Xiriiriyaha Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadda iyo madaxtooyada dowlada KMG Somalia oo lagu magacaabay wareegto

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dekreeto ku magacaabay Mudane Cabaas Macallim Nuur oo horay u ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, iyadoona iminka loo magacaabay Xiriiriyaha jaaliyadda Soomaalida dibadda iyo Madaxweynaha.

Khaliif Cabaas Macallim Nuur ayaa mar uu ka hadlayay jagada loo magacaabay waxa uu sheegay inuu wax weyn ka qabanayo sidii uu u xoojin lahaa xiriirka Madaxweynaha iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda oo uu sheegay in mudadii 21-ka sano ahayd ay door weyn ku lahaayeen arrimaha Soomaaliya.

“Haddii Alle idmo waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan u xoojin lahaa xiriirka Madaxweynaha iyo Jaaliyadaha Soomaalida Dibadda, waxaana si gaar ah ugu dadaali doonaa sidii dib u dhiska wadanka ay uga qeyb qaadan lahaayeen jaaliyadaha Soomaalida dibadda” ayuu yiri Khaliif Cabaas Macallim Nuur.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa dekreetadiisa kula dardaarmay Khaliif Cabaas Macallim Nuur inuu u guto si mutadawacnimo oo wadaniyad ku dheehan tahay, isagoona wareegtadiisa ku sheegay in xilka loo magacaabay Khaliifka uu yahay shaqsi karti u leh kana soo bixi kara xilka loo magacaabay.

Dekreetada lagu magacaabay Khaliif Cabaas Macallim Nuur oo uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo aanu helnay nuqul ka mid ah waxay u qorneyd sidaan:-

Posted on February 25, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: