War deg deg ah: Agoustine Mahiga oo loogu Hanjabay Hadii uusan Mudo 24-saac Muqdisho uga bixin in la xirayo

Waxaa Maanta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan garabka uu Hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamad oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho si kulul ugu eedeeyeen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Xildhibaanada oo Maanta ka qeyb galayay Kulanka ka socday Xarunta Golaha Shacabka qudbada kala duwana ka jeediyay ayaa Agoustine mahiga ku eedeeyay in uu carqalad ku yahay Xaaladaha Dalka Soomaaliya uuna qas iyo jahwareer ka dhaxwado Magaalada Muqdisho.

Waxa eena sidoo kale Xildhibaanada Baarlamanaka ku eedeeyay Mahiga in uu si gaar ah ula shaqeenayo Xildhibaanada ku fikirka ah Gudoomiyiihii xilka laga qaaday ee Shariif Xasan Sheekh Aadan .
Waxa eena si Deg Deg Ah Agoustine Mahiga ugu baaqeen in uu Muqdisho uga baxo Mudo la siman 24-saac hadii uusan ka bixina la xiri doono Sharcigana la horkeeni doono.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale sheegay in Warwqad ka dhan ah oo Dacwo ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Agoustine Mahiga u gudbin doonaan Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Ururada Caalamiga si wax looga qabto qaska uu ku hayo Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada labada garab u kala jabsan.

Hadalkan kulul ee Maanta kasoo baxay Xildhibaanada ku fikirka ah Madoobe Nuunow Maxamad ayaa imaanaya xili Agoustine Mahiga la sheegay in si hoose uu kulamo ula qaatay Xildhibaanada taageersan Shariif Xasan Sheekh Aadan una muujiyay Taageero iyo garab istaag.

Posted on February 11, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: