Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shaki geliyay War-mutiyeedkii kasoo baxay shirkii lagu qabtay Magaalada London Iyo Ethiopia Oo Isaga Baxaysa Baydhabo !

Jimco, Feberaayo 26, 2012 (Moment Media Group) — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi oo markii uu shirku dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa shaki ka muujiyay shirka isagoo sheegay inuu maqlay in warmurtiyeedka shirka laga soo saaray la qoray ka hor intii aan shirka la qaban.

Meles Zenawi oo ka mid ahaa xubihii shirka ka qaybgalay ayaa wuxuu markii hore ku tilmaamay shirka inuu yahay mid guuleysanaya maadamaa uu yahay shirkii ugu horreeyay oo Soomaalida loo qabtay oo uu ka qaybgalo.

“Inkastoo aan rajeynayo in shirkan qodobbada kasoo baxay ay wanaagsan yihiin haddana waxaan maqlay in war-murtiyeedka shirka la qoray intii uusan shirkuba qabsomin,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa hadalladiisa ka muuqday inaysan waxba u taranyn Soomaalida qodobbadii kasoo baxay shirkan haddii ay wax u dhaceen sida uu maqlay oo ahayd in qodobbada iyo shirku kala horreeyeen.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo shirkan hindisihiisa lahaa ayaa ku sheegay hadalkii uu ku furayay shirka shalay oo Khamiis ahayd in sababta loo qabanayo ay tahay sidii Soomaalida loo caawin lahaa, waxna looga qaban lahaa dhibaatooyinka raagay ee isugu jira colaadaha, argagaxisada, burcadbadeedda iyo dowlad la’aanta.

Madaxda Soomaalida ayaa waxay muujiyeen in shirkan uu yahay kii ugu wanaagsanaa ee Soomaalida loo qabtay, iyagoo sheegay in qodobbada kasoo baxay ay yihiin kuwo wax ku ool ah.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan ciidamo ah oo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab waxayna ciidamadan oo caawinaya kuwa DKMG ah ay qabsadeen degmooyinka Baladweyne iyo Baydhabo oo ay ka talin jirtay Al-shabaab.

Ethiopia Oo Isaga Baxaysa Baydhabo !

Addis-Ababa – Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada Ethiopia Dina Mufti oo maanta la hadlay warbaahinta wadankaasi ayaa sheegay inay ciidamadooda ay kala baxayaan magaalada Baydhabo marka ugu horeysa ee ay xasiliyaan amaanka magaalada ayna hubiyaan in magaalada ay gacanta dawlada si buuxda ugu jirto.

Afhayeenku waxaa uu xusay in ciidamadooda ay dhawaan magaalada Baydhabo ee xerunta gobolka Bay ka saareen Xarakadda Al-Shabab oo muddo sanado ah maamulayay waxaana uu intyaa ku daray in Baydhabo ay tahay magaaladii labaad oo oo muhiim ah oo ay Al-Shabab ka saaraan Dina Mufti afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbadda Ethiopia waxaa uu hadalkiisa ku sheegay inuu hadda socdo qorshe ay ku doonayaan inay hawl galo ka sameeyaan magaalooyin kale oo gudaha Soomaaliya kuyaala walaw uu ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto.

“Ciidamadeena sida ugu dhaqsiyaha badan ayay Baydhabo uga baxayaan waana marka ay amaanka sugaan lana hubiyo in magaalada ay dawlada gacanta ugu jirto” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbadda wadanka Ethiopia Dina Mufti oo la hadlayay warbaahinta dalkiisa waxaana uu tilmaamay inay magaalada Baydhabo ay ku wareejinayaan cidda xaqa u leh sida uu yiri.

Ciidamada dawlada Ethiopia oo garab siinaya kuwa dawlada ayaan dhawaan lawareegay magaalada Baydhabo oo ka mid aheyd meelaha ay sida weyn ugu xoogan yihiin Xarakadda Al-Shabab dhawaana sidaas oo kale ayay ciidamada Ethiopia la wareegeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Posted on February 26, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: