Xildhibaanada Taageersan Madoobe Nuunow oo Muddo laba Cisho ah u qabtey in uu Baarlamaanka ku Horyimaado Madaxweyne Shiikh Shariif

Xildhibaanada Baarlamanka ee ka soo hor jeeda Guddoomiyanimada Shariif xasan ayaa Kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho,kaasoo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha ay doorteen Xildhibaanadan Madoobe Nuunoow ayaa si gaar ah waxa ay xildhibaanadu uga hadlayeen Doorka Madaxweynaha Dawladda Fgederaalka Soomaaliya uu ka taagan yahay Khilaafka ka dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madoobe Nuunoow oo halkaa ka hadlay ayaa Eedeyn u soo jeediyay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.isagoo Madaxweynaha ku Eedeeyay iyo waliba Ergeyga qaramada Midoobay in labadooduba ay la safan yihiin Shariif xasan isla markaana ay aqoonsan yihiin Xilkii ay hore ugu qaadeen.

Xildhibaanada kulanka ku yeeshay Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya inuuu muddo laba Casha gudahooda ah uu Baarlamanka ku hor yimaado, waxayna Xildhibaanada sheegeen in haddii Madaxweynuhu u hoggaansami waayo arrimahan ay u soo jeediyeen isla markaana uu faraha kala bixi waayo Sharci darada uu ku shaqaynayo in ay Xilka ka qaadayaan
Xildhibaanadan ayaa saacado u qabtay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mahiga inuu Dalka isaga baxo ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu dhexdhexaadka noqon waayey Khilaafa u dhaxeeya Baarlamanka Soomaliya ee soo jiitamayey ila Bishii Desember ee Sannadkii tagay

Arrimahan ayaa noqday wax lala yaabo oo aan hore looga baran Xildhibaanadan iyagoo dhinaca kalena Eedeyn u soo jeediyay qaybo ka mid ah Xukuumadda oo ay sheegeen in ay wadaan qorshayaal ay ku kala fur furayaan Xildhibaanada , sidoo kale Xildhibaanada ayaa uga digay kuwa Lacagaha ku bixinaya kala fur furidda Baarlamanka ee ka tirsan Xukuumadda in ay Faraha kala baxaan haddii kale ay ka qaadayaan Tallaabo sharci ah , sida Darteed Xaaladda Barlamanka ayaa markaan u muuqda mid meel mugddi ah sii galaysa ka Gadaal markii Khilaafkii Baarlamaanka u dhaxeeyay uu haatan ku soo aaday Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumaddisa oo qarka ay u saaran yihiin in iyaguna lugaha ay la soo galaan khilaafka ka taagan Baarlamanka .


Posted on February 11, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: