Khilaaf ka dhashay dowlado aan lagu casuumin shirkii Garoowe iyo Faroole hoosta soo gashaday(Maxaa ka dhashay arinkaas)

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in shirka ka socda magaaladaasi ay hadda ku biireen wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo aan shirkaasi horay loogu casuumin, balse sida la sheegay iska tagay shirkaasi, si ay lug ugu yeeshaan arrimaha shirkaasi iyo qodobada ka soo baxaya.

Sida warku sheegayo sarkaalkan Itoobiyaanka ah ee sida kedis ah uga qeybgalay shirka Garoowe ayaa ah wakiilka dowladda Itoobiya u jooga maamulka Puntland, waxayna la yaab ku noqotay xubnihii ka qeybgalayey markii ay maqleen waxaa shirka ku soo biiray wafdi ka socda dowladda Itoobiya.
Markii khudbadaha shirka ay bilowdeen ayaa madaxda qaar waxay khudbadahooda ku salaameen wakiilka Itoobiya, iyadoo Madaxweyne Faroole uu ku tilmaamay inuu yahay qunsuldawladda Ethioppia u jooga Garoowe, hase yeeshee mas’uuliyiinta kale ayaa iyagu u adeegsaday eray kale oo ah wakiilka dowladda Ethiopia ka socda oo shirka goob joog un ka ah.
Rag ka mid ah wufuuda shirka joogta ayaa u sheegay warbaahinta  in marka laga tago dhinacyada Soomaalida in shirka ay ku martiqaadnaayeen ururada IGAD, UNPOS, Midowga Afrika, waxaana sidoo kale shalay shirkaasi tagay kana qeybgalay wafdi ka socday dowlada Jabuuti oo uu horkacayo Xaamud Cabdi Suldaan oo ah wasiirka diinta iyo Awqaafta dalka Jabuuti oo aan isna lagu martiqaadin shirka, balse sida la sheegay Madaxweyne Faroole si hoose ugu casuumay, waxaana la sheegay in qaar ka mid ah wafuudii shirka ka qeybgalaysay ay ka carooreen dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo shirka ka soo qeybgalay iyaga oo aan lala socod-siin, inkastoo markii dambe arrinka la xalliyey.
Xafiiska UNPOS oo qabanqaabada shirka watay ayaan ka hadlin arrintan, iyadoo sida muuqata dhanka Puntland uu ka soo galay wakiilka Ethiopia ee shalay shirka ka qeybgalay, sidoo kale wafdiga Jabuuti ayaa shirka waxaa ku casuumay maamulka Puntland, kuwaas iyana shalay fadhiyey shirka Garoowe.

Posted on February 16, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: