Admiral Faarax Qare: Ciidanka Badda Soomaaliya Waa Ciidanka Kaliya ee Aan Dibadda Lagu soo Tababarin

Muqdisho (Moment Media Group) Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo ah taliyaha ciidanka badda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in haddii la tayeeyo ciidanka badda ee hadda ku sugan Muqdisho ay awoodi doonaan inay wax badan ka qabtaan dhibaatooyinka ka taagan badaha Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka badda oo ka hadlay munaasabad lagu xusayey 50guurada ka soo wareegatay markii la dhisay ciidanka badda Soomaaliyeed 1962-kii kuwaasi oo qeyb ka ah ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya [X.D.S] ayaa sheegay in ciidanka badda uu yahay midka kaliya ee aan dibad lagu soo tababarin.

“Ciidanka badda waa ciidanka kaliya ee aandibadda lagu soo tababarin ee gudaha tababarkooda ku qaatay, waxana soo mareen marxalado kala duwan iyagoo maantana diyaar u ah inay qeb ka qaataan difaaca xeebaha iyo badaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Admiral Faarax Qare.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan duruufo badan oo ay ka mid tahay qalabka iyo gaadiidka oo aan ciidanka u dhameyn ay heysato ciidanka badda isla markaana hawsha u taalla ay tahay mid tiro badan.

Burcad badeeda iyo kaluumeysiga sharci darrada

Admiral Qare ayaa soo qaaday dhibaatada burcad badeeda ku heyso xeebaha Soomaaliya oo uu si aad ah uga hadlay,hase yeeshee wuxuu sidoo kale ka digay in maraakiibta reer Europe iyo kuwo Carbeed ay boob ku hayaan xeebaha iyo kheyraadka Soomaaliya isagoo sheegay in ciidankabadda laga rabo inay taasina wax ka qabtaan.

“Badeena waxaa ka socda kaliya maahan burcad badeednimo ee sidoo kale tuugeysi badan baa jira oo kheyraadkii dalka lagu hayo, kuwa sunta ku shuba waa ka mid” ayuu sii raaciyey Admiral Faarax Qare hadalkiisa.

Saraakiisha ciidanka badda Soomaaliya

Wuxuu tilmaamay in maraakiibta  tirada badan ee wadamada shisheeye ee dhooban xeebaha Soomaaliya aysan waxba ka qaban karin burcad badeeda kaliyana ay dantooda meesha u joogaan, isagoo intaa ku daray in haddii dhaqaalaha faraha badan ee ku baxa maraakiibtaasi la siin lahaa ciidanka Soomaaliya wax badan laga qaban kari lahaa amaanka baddaha.

Generalku wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ciidanka ee ugu jiro dhanka ilaalinta badaha isagoo soo qaaday tusaalooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin kaluumeysato ay soo badbaadiyeen iyo doomo sharci daro ah oo ay ku qabteen xeebaha u dhow Muqdisho.

Intii lagu gudajiray munaasabada 5-guurada ka soo wareegatay aas aaska ciidanka Badda Soomaaliyeed waxay ciidanka xeebta Sukunto-Liido ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen dhoolatus kooban oo la xiriira tababarkooda iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed, wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo Abaanduulaha ciidanka Gen C/kariin Yuusuf Dhegabadan.

Posted on February 11, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: