Danjire Mahiga “Puntland hadeysan jirin lagama gaareen wax heshiis ah shirarkii Garoowe lagu qabtay” (HADAL DAD BADAN KA YAABIYEY)

Danjiraha Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Augustine Mahiga ayaa waxa uu ka hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Puntland, isagoo amaan gaar ah uu u jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

“Puntland waxay Role ama Model u tahay Soomaaliya, waxaan soo marnay jid aad u dheer oo aanu dhamaanteen ka wada shaqeynay, waxaan hambalyo u jeedinayaa madaxda Puntland iyo shacabka Puntland oo suurtageliyey wixii wanaag ahaa oo Soomaali oo dhan ay heshay, Puntland haddii aysan jiri laheyn maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen” ayuu yiri Mahiga.

Talabooyinkii siyaasadeed ee Garoowe 1 iyo Garoowe 2 waxay suurtageliyeen inuu qabsoomo shirka London, waxaana idiin sheegayaa in hadalkii uu ku hadlay Ra’siul wasaaraha Ingiriiska David Cameron ee ahaa dowlada KMG ma dhaafi karto waqtigeeda, anagu waxaan go’aankaasi ku soo gaarnay shirarkii Garooweb 1 iyo Garoowe 2, wax walba horaan u soo dhameynay, wax dhameysan ayaa lala yimid shirkii London.

“Puntland hadeysan jirin lama gareen wax heshiis ah, waana guul ay keeneen shacabka Puntland iyo maamulkoodu oo iska kaashaday degenaanshaha deegaanada Puntland, waxaan kalo ku faraxsanahay Work shop-ka ay qabteen Jaaliyadaha Puntland Diaspora oo 2-bilood ka horb igu marti-qaaday inaan ka soo qeybgalo shirkooda oo ay uga hadlayeen horumarinta Puntland dhanka siyaasadda, waxbarashada, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda” ayuu yiri Mahiga.

“Waxan soo dhaweynaynaa in bisha August ay ku egtahay xilliga dowladda KMG, Puntland-na waa inay qeyb ka qaadataa sidii dowlad kale loo soo dhisi lahaa, C/raxmaan Faroole oo aan si wanaagsan u garanayo waxa uu daneynayaa hormarka Soomaaliya” ayuu yiri markale Augstine Mahiga.

Hadalka Mahiga ayaa ka yaabiyey dad badan, kuwaasoo sheegay in Puntland ay aheyd marti geliye oo kaliya hase ahaatee ay koox ka aheyd dhinacyada ka qeyb galayey, wixii shirarkaas ka soo baxayna ay ahaayeen wax ka dhashay tanaasul dhinacyo badan ka yimid balse aysan aheyn wax Puntland keligeed ay keentay.

Posted on March 3, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: