Dowladda Turkiga dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya

Axad, Feberaayo 26, 2012 (Moment Media Group) — Dowladda Turkiga oo hay’ado badan oo kuwa gargaarka ay kaga sugan yihiin Muqdisho ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya, sidoo kalena ay DKMG ah ka caawiso dhismaha ciidamada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Axmed Davutoğlu ayaa hadalkan ka sheegay xafladdii lagu soo xirayay shirkii maalintii Khamiista ahayd loogu qabtay Soomaalida magaalada London, isagoo sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan xoojinta ciidamada AMISOM.

“Turkigu kaalin muhiim ah ayuu ka qaadanayaa dhexdhexaadinta dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya. Turkiguna wuxuu diyaar u yahay inuu dadaal badan ku bixiyo sidii nabad looga dhalin lahaa Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku yiri.

“Dhammaan dhinacyada ku hardamaya Soomaaliya aad ayay u qadariyaan Turkiga, waana taas sababta keentay inaan ku dhiirranno inaan dhexdhexaadin ka dhex-billowno dhinacyada Soomaalida,” ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga wuxuu sheegay in dalkiisu uu si kal iyo laab ah u caawinayo Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray in iyaga iyo Faransiisku ay ku hardamayaan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen hannaanka dhameystirka xilliga KMG ah ee dalka Soomaaliya.

“Turkigu wuxuu siiyay Soomaaliya gargaar dhinaca bani’aadamnimada ah, mana aha mid aan dano siyaasadeed oo gaar ah aan ka leennahay,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo intaa ku daray in Soomaalidu ay kaga mahadceliyeen Turkiga gargaarkii uu siiyay.

Mr. Davutoğlu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay fulinayso dhammaan heshiisyadii ay la gashay dowladda KMG ah ee wax looga qabanayay dalka, kuwaasoo uu qayb ka yahay heshiis dhinaca milateriga ah oo ay Soomaaliya iyo Turkigu kala saxiixdeen sannadkii 2010.

Dowladda Turkiga ayaa waxay ka mid tahay dowladihii u soo gurmaday Soomaaliya markii ay dilaacday abaartii ugu xumayd ee soo marta Soomaaliya muddo 60-sano ka badan, waxaana tan iyo xiligaas ay Turkigu howlo horumarineed ka wadaan Muqdisho.

Moment Media Group

Posted on February 26, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: