Ingiriiska iyo Holland oo ku heshiiyay in la ballaariyo la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya

Ra’iisal wasaarayaasha Dowladaha Ingiriiska iyo Holland ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la dhiso Hay’adda ka qeyb qaadata ladagaalanka burcad badeeda Soomaaliya taasi oo fadhigeeda noqonayo Badweynta India.

Madaxda oo kulan ay ku yeesheen Magaalada London ee Xarunta dalka Britain Xoghayaha Arimaha Dibadda Ingiriiska William Hague iyo dhigiisa Holland Uri Rosenthal ayaa waxa ay isku raaceen in la dhiso hay’add la socota xaladda Burcad badeeda oo saldhigeedu noqonayo Jasiirada Bad weynta India ku taala ee Seychelles, taasi oo ka shaqeyneysa sidii looga hortegi lahaa afduubka kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ay ka geysanayaan biyaha caalamiga ah.

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda UK William Hague ayaa sheegay in dowladiisu bixin doonto lacag hor dhac ah oo ay ugu tala gashay RAPPICC 550,000 Bond iyo sidoo kale in ay magacaabi doonto agaasimaha ugu horeeya  ee Hay’adda, iyadoo Holland ay dhankeeda xustay in ay bixin doonto 300,000 Yuuro ah taas oo lagu saacidi doono howlaha hay’addan qabaneyso.

Labada Dowladood wax ay isku raaceen in ay bixinyaan dhaqaalaha lagu yagleelayo dhismaha hay’addan oo Magaceeda lagu sheegay Marka la soo gaabiyo RAPPICC taas oo qaban doonta howla badan oo ku aadan falalka burcad badeednimada ah sida Maxkamadeeyntooda iyo xabsiyo gaar ah.

William Hague oo hadalayay ayaa sheegay in burcad badeedu ay tahay mid keeneysa xasilooni darada ka jirta dalka Soomaliya isagoo farta ku fiiqay lagama maar manimada siiwadida dagaalka lagu la jiro burcad badeeda Soomaalida.

“Arrimaha sababay burcad badeednimada Soomaaliya iyadoon marka hore la qiimeynin oo aan berriga howlgalo laga sameynin lagama hortegi karo burcad badeeda” ayuu yiri William Hague oo sheegay dhinaca kale in la ballaarinayo howlgalada looga hortegayo burcad badeeda.

Dhinaca kale kulanka labada mas’uul ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Britain dhawaan marti galisay kulan ay ka soo qeyb galeen hogaamiyaal ka socda beesha caalamka kaas oo looga hadlayay xaalada dalka Soomaliya oo ay ugu horeeyaan Burcad badeeda iyo argagixisada.

Posted on February 27, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Midowga Yurub oo kordhiyay mudada uu soconayo howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda Soomaaliya

    Isniin, Feberaayo 27, 2012 (Moment Media Group) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa maanta oo Isniin ah kordhiyay xilliga uu soconayo howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda Soomaalida ee maraakiibtooda dagaal ay ka wadaan biyaha Soomaaliya.

    Wasiiraddu qorshahooda kuma darin in burcadbadeedda lagu weerari karo dhulka sida loogu weeraro badda. Balse wasiirradu waxay isku raaceen in howlgalka uu socdo illaa bisha December ee sannadka 2014.

    Ilo dublamaasiyadeed ayaa sheegay in Midowga Yurub ayaa toddobaadkii hore isla garteen in howlgalkan lagu baahiyo dhulka si looga hortago in burcadbadeeddu ay soo galaan badda halkaasoo ay maraakiibta ka qafaashaan, balse lama oga sababta ay arrintaas isku bedeshay.

    Maraakiibta Midowga Yurub ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa waxay sannadkii hore oo keliya qabteen 117 ruux oo looga shakiyay inay burcadbadeed yihiin, sidoo kale waxay carqaladeeyeen 27 weerar oo ay burcabadeeddu doonayeen inay ku qabsadaan maraakiib marayay badweynta Hindiya iyo badda cas.

    Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan sheegay in ciidamada Midowga Yurub ay ku guuldareysteen howlgalka ay ka wadaan biyaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay codsanayaan in dowladda KMG ah laga caawiyo dhismaha ciidamada badda si ay uga hortagaan burcadbadeedda.

    Wararka qaarkooda ayaa waxay sheegayaan in Jarmalka oo qayb ka ah howgalka uu ka baaqsaday inuu ogolaado xilli kordhinta, wuxuuna codsaday in sharraxaad dheeraad ah laga siiyo sida xilli kordhinta loo sameeyay.

Leave a reply to CalankaSomalia Cancel reply