Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta si kulul u weeraray Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya

Madoobe Nuunow Maxamed oo isagu rumeysan in uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta uu si weyn uu u weeraray Raa’isal Wasaaraha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu ka hadlay shir balaaran oo ay maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ay ku yeesheen Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho, oo saldhig u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya uu si toos ah uu ugula saftay Shariif Xasan Sheekh Aadan,oo uu sheegay in si Sharci ah ay xilka uga qaadeen 2,83 Xildhibaano.

Madoobe ayaa wuxuu xusay in Raa’isal Wasaaraha uu go’aan qaldan ku taageeray Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo intaasi ku daray in Raa’isal Wasaaraha uusan tex-gellin 2,83 Xildhibaano, codkii ay xilka uga qaadeen buu yiri Shariif Xasan.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaanan sidaasi looga baahneyn Raa’isal Wasaare Gaas, isagoo intaasi ku daray in uu kaga digaayo inuu sidaasi ku sii adkeysto, isla-markaana wuxuu ugu baaqay inuu dhex dhexaad ka ahaado xiisadda cakiran ee ka dhex taagan Baarlamaanka.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga.

Posted on February 11, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: