Xukuumada raisul wasaare Gaas oo lagu eedeeyey iney heshiisyo cusub oo qarsoodi ah la gashay shirkado iyo heyaddo shisheeye

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxay si kulul u eedeeyeen Xukuumadda Ra’isul wasaare C/weli Max’ed Cali Gaas oo ay ku eedeeyeen inay gashay heshiisyo gaar ah oo Baarlamaanka aanu ka warqabin iyo inay ka shaqeynayso danaha deegaanada Puntland.

Xildhibaan Max’ud C/llaahi Wehliye Waqaa ayaa waxa Xukuumadda Ra’isul wasaare Gaas uu ku eedeyay inay ka shaqeynayso horumarinta degaanada Puntland, isla markaasna ay ka soo horjeeddo horumarinta gobolada Koofureed, isagoo tusaale u soo qaatay in Ra’isul wasaaruhu uu amar ku bixiyey in la raro biro yaala dekadda Muqdisho oo la geeyo dekadda Boosaaso iyo in Ra’isul wasaaraha uu ogaaladay in shirkado shisheeye ay shidaal sharci darro ah ka qodaan degaanada maamulka Puntland, kaasoo aanu ka warqabin Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid ayaa isna Xukuumadda Gaas waxa uu ku eedeeyay in 48-sano oo heshiis sharci daro ah ay la gashay Hay’ado Turki ah oo waxay qabtaan aanu ka warqabin Baarlamaanka KMG Soomaaliya. “Waxaad aragtaan hay’ado caddaan ah oo dalka dhooban, marka aad martid wadada Makka Al-mukarama waxaad arkeysaa baabuur ay ku buufsantahay magaca hay’ado shisheeye ah oo uusan ka warqabin waxqabadkooda Baarlamaanka KMG, balse uu si hoose ula heshiisyey Ra’isul wasaare C/weli Gaas, arinkaasi oo hareer marsan shuruucda dalka u degan” ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/rashiid.

Xildhibaan Naaleeyee ayaa isna waxa uu sheegay in Baarlamaanka KMG uu muddo afar bilood ah aanu helin gunadii ay lahaayeen ka dib markii uu sheegay in Xukuumadda ay joojisay, wuxuuna intaasi ku daray in qeybaha kale ee xildhibaanada taageersan Shariif Xasan iyo xafiisyada Ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaha la siiyey wixii ay xaq u laahaayeen, laakiin lacagtii laga jartay xildhibaanadi xilka ka qaaday Shariif Xasan sida uu yiri.

Xildhibaanada ayaa Xukuumadda Ra’isul wasaare Gaas waxay uga hanjabeen in haddii ay Baarlamaanka horkeeni-weyso heshiisyada ay gasho ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan, isla markaasna ay doonayaan inay la sameeyaan wixii haatan ka dambeeya xisaabtan dhab ah.

Posted on February 15, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: