Ingiriisku ma weerari doonaa Al Shabaab? Waa maxay sababta Ingiriiska uu hada ugu soo jeestay xaalada Soomaaliya? (Halkaan ka Daawo Wareeysi Top ah Safiirada u fadhisa Ingiriiska dalka Norway)

( Moment Media Group) –  Wareeysi  Safiirada u fadhisa Ingiriiska dalka Norway  – Waraysi qaas ah oo la la yeeshay Jane Owen oo ah Safiirada Ingiriiska u fadhisa dalka Norway ayaa waxay ka jawaabtay suaalo Soomaali badani qabaan oo ku saabsan shirka ka dhici doona magaalada London khamiista loogana hadli doono arimaha Soomaaliya. 
Suaasha koowaad oo la waydiiyay safiirada ayaa ahayd bal sharaxaad inay ka bixiso sababta Ingiriisku hada ugu soo jeestay xaalada dalka Soomaaliya mudo 21 sano ahna indhaha uga fiirsanayey.

Safiirada ayaa sidaan ku jawaabtay:”Waxaan aragnaa jaanis cusub oo samafal lagu gaarsiin karo Soomaalida nabadgelyadana lagu hormarin karo hada. Waqtiga dawlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa dhacaya bisha Agoosto marka waxaan casunay xubno ka socda 40 Wadan iyo madax ka socota dawlada, maamul goboleedyo Soomaaliyeed si aan jawaab ugu helno suaasha ah: hadii waqtiga ku meel gaarka ahi uu dhamaado bisha Agoosto maxaa ku xiga oo aanu samayn karnaa? “

Suaal kale oo la waydiiyay Safiirada ayaa waxay ahayd: ” Ingiriisku ma waxuu doonayaa in hay’adaha dawlada Soomaaliya lagu bedelo kuwo kale oo isagu sameeyay?

Suaashaas jawaabteeda ayaa Jane Owen waxay ku sheegtay in taasi aysan ahayn wax dhici kara.

Suaal ku saabsanayd in Ingiriisku weerari doono Alshabaab iyo in kale ayaa waxay Safiiradu sheegtay in dawlada ingiriiska aysan u qorshaysnayn weerar laakiin uu Ingiriisku wadi doono taageerada AMISOM.

CODSI KU SOCDA QURBA JOOGA : 

Safiirada ayaa ugu dambayntii shaaca ka qaaday in Soomaalida qurbaha degan laga sugayo ra’yi iyo aragti ku saabsan Sidii laga yeeli lahaa Soomaaliya wixii ka dambeeya bisha August 2012.

Posted on February 21, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: