Saxaafada Pundland oo laga mabnuucay in ay baahiyaan wararka kooxaha Atam ee dagaalka kula jira mamaulka Faroole

Saxaafada Punland oo horey ul la shaqeyn jiray mamaulka Faroole ayaa siweyn looga mabnuucay tabinta wararka kooxaha ka soo horjeeda mamaulka Faroole kuwaa oo dagaal ba an kula jira iyadoona wararka dagaalada ay qadaan kooxaha uu hogaamiyo wadaadka yar ee Atam laba sheegin.

Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax-joorre) oo maanta magaalada Garoowe Saxaafadda kula hadlay ayaa been abuur ku tilmaamay dagaal gaadmo ah oo ciidankiisa ay ku soo qadeen ciidamada deegaanka ee uu hagaamiyo Atam kuwaa oo laayey ku dhawaad 20 ka tirsan ciidamada mamaulka Faroole

Afhayeenka dowlada Puntland oo warkaas been abuur ku tilmaamay ayaa hadana wararka laga helaayo dadka deegaanka dagaalka ka dhacay ay sheegayaan in uu jiro weerarkaasi gaadmada ah laguna laayey ciidama badan oo ka tirsan mamaulka Faroole.

Inta badan saxafada punland oo dhaqaalo ka qaato mamaulka Faroole ayaa laga mabnuucay in ay u tabiyaan dadka reer Punland war aan maamulka Faroole raali galin taana waxay keentay in dadkii sugaayey wararka sugan ay wayaan xiligaan ayna wararka saxda ka doontaan saxaafada kale ee Soomaalida

Maamulka Faroole oo xiligaan doonayo in uu la wareego siyaasada Soomaliya oo dhan ayaa hadana la dhihi karaa waa mid aan xiligaan suuragal aheyn madaama mamaulkiisa siweyn ula shaqeeyo kooxaha burcad badedka ah oo xiligaan aduunka ugaarsiga ugu jira waxaana laga yabaa in shirka Londan masuuliyiin badan oo ka tirsan maamulka Faroole dacwad lagu soo oogo taana ay keento in ay fashlinta sir badan oo xiligaan qarsoon waxeyn joornaalo badan oo reer galbeed ah qoreen in dhaqaalaha ugu badan ee soo gaalo mamaulka Faroole intiisa badan ka yimaado Purcad badeedka waxaase xusid mudan xildhibaan ka tirsan dowalda Soomaliya uu sheegay xildhibanada soo socda ee la doonaayo xiligaan in Soomaaliya loo sameeyo dhamaantood ka imaan doonaan dhanka Purcadbadeedka.

Posted on February 15, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: