Farmaajo oo lagu wado in dhawaan uu shaaca ka qaado qorshihiisa Siyaasadeed

March 3 , 2012 (Moment Media Group) Reer Holland waxaa loo sheegay in bisha maarso saddexdeeda ee sannadkan 2012 uu imaanayo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo jagadiisii laga xayuubiyay,isagoo aan raalli ka ahayna ka soo tegay dalkiisa hooyo,kaddibna wuxuu bilaabay in uu dibedda ku wareego si uu uga soo horbaxo siyaasadda dawladda sheekh shariif,isagoo caddayn waayay barnaamijkiisa siyaasadeed,waxayna taasi keentay in dad badan ay ka caroodaan,una arkaan safaradiisa mid waqti dhumis ah iyo lacag khasaarin ah,inkastoo laga yaabo in Soomaalida Holland deggan ay nasiib u yeeshaan in Farmaajo uu shaaca uga qaado una caddeeyo qorshihiisa siyaasadeed uu muddada qarinaayay.

Inkastoo Farmaajo uusan ahayn codkar iyo siyaasi rug caddaa ah,haddana wuxuu si lama filaan ah u kasbaday shacabka Soomaaliyeed intooda badan oo gudaha Soomaaliya ku sugan iyo dibeddiisaba,booqashada uu Farmaajo ku imaanayo dalka Holland,waxaa dhici kaarta in ay ka duwan tahay booqashooyinka kale ee uu ku kala bixiyo waddamada kale,maxaa yeelay reer Holland waxay doonayaan in uu u caddeeyo mowqifkiisa siyaasadeed,dad badan oo aan la sheekaystayna waxay ii sheegeen fikrado kala duwan,qaar waxay ii sheegeen in uu u socdo sidii uu fashilin lahaa shirkii London kuna tilmaami lahaa in uu yahay shirqool lala damacsan yahay Soomaaliya,qaar kale waxay leeyihiin wuxuu u socdaa in uu ku dhawaaqo maamul goboleed oo uu madax ka noqonayo,qaar kalena waxay leeyihiin in uu doonayo in uu isku soo sharraxo doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo la qaban doono bisha agosto ee sannadkan.

Inta uusan Farmaajo aadin dalka Sweden ayaan soo qornay,in Farmaajo laga yaabo in uu doonayo,in uu ku dhawaaqo furitaan xisbi siyaasi ah,kaddibna uu shaaca ka qaado barnaamijkiisa siyaasadeed,mowqifkiisa iyo waxa uu damacsan yahayna uu caddeeyo ama in uu meeshiisa iska fadhiyo,kulana taliyo kuwa lacagta ugu soo ururinayo safarkiisa in ay lacagtooda u jiheeyaan Soomaaliya laguna hirgeliyo wax khayr ah oo ummadda waxtar u leh, laakiinse,midna ma dhicin,markuu Sweden tegayna wuu caddayn waayay siyaasaddiisa, wuuna diiday in uu wareegga joojiyo,in uu gurigiisa iska fadhiyana wuu diiday.

Laakiinse markan reer Holland yeeli maayaan,deyna maayaan ilaa uu Farmaajo ka caddeeyo mowqifkiisa siyaasadeed iyo waxa uu damacsan yahay,haddii kale waxay leeyihiin Farmaajow ina daa wareer dooni meyne.

Moment Media Group

Posted on March 3, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: