Danjire Mahiga oo sheegay in koox aan waxba dhaamin Al-shabaab ay afgembi ku qabsatay xarunta madaxtooyada Somalia

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay Agustine Mahiga ayaa sheegay in dhawaan la qabanayo shir ay isugu imaanayaan dhinacyada Soomaalida, loogana hadlayo meelmarinta dastuurka, isagoo xusay in xubnaha ka qeybgalaya shirkan ay ka duwanaan doonaan kuwii ka qeybgalay shirarkii ka horeeyay oo uu sheegay inay soo agaasimi jireen labada Shariif.

Mahiga waxaa kale oo uu sheegay in qalalaasaha ka dhex jira Baarlamaanka KMG uu ku yimid qaab qaldan, isla markaasna aysan sharci aheyn xubnihii sheegay inay xilka ka qaadeen Shariif Xasan, wuxuuna intaasi ku daray in xubnahaasi ay ahaayeen 130 oo qur ah, isla markaasna qaarkood ay labada gacan taageen markii ay xilka ka qaadayeen Shariif Xasan, sidoo kalena Shariif Xasan oo maqan ay xilkii ka qaadeen, taasina aysan sharci aheyn.

“Xubnaha Baarlamaanka ee qalalaasaha wada waxaa ku jira hogaamiyo kooxeedyo ka cabsi qaba in kiiskooda loo gudbiyo Maxkamadda dembiyada dagaalka, mana doonayaan in Soomaaliya ay dhibka ka baxdo oo ay cagaheeda isku taagto” ayuu yiri Danjire Mahiga.

Mahiga waxaa kale waxaa kale oo uu caddeeyay in Madaxtooyada Soomaaliya uu afgembi ka dhacay, dibna ay awoodda ugu soo laabteen sida uu yiri kooxda Aalla Sheekh oo ka socota dhinaca Madaxweynaha, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey sida tan “Madaxtooyada Soomaaliya afgembi ayaa ka dhacay, Aala Sheekh ayaa awoodda ku soo noqotay, waana arrin aan la dhayalsan karin” ayuu yiri Mahiga oo intaasi ku daray in Aala-Sheekh aysan dooneyn Road Map-ka iyo isbedelada socda ayna doonayaan in dowlada xiliga loo kordhiyo si ay awooda talada dalka u sii heystaan muudo kale.

Agoustine Mahiga ayaa sheegay in Aala-Sheekh aysan waxba ka duwaneyn Al-shabaab fikir ahaan, balse marka laga reebo inaysan hubka qaadan, waxaa uu ku sifeeyay inay asal raac ahaan ay tahay kooxda Aala Sheekh, mab’da-ooduna uu yahay siyaasad gooni ah, isagoo xusay inay dhawaan sameysteen Urur diimeed oo ay ku doonayaan inay xisbi siyaasadeed ku bedelaan si ay xukunka ugu qabsadaan wejiyo kale.

Hase ahaatee waxaa hadalka Mahiga si kulul uga jawaabay Shiikh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka mid ah culimada Aala-shiikh wuxuuna si kulul u cambaareeyey hadalka Mahiga, isagoo ka codsaday QM iney bedesho Mahiga oo uu ku eedeeyey inuu faraha la soo galay arimaha diinta ee Soomaaliya kooxda Aalla-shiikhna ku tilmaamay iney yihiin kuwo aan wax badan dhaamin Al-shabaab.

“Hadalka Mahiga waa mid ka baxsan howlaha uu u xilsaaran yahay Aala-shiikh oo ka kooban culumaaudiin Soomaaliyed oo caan ah weligoodna aan ka shaqeyn dhibaatada umada ayuu ku tilmaamay iney la mid yihiin Al-shabaab oo waxa ay yihiin la yaqaano waa aflagaado cad iyo ku xad gudub aan geed loogu gaban oo lagu sameeyey culimada Soomaaliyeed” ayuu intaa ku daray sheikh Axmed Dhicisow.

FARMAAJO : Mahiga Shaqadii Loosoo Idmaday Ayuu Ka Dheereeyey Wuuna Ku Fashilmay Hawshiisa (Halkan Ka Dhagayso Waraysi Culus Oo uu Siiyey Idaacadda VOA-da)

FARMAAJO : Mahiga Shaqadii Loosoo Idmaday Ayuu Ka Dheereeyey Wuuna Ku Fashilmay Hawshiisa (R/wasaarihii Ugu Shacbiyadda Badnaa Somalia Oo Jawaab-celin Kulul Siinaya Danjire Mahiga Oo Sheegay In Farmaajo uu Masuul Ka Yahay Muranka Mudanayaasha Baarlamanka.

Moment Media Group Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkan Soomaaliya oo isaga oo kusugan Natherland waraysi siiyay VOA ayaa kasoo horjeestay fikirka uqaabilsanaha Soomaaliya ee QM ee ahaa in la iska dhaafo dowladda dhaxe ee uu yeesho dalkan Soomaaliya taasi oo uu ku tilmaamay in ay ka dambeysay kala qobqobka haatan uu dalka ku jira.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in ay ka timaaday dhibaatada haatan soomaaliya haysata Dowladii dhaxe ee uu mar dalkan lahaa. 
 
Farmaajo, Ra’iisulwasaarehii hore ee Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay isagoona sheegay in fikirkaasi uusan ahayn mid sax ah waxaana uu intaa ku daray in loo baahan yahay dowlada Dhaxe. 
 
Mar wax laga weydiiyay Maxamed Cabdulahi farmaajo eedeeyn uu u soo jeediyay Ergayga gaar ah ee QM arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo ku aadanayd in Shaqsiyan uu ka dambeeyo Muranka ka dhex taagan Baarlamaanka KMG Soomaaliya taasi oo uu ugu gol lee yahay in uu ku soo laabto Masraxa Siyaasada Soomaaliyeed ayuu eedeeyntaasi waxa uu ku tilmaamay mid muujinaya Mahiga inuu ka dheereeyay waxyaabihii ay usoo idmatay QM oo ahaa inuu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya loogu heli lahaa nabad waarta hase ahaatee uu ku fashilmay arintaasi. 
 
Su’aalaha la weydiiyay oo ahaa kuwa dhinacyo badan taabanayay ayaa Ra’iisulwasaarihii hore ee waxa la weydiiyay halka uu ka taagan Shirarkii  ka kala dhacay magaalooyinka Garoowe iyo London kuwaasi oo lagu sheegay in ay ka qeybgaleyn dhinacyada Soomaalida, Shirarkaasi iyo qodobadii kasoo baxayba ayuu ku tilmaamay  farmaajo kuwa Guul u ahaa Soomaalida. 
 
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo waraysi Siiyay Wakalaada SomaliaReport ayuu eedeyn kala dul dhacay Ra’iisulwasaarihii hore ee Maxamed C/laahi Farmaajo isagoona eedeyntiisa u soo xiganayay in Farmaajo uu ka dambeeyo Khilaafka Baarlamaanka oo uu ku sheegay mid uu wado uga dhiganayo kusoo laabashada siyaasada Soomaaliya.

 

Posted on March 3, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: