Madaxweyne Shariif oo Shaaca ka Qaaday in Dawladiisu ay Wadahadal Toos ah La Galeyso Somaliland sida shirka London iyo War-murtiyeedka ka soo Baxay oo Qodobkisa 6aad oo Somaliland lagu xusay

Muqdisho (Moment Media Group) Madaxweynaha DKMG Somaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeybgalay shirkii London isagoo ay wehlinayeen wafdi ka socda DKMG ah. Madaxweyne Shariif ayaa markii uu tagay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya hadal kooban siiyey saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday in dawladiisu ay bilaabeyso wada hadal toos ah oo ay la geli doonto maamulka Somaliland oo sanadkii 1992 ku dhawaaqay inuu Soomaaliya inteeda kale ka go’ay.

Madaxweyne Shariif ayaa cadeeyey in qodobadii shirka London ay si aan mugdi ku jirin u cadeeyeen in Soomaalida ay mid tahay isla markaana wax kasta oo Soomaalida danaheeda ah dadka Soomaaliyeed loo daayo, taasina ay abuurtay fursad lagula hadli karo maamulka Somaliland.

Shirka jaraa’id madaxweyne Shariif Axmed wuxuu ku sheegay in DKMG ah ay diyaar u tahay shuruud la’aan wada hadal toos ah oo ay la fureyso madaxda Somaliland ayna ogosghahay dawladu in la xaliyo wixii dhib ah ee ay tirsanayaan walaalaha waqooyi galbeed, sida uu sheegay.

Shariif oo la weydiiyey hawlgalada ka socda gobolada Baay, Hiiraan iyo Jubbooyinka ayaa soo dhoweeyey in magaalada Baydhabo laga saaro Al-Shabaab.

Wuxuu dhanka kale u digay saraakiisha ciidamada DKMG ah oo uiu sheegay in looga fadhiyo dhismaha iyo nidaaminta ciidamada qalabka sida ai ay u hantaan amaanka dhulka laga saaro Al-Shabaab.

Posted on February 26, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: