Dowlada Turkia Oo Ku Celisay In Ay Diyaar La Tahay Taageero Millitary Oo Ay Siiso Somalia.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Axmed Da’ud Oglo ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay taageero dhinaca militeriga ah oo Somalia ka caawina sidii xasiloonida dib loogu soo celin lahaa.

Shir saxaafadeed uu ku qabtey London ayuu beesha caalamka ugu baaqey inay xoojiyaan ciidamada nabad ilaalineed ee Midowga Afrika ka socda,waxana uu raaciyey in Turkigu diyaar uyahay taagero militeri.

Bartamihii 2010 ayaa Turkigu waxa uu saxiixey heshiis uu ku tababarayo ciidamada Somalia kadib shirweyne caalami ah oo Qaramada Midoobey ku qabatey Istanbul.

Wasiirka Arrimaha dibedda Turkigu waxa uu cadeeyey doorka dalkiisa ee ku aadan dhex-dhexaadinta dhinacyada siyaasada Somalia isku haysta, isagoona yiri “Turkigu waxa uu soo bandhigayaa talaabo kasta oo nabad waarta Somalia looga dhalinkaro”.

Oglo waxa uu ka sheekeeyey kaalmooyin uu dalkiisu ugu deeqo Somalia, tibaaxey in Turkigu yahay dowladda keliya ee ka soo baxdey balanqaadkeedi Somalia oo ka dhaxeyso xiriir aad u wanaagsan.

“Turkigu waxa uu gurmad gaarsiiyey Somalia ,waana waajib bini’aadanimo mana jirto maslaxad aan ka leenahay, Somalidu way noo ogyihiin abaalkaasi” ayuu yiri Da’ud Oglo.

“Balanqaadkayagii ku aadanaa Somalia waan ka soo baxney muddo gaaabn gudaheed tan iyo shirkii Istanbul2011″ Ayuu raaciyey hadalkiisa wasiirku oo sheegay in mar labaad shirweyne caalami ah Somalida loogu qaban doono Istanbul bartamaha Sanadkaan 2012.

Posted on February 26, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: