YAA HESHIISIINAYA DAD AAN SAAXIIB LAHAYN OO AAN SAAXIIB AHAYN..??

Shirka London oo maanta oo u ka furmey London ayaa uun sidii caadada ahayd iska noqon doona dhereg dhacsi aan wax xal ah u sidin maxasta SOOMAALIYEED ee sida xaya la’aanta ah sidii xaabo loogu shidayo xarbiga ka oogan Soomaaliya balse arinta is waydiinta mudan ayaa noqoneysa sidee ay beesha caalamku Soomaali dalkeedii uga caymin kartaa ama uga caymin lahayd….? Xusuuso oday xilla-gube ah oo afada (xaaska) iyo ilmaha laaya..! Xitaa hadii ay odayada iyo aqribada kale kusoo baxaan oo ay IS DAAYA yiraahdaan ugu dambeeyntii iyagii uun baa loo kala tegayaa.

Shirkan oo ay markii ugu horeeysey kasoo qayb galeen dhamaan maamullada sidii jeermiskii u tarmay tan iyo tuuristii taliskii dhexe ee caskariga ahaa oo noqday ‘AYAX TEG EELNA REEB’ ayay dadka qaarkood ku doodayaan inay wax uun mubaara cusub ihi ka iman karaan si loosii amba qaado geedi socod dalka lagu gaarsiiyo hanaan dowladnimo oo cadaalad ah laakiin marka aad eegto jiritaan la’aanta hindise Soomaaliyeed, dan qaran oo guud iyo aragti hufan oo ay Soomaali leedahay kuwa siyaasiyiinta sheegtaaba ha ugu horeeyeene waxaa adkaaneysa inaad aaminto in NINKII SHALAYTOOLE KU DAGAY OO MAANTA KU DARYEELAYO.

MAXAY MAAGAN YIHIIN REER GALBEEDKU.?

Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu qabto qalbaca galbeed (Western hemsphere) ee caalamka oo ay dhacaan inta badan dalalkii Soomaaliya aakhirka ka lumiyay xilligii gumeysiga (Ingiriis, Talyaani, Faransiis IWM) isla markaana ah kuwa arimeheenna farafareeya illaa maantan la joogo ayaan sidoo kale la ogeyn waxa ay u yeerin doonaan bahdeenna ISU TUMAN oo aan nasiib darro lahayn IL aragta cid kale oo aan iyada LAFTEEDA ahayn tiradana aan ku darsan waxa ay isu tahay ama isku tahay (Hadaan isla jirno waxbaan wada noqoneynaa, hadaan kala jirnana WAXASH).

Dadka qaar baa qaba in tillaabadan uu Ingiriisku qaaday uu yahay uun mid looga dabaaqayo galaangalka cusub ee wax ku oolka ah ee uu TURKIGU la yeeshay Soomaaliya oo aysan reer galbeedku sidaa ula dhacsaneeyn taasoo dhalisay inay ama ugu yaraan wiiqaan saameeynta isa soo taraysa ee TURKIGA ama ay ugu yaraan ciyaaraan door ah ”ANNA WAY KAN” hana iloobin markasta istaraatijida 1-aad ee REER GALBEEDKU mar kasta waa inay arkaan AMXAARO amaan ah iyo SOOMAALI is diidan.

Dadka qaar baa qaba in shirkan ay soo dedejisey shidaalka laga yaabo in Soomaaliya laga helo balse hadalkaasi ma bisla maadaama aanu illaa iyo iminka jirin shidaal lasoo saaray ama xitaa duruuf shidaal lagusoo saari karo xilligan iyo sharikadda shidaalka baaraysa oo ah sharikad Canadian ah oo galaangal la leh Ingiriiska iyo bahda GALBEEDKA.

Si kastooy tahayba Ingiriiska oo ah dalkii Soomaaliya u qaybiyay qaab aysan weligeed u degin isagoo kaashanaya caqliyadda cid-cideeysiga ku dhisan ee Soomaalidu kuu caan tahay ayaan maantana looga fadhiyin inuu qabta wax ka badan wixii uu dantiisa ka dhex arko–adigoo xanuunsanaya marka aad eegto sida tartiibtartiibta ah ee uu dalkeenni gacanta uga sii baxayo iyadoo ay dhanna haystaan wax magarato gumeysi diin ku gambanaya ka amar qaata dhanna ay maamulaan odayaal aan khibrad siyaasadeed lahayn oo guul siyaasadeed u fahansan inaan kursiga laga qaadin xitaa hadii ay taasi ka dhigan tahay aqbalitaanka iibka dalka.

Waxaana taa u daliil ah qaabka loo abaabuley shirarkii ugu dambeeyey kasoo biloow wixii lagu sheegay ‘KAMPALA ACCORD’ oo ay bilaabatay in inta dalal qalaad wax soo gooyaan Soomaalida lagu yiraahdo garwaaqsada hadii kale…….!!!! Iyadoo shirkan London laftiisa laga filayo in sidaa oo kale ay uga soo baxaan manaahijtii ay ku shaqeeyn lahaayeen dad leh dalkeennii iyo dadkeenii hanalaka celiyo anagana hanala kala celiyo…? Oo yaa na kala celinaya..? Cadowgeenna 1-aad…YAAB.

Bal eeg wefdiyada balaaran ee boorsooyinkooda si jaceyl iyo hiloow kujiro usoo xirxirtey sidii inay XAJKII u socdaan ee aan xitaa maanta dalkii min LOOWYA CADDO ilaa LIBOOYA aysan joogin wax wasiir kasareeya oo ku haray DHANKA MAAMULKA markaad eegto iyadoo uu midba is leeyahay wixii mid loo sheego adna maqal oo yaan lagu gaadin waxaad gocaneysaa ALLA FIICNAAN LAHAYDAA hadii ay iskugu iman lahaayeen sidaa oo kale iyagoo fadhiya GEED SOOMAALIYEED kana wada arinsanaya DAN SOOMAALIYEED taasoo nasiib darro ah wax aysan DUXDEEDA lahayn…….ALLOW DALKA DAD U BIXI…….AAMIIN.

Aanu woxoogaa kasoo qaadanno gabaygan uu tiriyay (AUN) Guhaad Cabdi Gahayr horraantii 80-meeyadii oo ay Soomaalidu qaranimadeedii ka dooratay jabhado daba dhilif ahaa oo Itoobiya kasoo tahliilsan jirey, isagoo dabcan saluugsanaa dadka Soomaaliyeed oo uu caqliyadooda ka gartay inaysan ahayn duul nidaam dowladnimo iyo dan guudba u bisil
MUCAARAD IYO MUXAAFIDBA isagoo yiri:-

ULULIDA ALAALIXIDA TUBAN, ARIGAN SOOMAALI.
EE AAN AQOON KALA HAGTIYO, ILI USOO JEEDIN.
ISU TAGA ABAABULA SHIRWEEYN, AAYA KAMA REEBA. (imisa shir dib u heshiisiin ayan maraynaa)
ARXAN DARAN AGOONTEEDA CUNA, HOOSTA KA ABEESO.(isuma garoowdo aan loo garaabin)
IIDAHA ISLAAM LAGU MATAAL, JAMACA AAMIINTA (umaddu waa af ka islaam masaajiddo badan)
ARAGAAGU GOORTUU KA TAGO, CUNA ARWAAXAAGA. (inta salada laga baxayaa ku dheer)
MID IIBSADEY ALAAB IYO DILLAAL, INA ADEERLEEYA. (Kii qalayeey qaraabaysataa)
ILOOW BADAN SIDII NAAG UMULA, FOOSHA KU ILMEEYA.(Jugtu intaysan kugu dhicin iska eeg)
UGAAR DHAGA LA´ UUB LOO QOD DHEER, DABINNO LOO AASA.(Fashilan iyadu isku foogan)
WAX MA ARAGTO ISU QABA ILA DHEER, AQALKA LOOSOO GAL. (ama reer hebel baa wata ama reer hebel baa loola danleeyahay)
ALWAAXDIYO DADKAA XAABADA AH, E ISLA AMIIRA. (Waraabaha ka carar walaalkaase iskajir)
IFKA MARATO AAKHIRANA NAAR, LAGU ABAALSIIDA.
ANUUN BAA U EEDAAMAYEE, MALAHA IIMAANE.

Halkaan hoos ka daawo MASAAFADA u dhexeeysa halka nalaka rabo iyo halka aan joogno oo ay u dhexeeyso fogaan malaayiin sanadoo ah (Light years)

Posted on February 23, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: