Midowga Yurub iyo Mareykanka oo qeyb ku lahaa go’naadii ka soo baxay shirkii Garoowe oo la soo gabagabeeyay

Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa shalay gaaray wafdi ka socday beesha caalamka sida Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Mareykanka, kuwaas oo halkaasi u tagay sida la sheegay inay ka qeybgalaan shirka Garoowe xiritaankiisa, inkastoo uu dib u dhac ku yimid shirkaasi oo shalay lagu waday inuu soo xirmo sababo la xiriira isqabqasi iyo yimid intii aan lagu heshiin qodobada laga soo saaray.

Wafdiga shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa waxaa ka mid ahaa madaxda amaanka iyo nabadda Midowga Yurub Valentine Aurichio, safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Matt Bough, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Andrea Mazzela iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Diara, sarkaal sare oo ka socda dalka Mareykanka iyo xubno kale.

Wafdigaasi ayaa ayaa markii la geeyay xarunta uu ka socdo shirku ayaa waxay kula kulmeen halkaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda KMG Shariif Xasan SheekhAadan, Ra’isul wasaaraha ukuumadda KMG, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug, kuwaas oo ay kala hadleen qaabka uu u socdo shirka iyo qodobada la doonayo in laga soo saaro fulintooda.

Horey ayaa waxa ugu sugnaa magaalada Garoowe madaxa siyaasadda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Augustine Mahiga, ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika Soomaalia Wafulu Wmanyini, adaxa barnaamijka nabadda iyo dib heshiisiinta urur goboleedka IGAD Kibruto Arab Kirwa iyo weliba wafdi ka socda dowladda Jabuuti uu horkacayo wasiirka Awqaafta Xaamid Cabdi Suldaan, sidoo kale waxaa shalay shirka gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed si
uu uga qeybgalo gebagebada shirkaasi.

Posted on February 18, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: