Ciidamadda Dowladda Kenya oo lagu dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee ay ka mid noqonayaan Ciidamadda Amisom

Dowladda Kenya iyo Midowga Yurub oo si weyn uga wada-hadlay arrimaha Ciidamadda Dowladda Kenya ee gudaha u gallay Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, ayaa waxay qorsheeyeen xilliga Ciidamadda Kenya ay ka mid noqon doonaan Ciidamadda Amisom.

Labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in Ciidamadda Dowladda Kenya ay xirtaan dareyska Ciidamadda Amisom iyo koofiyadaha lagu yaqaano, si markaasi loogu aqoonsado inay ka mid yihiin Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

Midowga Yurub ayaa wuxuu diyaar la-yahay in uu dhaqaalo xoogan ku bixiyo Ciidamadda Amisom, iyadoo dhinaca kalana uu dhaqaalaha uu u sii marin doono Ururka Midowga Afrika, kaasoo Dowaldda Kenya u qorsheyn doono lacagta ay qaadayaan Ciidamadda Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa wuxuu ka hadlay heshiis ay gaareyn Saraakiil Midowga Yurub ka socota oo maal-mahaanba ku sugan Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Kenya.

Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay in Ciidamadda Kenya ay todobaadka soo socda ay xirtaan dareyska Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isagoo dhinaca kalana sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada culus ee ay kula jiraan Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa waxay dadaalo xoog leh ay ugu jirtaa sidii ay meesha uga saari laheyd Xarakada Al Shabaab, oo ay ku eedeysay mid dhibaato ku ah ammaanka iyo dhaqaalaha ee dalka Kenya, iyo weliba sidoo kale Wadamada Geeska Afrika ku yaalla oo dhan.

Posted on February 28, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Malez Zanawi:Ciidamada Amisom Aduun lacageed lasiiyaa Muqdisho masoo dhaafin

    Ayadoo gudaha adalka Soomaaliya xiligaan ksuganyihiin ciidamada Itoobiya oo kamid ah cadowga soo jireenka somaliya oo dagaalo xoogan haatan kula jira kooxda shabaab ayaa kahadlay Ra’isulwasaaraha wadanka Ethiopia Malez Zanawi wuxuuna diirada saaray fara gelinta kusameyeen dalka somaliya.

    Malez Zanawi Isagoo lahadlay Tv laga leeyahay wadankiisa waxaa uu sheegay in ay ciidankiisu Somali utageen in ay Al shabab ka xoreeyan Geeska Africa ayna soo celiyaan xasiloonidii Somalia .
    Waxaa uu sheegay in milatarigiisu ay ka saari doonaan Al shabab gobolada ku yaala xadka uu wadankiisu la wadaago Somalia kadibna ay ku wareejin doonaan Amisom .
    Waxaa uu ugu baaqay beesha caalamka in la sameeyo golo siysaasadeed oo dowlada KMG ah kala shaqeeya soo celinta nabada Somalia .
    Waxaa uu sheegay in ciidanka Amisom oo lasoo badiyaahi ay tahay fursad kale oo lagu jabin karo Al shabab waxaana uu dhaliilay qaabka ay ciidanka Amisom ushaqeyaan kuwaas oo aan wali dhaafin caasimada Muqdisho.
    Ugu danbeyntii Malez Zanawi ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidankiisu aaney dib uga soo laaban doonin Somalia ilaa ay Al shabab ka tir tiraan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: