagan jagadiisa, isagoo sheegay inuu jeclaan lahaa in baarlamaanka isfaham gaaro oo ay arimaha dhexdooda xaliyaan

“Waxaa fiican inaan garano xildhibaanimada iyo masuuliyada na saaran oo danta guud u soo wada jeesano” ayuu yiri Shariif Xasan.

Wuxuu Shariif Xasan sidoo kale sheegay in shirkii kooxda Xiriirka ee IG ku yeesheen Jabuuti ee uu isagu ka qeybgalay looga hadlay amaanka Soomaaluiya iyo sidii dawladnimo loo gaarsiin lahaa dalka, isagoo sheegay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saxaafada kula hadlaayay saaka oo jimco ah garoonka diyaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu dib ugu soo laabtay muqdisho ayaa sheegay qarixii arbacadii ka dhacay in ahaa mid dad aan waxbo galabsan lagu waxyeeleeyay.

Wuxuu sheegay Al-Shabaab in aysan wax dan u heynin shacabka iyo dalka Soomaaliya.

Wuxuu yiri ” Al-Shabaab waa kuwii hadda cadeystay in ay qeyb ka yihiin Al-Qaacida marka waxa aan ugu baaqayaa shacabka ku nool muqdisho in ay iska celiyaan kooxdaas imaan lawaayaasha” sida uu hadalka u dhigay.

 

Posted on February 10, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: